Posts

Showing posts from June, 2016

HAMLET

Image
Masrixiyadda la magac baxday ‘The Tragedy of Hamlet, Prince of Denmark’ ‘Masiibadii Hamlet, wiilkii boqorkii Dhenmaark’  waa masrixiyad uu allifay suugaanyahankii waynaa ee reer Ingiriis Shakisbiir waqti lagu qiyaaso intii u dhaxaysay 1599-kii illaa 1602-dii. Hamlet waxa ay ka mid tahay  masrixiyadaha ugu dhaadheer uguna awoodda iyo saamaynta badan suugaanta ingiriisida. Masrixiyaddan waxa laga sameeyay filimo badan waxa ayna noqotay qisadi labaad ee laga sameeyay filimada ugu badan marka laga yimaado qisada caanka baxday ee Saandareela ‘Cindrella’ Hamlet waxa curiyay Wiliyam Shakisbiir ‘William Shakespeare’ oo ahaa hal-abuur, riwaayad curiye iyo jilaa u dhashay dalka Ingiriiska. Shakisbiir waxa lagu tilmaamaa qoraaga ugu wayn afka ingiriisida ‘Greatest writer in the English Language’ Shakisbiir waxa uu curiyay intii uu noolaa 38 masrixayadood, 154 maanso iyo laba gabay oo dhaadheer. Shakisbiir waxa uu dhashay 26 Abril 1564-kii wuxuuna geeriyooday 13 Abril 1616kii isa