Guurkii Caalin





Cibaado waxa aanu jaar ahayn muddo fara badan, maalintii aanu soo degnay xaafadda iyadu way degganayd. Iyada iyo qoyskeedu waxa ay ku nool yihiin aqal soomaali wayn oo albaabkiisu u jeedo cadceed ka soo baxa. Aqal soomaaliga ka soo horjeedkiisa waxa ka dhisan buul yar oo dayac aad u badani ka muuqdo oo ay Cibaado iyo qoyskeedu wax ku karsadaan.

Cibaado afartan sanno ayay jirtaa, afar ubad ah ayuuna Ilaahay siiyay. Odaygeeda Caalin waa oday dhuuban dheer da’ina ay ka muuqato, waxa uu waligiiba ka shaqayn jiray dhismaha guryaasha. Waagii uu xoogganaa wastaadnimada oo uu xariif ku ahaa ayuu ku shaqaysan jiray imika se mar mar ayuu kuulinnimo dirqi ku helaa.


Berigii hore saddexda waqti way iska karsan jireen, imika se sida Caalin u itaal gabayba maalinna way helaan maalinna way waayaan. Ka sokow noloshaa qallafsan ee Cibaado iyo qoyskeedu ku nool yihiin haddana Cibaado waa qof farxad badan oo marka aad aragtaba muusoonaysa mahadna sheeganaysa oo aan marnaba cabasho laga maqlayn. Galabtii badanka aqal-soomaaligeeda hortiisa ayay soo fadhiisataa islaamaha jaarka qaar ka mid ahna ugu sheekaysaa. Gabadh reerkeeda ka adag bay ahayd ninkeedana jecel oo u dhago nugul.
Baryahan danbe Caalin biilkii uu xaafadda keeni jiray wuu is dhimay, shaqo xumo ayuuna ku cawday. Cibaadona is kuma hawlin ee kolba inta uu keeno ayuun bay carruurta dabka u saartaa. ‘Galabta Aabbihiin miyaanu soo hoyan wali?’ ayay Cibaado waydiisay mid ka mid ah hablaheeda oo loxoox ku dubaysay buulkii yaraa. ‘May hooyo wali ma imaan.’ ‘Cajab! Oo waaba maqaaribe xilligan tolow halkuu qabtay?’ Caalin habeenkaa ma soo hoyan, subaxnimadii markii uu yimidna inta uu suudh walaalkii waa hore Carabta uga keenay xidhay buu jarmaaday. ‘Nin aanu saaxiib nahay ayaa mehersanaya oo aan aadayaa’, ayuuna ku soo gaabiyay mar ay Cibaado waydiisay halka uu u lebbisan yahay saaka.

Habeennimadaas iyo laba habeen oo kalena Caalin ma soo hoyan. Galab Cibaado oo yaabban ayay mid ka mid ah dumarkii ay sheeko wadaagga ahaayeen ku odhanaysaa Cibaado: ‘Caalin beryahan ma arko e muu safray?’ ‘Walaal afar habeenba muu soo hoyan mana garanayno meel uu ku maqan yahay’, ayay Cibaado ugu wercelisay Khadiija. ‘Cibaadooy, war laguu sheeg, waxa la ii sheegay in laba cishoba ninkaagii aroos ku ahaa gabadh yar!’ ‘Caalin ma guursan ee iska hubso Khadiijaay’ ayay Cibaado oo kalsoonida ay ninkeeda ku qabtay muujinaysaa tidhi. ‘Iga wallee Caalin  guursay Cibaadooy’ ‘Muxuu ku guursan kuwiisiiba bakhtigaa u xalaalee…muxuu ku guursan kuwiisiiba bakhtigaa u xalaalee...muxuu...muxuu ku…
Cibaado intaa wax aan ahayn afkeedii waa laga waayay. Riyo in Ilaahay uga dhigo ayay bariday se xaqiiqadu sida Khadiiji sheegtay ayay ahayd. Caalin gabadh da’yar oo ka mid ahayd kuwo wax u karinayay guri uu wiiggii u danbeeyay dhismihiisa ka shaqaynayay ayuu aroostay. Cibaado qosolkeedii iyo sheekadeedii badnayd waxa ay isu baddashay aamusni iyo murugo. Biilku marka horeba kuma fillayn reerkuna laba ayuu sii kala noqday hadda.















Comments

Popular posts from this blog

Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Bella Ciao: astaanta iska caabbinta!

Waqti U Samee!