Kulankeenu kedis buu ahaa. Markii ugu horraysay ee aan ku arkay, Isguulka in aad ku cusbayd baan u qaatay waayo hore kuuguma arag, balse saaxiibadday ayaa ii sheegtay in aad dhawr biloodba dhiganaysay. Dugsigga beddel baad ku timid. Isguul Boorama ku yaalla ayaa lagaa soo wareejiyay. Ma garanayn sababta keentay in laguu soo beddelo isguulkan. Ma xaafaddiina ayaa Hargaysa u soo guurtay? Ma adiga ayaa xaafad kale oo Hargaysa ku taalla yimid? Mooyi. Cid badan kamaad garanayn dugsiga oo badanka keligaa baad ahayd. Kaligaa baa baska raaci jiray, kaligaa baa nususaacayn jiray, kaligaa baana meelahaa marmari jiray. Kelinimadaasi malaha waaba waxa isoo jiitay ee ishaydu kuu qabatay markiiba. Inkasta oo aan kelinimada jeclaa haddana waan asxaab badnaa berigaas. Inkasta oo aan jeclaa in aan mar uun helo jaanis aan kugula hadlo haddana iimay suurto gelin. Da’ ahaan aad baad iiga waynayd. Fasal ahaanna waad iga sarraysay, haddana ma garanayo sababta aan aad kuugu xiisaynayay, keliya waxa aan
Comments
Post a Comment