Posts

Showing posts from October, 2016

Guurkii Caalin

Image
Cibaado waxa aanu jaar ahayn muddo fara badan, maalintii aanu soo degnay xaafadda iyadu way degganayd. Iyada iyo qoyskeedu waxa ay ku nool yihiin aqal soomaali wayn oo albaabkiisu u jeedo cadceed ka soo baxa. Aqal soomaaliga ka soo horjeedkiisa waxa ka dhisan buul yar oo dayac aad u badani ka muuqdo oo ay Cibaado iyo qoyskeedu wax ku karsadaan. Cibaado afartan sanno ayay jirtaa, afar ubad ah ayuuna Ilaahay siiyay. Odaygeeda Caalin waa oday dhuuban dheer da’ina ay ka muuqato, waxa uu waligiiba ka shaqayn jiray dhismaha guryaasha. Waagii uu xoogganaa wastaadnimada oo uu xariif ku ahaa ayuu ku shaqaysan jiray imika se mar mar ayuu kuulinnimo dirqi ku helaa.