Posts

Showing posts from February, 2018

Taylaan: Dhulkii dhoolla-caddaynta!

Image
  Afeef: Qoraalkani waxa uu ku salaysan yahay waxyaabihii aan ku arkay ama maqlay muddo kooban oo aan ku sugnaa waddanka Taylaan iyo waraysi kooban oo aan la yeeshay gabadh u dhalatay dalka. Taariikhaha, sawirrada iyo dhacdooyinka waxa aan ka soo xigtay degel aan qoraalka dhammaadkiisa ku sheegi doonno. Odhaahdan ‘Taylaan: dhulkii dhoolla-caddaynta’ (Thailand: the land of smile) maaha mid aan anigu sameeyay ama ku cabirayo dalkan aan dhawaan booqday ee Taylaan balse waa odhaah ku xardhan goobo badan oo ka tirsan dalkan gaar ahaan magaalooyinka waaweyn iyo goobaha loo dalxiis tago. Madaarka ayaa ah halka u horraysa ee aad ku arkayso odhaahdan iyada oo lagu odhanayo: Ku soo dhawoow Taylaan iyo dhulkii dhoolla-caddeynta. Dalka Taylaan oo loo yaqaano ‘Boqortooyada Taylaan’ waxa uu ku yaallaa Koonfur-bari Aasiya, wuxuuna xad la leeyahay waddamada: Malaysia, Myanmar, Loas iyo Combodia.   Waa waddanka kontonaad ee dunida ugu weyn