HAMLET




Masrixiyadda la magac baxday ‘The Tragedy of Hamlet, Prince of Denmark’ ‘Masiibadii Hamlet, wiilkii boqorkii Dhenmaark’  waa masrixiyad uu allifay suugaanyahankii waynaa ee reer Ingiriis Shakisbiir waqti lagu qiyaaso intii u dhaxaysay 1599-kii illaa 1602-dii.
Hamlet waxa ay ka mid tahay  masrixiyadaha ugu dhaadheer uguna awoodda iyo saamaynta badan suugaanta ingiriisida. Masrixiyaddan waxa laga sameeyay filimo badan waxa ayna noqotay qisadi labaad ee laga sameeyay filimada ugu badan marka laga yimaado qisada caanka baxday ee Saandareela ‘Cindrella’
Hamlet waxa curiyay Wiliyam Shakisbiir ‘William Shakespeare’ oo ahaa hal-abuur, riwaayad curiye iyo jilaa u dhashay dalka Ingiriiska. Shakisbiir waxa lagu tilmaamaa qoraaga ugu wayn afka ingiriisida ‘Greatest writer in the English Language’ Shakisbiir waxa uu curiyay intii uu noolaa 38 masrixayadood, 154 maanso iyo laba gabay oo dhaadheer. Shakisbiir waxa uu dhashay 26 Abril 1564-kii wuxuuna geeriyooday 13 Abril 1616kii isaga oo 52 jir ah.



Halkan waxa aan idinku soo gudbin doonnaa Masrixiyadda Hamlet uu u qoran qaab qiso ah isla markaasna kooban.

‘’Hamlet wuxuu ahaa inanka kali ah ee boqorkii Dhenmaarik. Aabbihii iyo hooyadiiba aad ayuu Hamlet u jeclaa. Sidoo kale wuxuu jeclaa Ophelia oo ahayd inanta Polonius. Polonius wuxu ka mid yahay shaqaalaha qasriga boqorka Dhenmaarik.
Hamlet waxa uu waxbarasho u aaday Wittenberg. Isagoo maqan ayaa loo soo sheegay in aabbihii geeriyooday. Isagoo aad u murugaysan ayuu Hamlet yimi gurigii. Geerida aabbihii oo uu aad u jeclaa waxaa kaga naxdin badnaa markii uu la kulmay hooyadii oo uu guursan rabo boqorkii dhintay walaalkii ‘’Hamlet adeerkii’’ Claudius. Claudius waxa uu sidoo kale la wareegay kursigii. Aad buu uga xumaaday arrinkan Hamlet sidaa darteed kama uu qaybgalin arooskii. ‘Lagama yaabo in aan si fudud ku iloobo aabbahay, murugadayduna waxa ay daaran tahay uun qof waayay qof uu jeclaa’ ayuu Hamlet ugu jawaabay adeerkii Claudius mar uu wax ka waydiiyay sababta uu la murugaysan yahay muddo ku dhow bil.

Arooskii kadib boqorkii iyo boqoradii waxa ay u baxeen dalxiis. Hamlet kaligii ayuu ku hadhay guriga isagoo mar walba ka fikiraya isla markaana is waydiinaya sababta degdega ah ee keentay dhimashada aabbihii. Marnaba muu rumaysan in aabbihii mas qaniinay oo ahayd sidii loogu sheegay isaga. Waxa mar walba maankiisa ku soo dhacaysay in adeerkii Claudius ka danbeeyo dilka aabbihii si uu dhaxlo boqortooyada una guursado boqoradda. Balse marnaba muu eedayn karayn ama dacwad kumuu oogi karayn adeerkii Claudius waayo ma hayo wax caddayn ah oo muujinaya in uu aabbihii dilay.

