Posts

Showing posts from November, 2016

Lama Filaan!

Image
 ‘Hargeysa, 2001’ Qaylo, buuq iyo oohin ayaa si is daba joog ah ugu soo dhacayay dhageheeda markii ay ku soo socotay xaafadda saxiibadeed Caasha, iyadoo codka qaylada iyo buuqu marba marka ka danbaysa uu kordhayay. Naxdin buu Ilaahay isugu keenay Hodan kadib markii ay soo gaadhay gurigii ay degganayd saaxiibadeed Caasha oo ay isku xaafad ahaayeen balse ay waxoogaa kala durugsanaaayeen. Hodan oo aad u yaaban su’aalo fara badanna is waydiinaysa ayaa soo gaadhay irrida laga galo aqalka. Daarada guriga waxa buux dhaafiyay dad dumar u badan, iniba meel bay taagan tahay, qaar hawlo ayay ku mashquulsan yihiin, waxa kaliya oo ay ka siman yihiin dhammaan wajiyadooda murugo badan ayaa ka muuqata. Isla markii ay guriga ay soo gashay Hodan waxay isha ku dhufatay koox haween ah oo ku uruursan ruux dumar ah oo aad u barooranaysa una qaylinaysa. Yaab!  Dhinaca ay eegtaba waa qof ooyaya. Qof ay wax waydiiso ayay garan wayday dadka oo dhan si bay u yaaban yihiin haddana u mashquulsan yihii

Kaaf iyo kala dheeri!

Image
Waagu marka uu iftiimo ayay ka baxdaa gurigooda una jarmaaddaa goob shaqo oo ay ka shaqayso. Shaqadeedu waa joogto waliba waxa u dheer siminaarro ay wiiggiiba laba jeer ka qayb gasho. Galinka danbe waxa ay waxbarasho u aaddaa jaamacadda iyadoo ku jirta sannadkii u danbeeyay. Hammigeeda iyo himiladeeda waxbarasho waxa ay gaadhsiisan tahay meel fog. Waxa ay hiigsanaysaa meel dheer, in badan bay waxbarashadan wadiddeeda ku samirtey, saaxiibaddo badan oo dheega ay isku hayn jireen way ku cidleeyeen socodkan iyo hayaankan dheer. Waxbarashada marka ay dhammayso shaqo tan ka wanaagsan  oo ka mushahar badan ayaa maankeeda ku jira “ Galin hore iyo ku danbeba waad shaqayn, oo doollarkaa ku daba carari ”, ayaa maskaxdeeda ku qufulan. Tacab iyo dadaal in ay nolosha sareedadeedu ku timaaddo, horumarka  iyo hore u socodkana in ay gacanteeda ku keensan karto ayay aamminsantahay. Dhayal iyo guri iska fadhi bari hore ayay dhinac iskaga tuurtay inannimo iyo hawlihii guriga hadday noqoto w