Posts

Showing posts from May, 2021

Geedkii Ballanta

Image
Waa duhur. Xilligan ayay ballantoodu ahayd. Hadda ayay soo istaagtay geedka hoostiisa. Waa jabaqla’. Geedka hoostiisa waxa aad mooddaa meel laga guuray. Oo ma awalbaa la degganaa? Mooyi, balse si bay u meeshu meel laga hayaamay ugu eegtahay. Laba dhagax oo aad mooddo in ay meesha ku cidloobeen muddo badan ayaa is garab yaalla. Dhagaxa mid baa weyn oo u eeg dhagax ay had iyo jeer dadka geedka u soo hadh doontaa ku fadhiistaan. Waa dhagax lagu fadhiisan karo. Dhagaxa kale wuu yaryahay. Oogadiisa dushuna uma eka mid lagu fadhiisan karo waayo iskuma sinna. Waxa aad mooddaa isagana in ujeedadiisu tahay in uu u wehel yeelo kolba ciddii dhagaxa wayn ee agtiisa yaalla soo fadhiisata. Waxa uu u eegyahay dhagax wax badan og. Waxa suuro gal ah in dhagaxani uu la kulmay dadyow badan oo jidka markayay ama geedka ku soo leexday. Waxa xaqiiqo ah in uu sheeko badan dhagaystay waayo badanna u soo joogay. Alla muxuu dhacdooyin badan goob joog u ahaa! Cadceeddu aad bay u kulushahay marka laga reebo geedk