Muhaasi

 


Safarada sheeko, sawir iyo waayo aragnimo ayuunbaa ka hadha e horta miyaan idiinka sheekeeyay berri dhexdaas dhacdadii naga raacday safar aanu ku tagnay meel tuulo ah. Waxa ay ahayd Oktoobar, 2019-kii. Waxa aanu joognay magaalada Kigaali ee caasimadda dalka Ruwaandha. Waxa aanu u tagnay in aanu ka qabygalno shir iyo tababar. Shirku waxa uu ka dhacayay Kigali. Tababarkuna tuullo la yidhaa Muhazi oo qiyaas ahaan dhawr iyo lixdan kiiloomitir u jirta Kigaali. Siddeeddii subaxnimo ayay ballantu ahayd in uu gaadhigu noo yimaaddo. Qiyaas ahaan tuulada waxa loo soconayaa saacad iyo afartan daqiiqo, adigu laba saacadoodba dheh. Waxa aan ka mid ahaa ka qaybgalayaasha, sidoo kale waxa aan la shaqaynayay qabanqaabiyayaasha tababarka, sidaas darteed qorshuhu waxa uu ahaa in aanu tobanka subaxnimo ka hor joogno goobta si aanu u sii diyaarino wixii loo baahan yahay, inta aanay ka qaybgalayaasha kale imanin goobta (kuwaas oo ku soo beegnaa laba iyo tobanka).
Saddex qof oo aan ku jiro, waxaa na qaadayay tagsii ay qolada barnaamijku noo soo dirtay. Sababta tagsiga xilliga hore naloogu soo diray waaniga idiin sheegay oo waa in aanu ka hor gaadhno goobta qolada kale. Jab-ba waa ka danbeeyee tagisiilihii ha ku soo horreeyo labadii qof ee kale oo meel kale deggenaa anigana ha i soo gaadho siddeeddii iyo badhkii. Sidaas ayaanu habsan ku nahayba. Ninkii tagsiga watay annagoo og in loo soo sheegay meesha uu nagu wado, ayaanu haddana waydiinay in uu garanayo tuulada iyo in kale. Cabbaar inta uu aamusay buu madaxa ruxay, qiyaastii haa bay jawaabtaasi ahayd. Safarkii ayaa noo bilawday. Kigali magaalo aad u weyn ma aha sidaas darteed markiiba waanu ka baxnay magaalada oo waxaanu galnay dhul laami iyo buuro uun ah.
Labaatan daqiiqo markii aanu magaalada ka soo maqnayn ayaanu dareenay in xawaaraha gaadhigu aad u hooseeyo. Malaha soddon buu ku socday. Mooyi, horta shaaga uunbuu rogayay! Aniga oo hadal is leh ayuu wiil u dhashay dalka Kamaruun oo nala socday ku yidhi ‘Saaxiib, xawaaraha gaadhiga maad yar kordhin kartaa, hore in aanu u gaadhno ayaanu rabnaa e’. ‘Haye’, inta uu markan yidhi ayuu in yar oo aan waxba ahayn ku daray. Qushi, qunyar socdaa dheereeya bay soomaalidu tidhaaye mar danbe lamaanu hadal. Muddo saacad ah markii laami, buur, kayn iyo tuulooyin aanu ku jirnay ayaanu markale waydiinay inta inoo hadhsan ‘Hadda waynu u dhawnahay tuuladii’ ayuu yidhi. Shaki wayn baa nagaga jira ninkan dirawalka ahi in uu garanayo tuulada iyo in kale. Si faduul ku jirto ayaan u waydiiyay ‘Hore miyaad u timid tuulada aynu ku socono?’ inta uu waxoogay aamusay ayuu ku jawaabay ‘Isla tuuladan ma tagin laakiin meel u dhaw baan tagay’ Shakigii wuu nagu libinlaabmay oo waanu is eegnay.