Maalin maalmaha ka mid ah Hamlet oo kaligii fadhiya waxa u imanaya Horatio. Horatio waa Hamlet saaxiibkii ay wax ku wada baran jireen Wittenberg. ‘Maxaa ku keenay halkan?’, ayuu Hamlet waydinayaa Horatio. ‘Geerida aabbahaa ayaan u imi saaxiib’ ayuu ugu jawaabayaa. ‘Waxa aan mooday in aad u timi arooska hooyaday!’
Horatio waxa uu Hamlet u sheegay qiso cajiib ah. Waxa uu uga sheekeeyay in isaga iyo laba ka mid ah waardiyayaasha qasrigu la kulmeen ruuxdii aabbihii dabaqa sare ee qasriga xalay. Isla habeenimadii Hamlet waxa uu koray xagga sare waxa uuna sugay in uu la kulmo ruuxdii aabbihii. Saqdiii dhexe markii ay ahayd ayuu mar kali ah soo baxay ruuxdii boqorku. Hamlet waxa uu ahaa wiil dhiiran sidaa darteed kama uu baqan oo kama cararin ruuxdii ee wuu u soo dhawaaday oo la hadlay. Kadib ruuxdii iyo Hamlet waxa ay isku raaceen meel sanqadh yar halkaas oo ay ruuxdii boqorku uga sheekaysay Hamlet in wixii uu ka shikisnaa ay dhab yihiin oo Claudius dilay aabbihii.  Ruuxdu waxa ay Hamlet u sheegtay in adeerkii Claudius sun dhegta kaga shubay aabbihii mar uu galabnimo hurday beerta qasriga.

‘Waa in aad aabbahaa u aargudaa, balse ka digtoonow in aad dhibaato gaadhsiiso hooyadaa’ ayay ku tidhi ruuxdii kadibna way qarsoontay. Hamlet waxa uu go’aan ku gaadhay in uu aabbihii u aargudi doono waxa uu saaxiibadiina ku dhaariyay in ay sirtaasi ilaaliyaan. Maqalka arrintan waxa ay Hamlet ka dhigtay sidii qof waalan oo kale. Waxa uu ka baqay in la dareemo in lagu lammaan yahay sidaas darteed waxa uu ku marmarsooday in ay waallidiisan ay sababtay waxyaabo kale.
Hamlet dabeecaddiisii ayaa is badashay, waxa uu noqday qof u eeg qof waalan isla markaasna u dhaqmaya si adag.  Dabeecadan cusubi waxa ay sidoo kale ka yaabisay Ophelia oo ahayd gabadhii uu jeclaa uu u naxariisan jiray isla markaasna koolkoolin jiray. Sida adag ee uu ula dhaqmayaa waxay sababtay in ay Ophelia u qaadato in Hamlet waashay waayo marnaba kama filayn in uu sidan u dhaqmo isagoo hagaagsan. Ophelia waxa ay aabbaheed tustay warqad uu Hamlet u soo qoray oo xambaarsan dhambaal jacayl ah. Laga bilaabo maalintaas qof walbaa wuxuu aaminay in sababta Hamlet waalidiisa ka danbaysaa tahay Jacayl.

Hamlet noloshiisii waxa ay noqotay bilaa farxad. Wuxuu maqlaa habeen walba hadalka ruuxda aabbihii isla markaana u hoggaansamaa mana garanayo si uu u aargoosto oo uu u dilo adeerkii. Iyada oo ay arrini sidaa tahay ayay koox riwaayadaha matashaa maalin yimaaddeen Qasriga boqortooyada. Hamlet markii uu la kulmay kadib waxa uu ka codsaday in ay riwaayad u jilaan. Riwaayaddu waxa ay ku saabsanayd nin haysta boqortooyo oo nin ay isku dhawyihiin ku dilayo beertiisa kadibna dhaxlayo boqortooyadiisa iyo gabadhiisaba.

Waxa la gaadhay waqtigii riwaayadda la soo bandhigi lahaa waxa goob qasriga ka mid ah isugu yimi boqorkii, boqoradii, hamlet, saaxiibaddii iyo dhammaan shaqaalihiii qasriga. Markii riwaayaddu maraysay intii boqorka la dilayay ayuu boqorkii dhagarqabaha ahaa adkaysan kari waayay kadib ka cararay goobtii. Hamlet inta uu asxaabtiisii ku jeedsaday ayuu ku yidhi ‘Hadda ayaan xaqiiqsaday in ruuxdii aabbahay run ii sheegaysay waayo Claudius sidan ugamuu gubteen daawashada riwaayaddan haddii uu yahay qof aan waxba galabsan’
Markii boqorkii qolkiisii soo gaadhay wuxu ku amray boqoraddii in ay u tagto Hamlet oo la soo hadasho, sidoo kale wuxuu ka daba diray Polonius si uu soo dhagaysto sheekadooda isagoo is qarinaya. Polonius wuxuu ku dhuuntay daaha qolka ay boqoradda iyo Hamlet ku wada hadlayeen. Hamlet waxa uu si arxan darro ah ugu qayliyay hooyadii illaa ay ooyday. Polonius wuu is hayn kari waayay oo ooyay. 

