Waqti U Samee!

Buuggan oo la yidhaa waqti u samee ama waqti u hel (Make Time), waa buug faaqidaya sida ugu habboon ee uu qofku waqtigiisa uga faa’idaysan karo. Waxa qoray laba qoraa oo la kala yidhaa Jake Knapp iyo John Zeratsky. Jake iyo Johnba waxa ay muddo badan ka shaqaynayeen kana hawl galayeen shirkadaha Google iyo Youtube. Waxa aad u cajiib badan in nimanka buuggan qoray oo sida ay sheegeen waqti badan galiyay sidii ay u fahmi lahaayeen qaabka ugu habboon ee qofku waqtigiisa u maamuli karo in ay haddana shaqadoodu tahay waxyaabaha ugu badan ee qofka waqtiga ka lumiya (Nimanka Google iyo Youtube ka shaqeeya ee subax kasta u soo shaqo taga sidii aad ugu xabagoobi lahayd Google iyo Youtube ayaa haddana kuu sheegaya sidii aad uga fogaan waxyaabaha ay ka mid yihiin isla waxa ay ka shaqeeyaan!)
Sida caadiga ah qofka laba awoodood ayaa u xoog sheegta iskuna hirdiya waqtigiisa ayay yidhaahdeen. Midi waa ta shaqada iyo nololmaalmeedkiisa caadiga ah. Midina waa waqti dilayaasha oo uu ugu horreeyo adeegsiga telefanada, telefishanada iwm. Labadan awoodood haddii aanu qofku kala saarin kala xadayn isla markaana aanu awoodda saarin ta noloshiisa u muhiimka ah, waxa dhacaysa in uu qofku iska daba wareego maalintiisana ku lumiyo wax aan macno badan lahayn.
Buuggu kuuma sheegayo waxa ay tahay in aad maalin walba qabato ama sida ay tahay in aad u qabato balse waxa uu diiradda saarayaa sida aanad maalintii oo dhan u qaban lahayn wax aan kuu muhiim ahayn. Qaacidada uu xambaarsanyahay buuggu waxa weeye in aad maalin kasta hal hawl oo kuu taallay xoogga saarto isla markaana ka soo dhalaasho oo meel iska saarto. Tani kama dhigna in aanad maalintaa wax kale qabanayn, balse waxa ay ka dhigantahay in aad maalintaa hawshaa aad u guntatay aad ka soo dhalaalaysid.
Qofku marka uu hawl ku taagnayd iska dhammeeyo waxa uu dareemaa dareen guul nafsiyadeed ah. Ta uu buuggu xoogga saarayaa waa taas. Waxa uu ku leeyahay maalintaadu marka ay kuu dhammaato waa in aad dib u eegtaa hawlihii kuu yaalay kadib aad ku faraxdaa in aad maanta mid iska dhammaysay (weliba tii u muhiimsanayd).
Qaacidada buuggu xambaarsan si kooban waa afartan tallaabo:
1. Hoosta ka xariiq oo calaamadso: hal hawl calaamadso maalin kasta oo xoogga saar, waayo haddii aanad hawlahaaga calaamadsan oo aanad u hawl galin maalin kasta, waxa aad ku danbayn doonto ka shaqaynta hawlo dadyow kale.
2. Waqti lumiyayaasha: ka fogow wax kasta oo waqtiga kaa dilaya isla markaana xadid adeegsiga baraha bulshada, daawashada wararka, telefanka si aad waqti ugu hesho in aad qabato hawlahaaga.
3. Shidaali nafta: naftaada shidaal sii oo wax cun waxna cab si maskaxdaadu u noqoto mid marwalba haysata shidaalkii ay u baahnayd oo aanad u caajisin.
4. Isla xisaabtan: dib u eegis maalinle ah ku samee wixii kuu qabsoomay iyo wixii aan kuu qabsoomin si aad dedaalka u kordhisid.
Inta wixii ka badan ka akhriso buugga!



Muna Axmed Cumar (Mullaaxo)
1-da Maarso, 2021

Comments

  1. Maasha Allah ilaahay haku barakeeyo walaal mullaaxo. Ededay Aabahay la dhalatay ayaa Mullaaxo la odhan jirey. Laan Mullaaxo waa tuulo kale oo yaraantii fasaxa aan baadiye tegi jirey.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Bella Ciao: astaanta iska caabbinta!