Waxa aanu go’aansanay in aanu furano jiheeyaha (google-map). Waanu is waydiinay yaa furi kara? Anigu kaadh ma haysan markaa iimay suurto galayn in aan helo khad interneet. Qof nala socday baa yidhi anigaa haysta khad. Hayee fur baanu ku nidhi. Wuu furay, waxa aanu ku qornay halkii aanu u soconay oo aanu qiyaasayno in haatan ay aad noogu dhawdahay maadaama aanu saacad iyo googo’ soo soconnay. Markii uu maabkii soo saaray masaafada ay isku jirto halka aanu marayno iyo halka aanu u soconno, af-kala qaad baa nagu dhacay. Meeshu maba dhawa. Mar keli ah ayaanu ku nidhi ‘Walaal meeshiina ma dhawa, aayarna waad socotaa, huteelka aanu ku degayno adna ma garanysid annaguna ma garanayno ee maxaa xal ah?’ inta uu na soo eegay oo aamusay ayuu xawaaraha gaadhiga yar kordhiyay.
Waan idiin soo yara sheeko boodee tuuladan aanu ku socono Muhazi ayaa la yidhaa, waan idiin sheegay intaa e, huteelka shirku ka dhacayo isna (Muhazi Beach hotel) ayaa la yidhaa. Sida magaca ka muuqata huteelku waxa uu janbiga ku hayaa haro weyn oo iyadana la yidhaa harada Muhazi (Lake Muhazi) Markaa ninka darawalka ah tuulada markaanu waydiinaynay in uu garanayo iyo in kale, huteelka laftiisana waanu waydiinay oo wuu garan waayay.
Waxa aanu kolba maabka eegno kolna waddada hareeraheeda eegnaba waxa uu noo soo saaray in jidka ugu horreeya ee bidix naga qaban doona looga laabanayo tuulada. Umaanu sheegin darawalkii oo waxa aanu is nidhi bal tijaabiya in uu garto iyo in kale. Xuf, wuuba dhaafay. Waanu ku qaylinay: ‘Walaal maabku wuxuu sheegayaa in halkaa aad soo dhaaftay laga laabayo’. Ayaanu hal mar wada nidhi. ‘Dee waan laga laabayn’ ayuu la soo booday. ‘Way innaga horraysaa tuulada aad sheegaysaan’ ayuu raaciyay. Wuu ku adkaystay. Markaanu dhawr jeer hadalkii isku cel celinay waxaanu ku nidhi waayahee na gee. Ma ruwaandhiis dalkiisii jooga ayaanu ruwaandha uga warramaynaa horta annagoo aanu midkaayana dhulkan weligii marin. Annagaaba waalan.
Wax uu na soo wadaba waxa uuna keenay magaalo yar oo dhismayaal leh, oo aan ahayn tuulo. Laba saacadood iyo badh baanu soo soconay markan aanu magaalada garanwaaga ah soo gaadhnay. Habsan ayaanu nahay oo qolo kale oo iyaguna gaadhi kale la socday waxa ay noo sheegeen in ay gaadheen goobtii. Annaguna waanagan meel aanu joogno garan la’. Waar ileen tanoo kale. Ninkii darawalka ahaa baanu eegaynaa, isna sidii qof wax baadhbaadhaya ayuu magaaladii kolba dhinac isku qaadayaa. Meel goolad ah oo aad loo qurxiyay isla markaana taalo sac laga sameeyay ku taallo ayaanu soo gaadhnay. Waxoogay baan sacii sawirka ahaa sidaa u eegay oo aan niyadda iska idhi intaas yari Gebilay ama Wajaale ayay ku soo bixi lahayd in laga dhiso.