Hamlet wuu maqlay waxa daaha hoostiisa ka ooyaya kadib wuxuu mooday boqorkii. Inta uu seeftii galka ka saaray ayuu dilay Polonius.
Boqorkii markii uu ogaaday waxa uu boqoradii ku yidhi ‘Hamlet wuu waashay, waa in aan u dirnaa England’ waana loo diray. Hamlet waxa la geeyay maxkamad halkaas oo uu ku jiray muddo. Waqti kooban kadib Hamlet waxa usuuro gashay in uu soo baxsado oo ku soo laabto gurigii boqorka. Markii uu yimid gurigii wuxu la kulmay arrin murugo leh. Ophelia oo uu aad u jeclaa kadib markii ay wayday aabaheed, Hamletna ay wayday sidoo kale waxaa ku dhacay murugo badan taas oo sababtay in ay meelahaa iska marmarto kadibna la helay maalin iyada oo biyo ku dhexdhacday oo dhimatay.  

Geerida Ophelia waxa ka soo qayb galay Laertes, Ophelia walaalkeed. Laertes aad buu uga xumaa geerida ku timi walaashii oo aad u jeclaa. Hore wuxuu u waayay aabbihii oo uu gacanta ku dilay Hamlet maantana Ophelia oo Hamlet dartii u dhimatay. Cadaawad xun ayuu u qaaday Hamlet sidaa darteed aad buu u cadhooday markuu Hamlet geerida ku arkay. Hamlet cafis ayuu  ka dalbaday Laertes balse boqorkii ayaa inta uu kacay ka sheekeeyay sidii Hamlet u dilay Polonius, Laertes aabbihi. Laertes seeftiisii oo sumaysan ayuu la soo baxay sidoo kalena Hamlet. Dagaal goob joog loo wada yahay ayaa ka dhex dhacay Hamlet iyo Laertes.

Boqorku waxa uu sii diyaariyay khamri uu ku daray sun si haddii uu Hamlet guulaysto u siiyo oo uu dhinto. Si xun ayay u dagaalameen Hamlet iyo Laertes.  Labadooduba dhulka ayay ku dhaceen seefihiina sidoo kale way ka dhaceen. Seefihii way u kala badalmeen oo seeftii Laertes ee sunta lahayd waxay gacanta u gashay Hamlet. Mar kali ah ayuu la helay Hamlet seeftii oo ka dhex saaray Laertes.
Markii uu dhulka ku dhacay Laertes waxa la arkay boqoradii oo dhulka ku dhacday oo dhimatay kadib markii ay cabtay iyada oo aan ogayn khamrigii sunta lahaa ee Hamlet loogu talo galay. Hamlet iyo boqorkiiba aad bay uga xumaaden in ay hortooda ku dhimato boqoradii.
Ophelia way dhimatay, Polonius wuu dhintay, boqoraddii way dhimatay, Laertes wuu dhintay, boqorkii mutaystay in uu dhintana wuu noolyahay. Tani aad bay u cadho galisa Hamlet. Inta uu kacay ayuu seeftii suntan lahayd dhinaca kale uga saaray boqorkii oo halkii ku dilay.
Hamlet wuu fuliyay ballantii uu u balanqaaday ruuxdii aabbihii ee ahayd in uu  u aargudo aabbihii oo uu dilo boqorka. Hamlet-na wuu dhintay. Sidaas ayay ku dhammaatay qisadii masiibada ahayd ee ina boqorkii Dhenmaarik.


Tixraacyo:
Edith Nesbit, Hamlet short story (Story from Shakespeare)



Turjumidda: Muna Axmed Cumar


Comments

Popular posts from this blog

Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Bella Ciao: astaanta iska caabbinta!

Waqti U Samee!