Posts

Showing posts from August, 2021

Muhaasi

Image
  Safarada sheeko, sawir iyo waayo aragnimo ayuunbaa ka hadha e horta miyaan idiinka sheekeeyay berri dhexdaas dhacdadii naga raacday safar aanu ku tagnay meel tuulo ah. Waxa ay ahayd Oktoobar, 2019-kii. Waxa aanu joognay magaalada Kigaali ee caasimadda dalka Ruwaandha. Waxa aanu u tagnay in aanu ka qabygalno shir iyo tababar. Shirku waxa uu ka dhacayay Kigali. Tababarkuna tuullo la yidhaa Muhazi oo qiyaas ahaan dhawr iyo lixdan kiiloomitir u jirta Kigaali. Siddeeddii subaxnimo ayay ballantu ahayd in uu gaadhigu noo yimaaddo. Qiyaas ahaan tuulada waxa loo soconayaa saacad iyo afartan daqiiqo, adigu laba saacadoodba dheh. Waxa aan ka mid ahaa ka qaybgalayaasha, sidoo kale waxa aan la shaqaynayay qabanqaabiyayaasha tababarka, sidaas darteed qorshuhu waxa uu ahaa in aanu tobanka subaxnimo ka hor joogno goobta si aanu u sii diyaarino wixii loo baahan yahay, inta aanay ka qaybgalayaasha kale imanin goobta (kuwaas oo ku soo beegnaa laba iyo tobanka). Saddex qof oo aan ku jiro, waxaa na qaada

Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Image
  Kulankeenu kedis buu ahaa. Markii ugu horraysay ee aan ku arkay, Isguulka in aad ku cusbayd baan u qaatay waayo hore kuuguma arag, balse saaxiibadday ayaa ii sheegtay in aad dhawr biloodba dhiganaysay. Dugsigga beddel baad ku timid. Isguul Boorama ku yaalla ayaa lagaa soo wareejiyay. Ma garanayn sababta keentay in laguu soo beddelo isguulkan. Ma xaafaddiina ayaa Hargaysa u soo guurtay? Ma adiga ayaa xaafad kale oo Hargaysa ku taalla yimid? Mooyi.   Cid badan kamaad garanayn dugsiga oo badanka keligaa baad ahayd. Kaligaa baa baska raaci jiray, kaligaa baa nususaacayn jiray, kaligaa baana meelahaa marmari jiray. Kelinimadaasi malaha waaba waxa isoo jiitay ee ishaydu kuu qabatay markiiba. Inkasta oo aan kelinimada jeclaa haddana waan asxaab badnaa berigaas. Inkasta oo aan jeclaa in aan mar uun helo jaanis aan kugula hadlo haddana iimay suurto gelin.  Da’ ahaan aad baad iiga waynayd. Fasal ahaanna waad iga sarraysay, haddana ma garanayo sababta aan aad kuugu xiisaynayay, keliya waxa aan