Ninku garasho la’aanta is adkaynta ayuu kaga daray. Soomaalida uun baan moodi jiray in is adkayntu ku kooban tahay. Markii danbe ayuu qof waydiiyay isagoo afkoodii ku hadlaya. Annaguna waanu isku dhagaysanaynaa sidii aanu fahmayno oo kale. Farta ayuu ku fiiqay halkii aanu ka nimid. Waxa aanu u fahannay in uu ku yidhi waad soo dhaafteen tuuladaa. Hoosta ayaanu ka leennahay maxaanu kuu sheegaynay?! Ninkii markii uu naga dhaqaaqay buu gaadhigii kala wareejiyay oo halkii aanu ka nimid dib u qaaday. Anigu waan hadal daystay. Qoladii kale ayaa ku tidhi annagaa kaa saxsanayn oo halkii baa laga laabayay sow maaha? Wuxuu ku yidhi mayee meel kale oo dhow ayaa laga laabayaa. Weli wuu is adkaynayaa. Waar bal qushiye meeshuun maad na gaysid, ayaan niyadda iska leeyahay. Wax uu na soo wadaba meeshii meel u eeg laakiin ka sokaysa ayuu ka laabay. Kuma kalsoonin tilmaantan la soo siiyay, sidaas darteed hoosta ayaanu maabkii ka eegaynaa oo kala soconnaa. Maabku waxa uu sheegayaa in huteelku marka dariiqa bidix loola laabo uu noo jiro masaafo illaa soddon daqiiqo ah. Horta ninkii maabkayagii ayuu aaminay markuu is arkay in uu anbad yahay. Sheeko waxa ay isugu soo uruurtay maabkii yaraa. Maabkii waxa uu noo sheegay in shan daqiiqo huteelkii noo jiro. Sidii aan hore idiinku sheegay huteelku wuxuu jenbiga ku hayaa harada/webiga.
Adigu yaanan hadal idinku daalin e, maabkii wuxuu nagu yidhi laba daqiiqo kadib waad joogtaan goobtii. Waanu soo gaadhnay goobtii. Mise waa webiga qarkiisii. Gaadhigii baanu ka soo degnay. Huteelkii baanu is nidhi meelahaa ka eeg eega. Mise webiga dhiniciisa kale ayuu naga soo eegayaa! Dhismaha hotelka oo aanu sawir ku haynay ayaanu garanay in uu yahay waxa halkaas biyaha dacalkooda kale naga soo eegaya! Waar ilayn tanoo kale. Naxdin iyo amakaag baanu is eegnay saddexdayadii iyo darawalkii. Wax walba waxa nagaga daran habsanka aanu nahay. Niyad jabkii u weynaa safarkuba markaas buu nagu dhacay. Bal huteelkii wakaase haddaba yaa na gaynaya? Maanu duulnaa?
Xal baanu ka fikirnay. Meeshu waa tuulo, dad beeralay ahi ku nool yihiin. Doonyo meesha kama muuqdaan haddii aanu xitaa ku fikiri lahayn in aanu doonni ku tallawno. Talo ayaa nagu caddaatay. Bal yaanu cannaananaa? Ma darawalka? Ma googal maabka? Ma kii telefankiisa laga eegayay? Ma qoladii barnaamijka? Adigu waxaanu go’aansannay in aanu dadka tuulada waydiino. Weliba darawalku waydiiyo ilayn afkoodii garan mayno annaguye. Darawalkii baa waydiiyay wiil dhallinyaro ah. Wuxuu ku yidhi haddii aad rabtaan in aad huteelkaa tagtaan, waa in aad waddadii waynayd dib ugu laabataan. Dabadeed waddada saxda ah ee huteelkan tagtaa waxa ay leedahay calaamadda magaca hotelku ku qoran tahay. Halkaas baa laga soo laabanayaa kadib waddo kale ayaa la qaadayaa, taas baa toos idiin gaynaysa huteelka. Saacaddu kow iyo tobankii bay kor u dhaaftay. Halkii baanu haddana dib u soo qaadnay waddadii oo ku soo dhacnay waddadii waynayd.
Adigu meeshii sidii aanu u soo soconnay waxaanu nimid kowdii duhurnimo oo in yari ka dhiman tahay, qoladii nalagu yidhi ka horreeyana ay naga hor yimaaddeen!



Muna Axmed Cumar
14-ka Ogos, 2021

Comments

Popular posts from this blog

Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Bella Ciao: astaanta iska caabbinta!

Waqti U Samee!