Frankenstein!





Qisada magaceeda la yidhaahdo Frankenstein waxa lagu soo saaray buug sheeko ah sannadkii 1818-kii. Waxa qortay gabadh la odhan jiray Mary Shelley oo dhalatay sannadkii 1797-kii. Sannadkii 1814-kii Mary waxa guursaday Percy oo ahaa gabayaa. Mary , Percy iyo Lord Byron oo isna ahaa gabyaa waxa ay u socdaaleen meelo badan oo Yurub ah. Haddaba habeen iyaga oo saddexdooduba fadhiya guri ku yaala magaalada Geneva ayuu Byron yidhi ‘Waa in aan saddex sheeko qornaa’. Percy sheeko ayuu bilaaabay se muu dhammaystirin. Byron waxa uu qoray qiso ku saabsan dadqal ‘Vampire’. Mary iyadna waxa ay qortay qisadan aan idiin soo gudbin doono ee Frankenstein oo ku saabsan Waxshi: Bahal ‘Monster’. Sheekadu waxa ay ku bilaabmaysaa sidan:

Magacaygu waa Kabtan Waalton, waxa aan ahay kabtan markab. Markabkaygu waxa uu marayay badweynta Arctic markii aanu helnay  nin dul jiifa gobol baraf ah oo dhex sabaynayay badweynta. Magaciisu waxa uu ahaa Victor Frankenstein. Frankenstein waxa uu nala saarnaa markabka muddo. Haddaba habeen habeenada ka mid ah ayaa waxa uu Frankestein iiga sheekeeyay qiso la yaableh, waxa aanu ku bilaabay sidan:




Waxa aan ku koray agagaarka magaalada Geneva. Waxa aan la dhashay  laba inamood oo la kala odhan jiray Ernest iyo William. Markaan ahaa toddoba iyo toban jir waxa aan galay Jaamacad. Borofisoor joogay jaamacadda aan dhiganayay ayaa igu dhiiri galiyay in aan barto cilmiga Kimistariga. Tani waxa ay baddashay noloshaydii oo dhan. Waxa aanan bilaabay in aan baadho sirta ka danbaysa nolosha. Waxa aan shaqayn jiray habeen iyo maalinba muddo dhan laba sanno, waxaanan ugu danbayntii ku guulaystay in aan helo sirtaasi. Haddaba si aan u tijaabiyo sirtii ii soo baxday waxa aan ikhtiraacay isla markaasna bilaabay in aan nolol cusub ka dhex sameeyo gudaha Laabaratoriga.
Waxa aan soo uruuriyay gobolo jidh ah waanan isku geegeeyay. Laba sanno kadib waxa aan u diyaar garoobay in aan wixii  aan sameeyay ka shaqaysiiyo. Balse markii aan dhammeeyay waxa ii soo baxay wax foolxun oo aan ka argagaxay. Waxa uu noqday Waxshi wayn oo aad u foolxun. Muruqyada jidhkiisa waxa aad ka dhex arki karaysay haragiisa yar ee khafiifka ah. Waxa uu lahaa timo dhaadheer oo madow, ilko cadcad, indho biyo biyo ah iyo af madow. Wax laga baqanayo ayuu u ekaa runtii.
Isla maalintaas Waxshigii markii uu iga baxay waxa booqasho iigu yimidday saaxiibkay Henry waxba se uma sheegin. Wuxuu war iiga siday xaafaddayadii wuxuuna ii sheegay in ay dhammaan xaaladdoodu wanaagsan tahay isla markaasna heleen gabadh u adeegta oo lagu magacaabo Justine. Intaas  ka dib waxa maalin maalmaha ka mid ah si kedis ah iigu soo dhacday warqad ka timid aabbahay oo sheegaysa in walaalkaygii yaraa dhintay oo la dilay!

Waxa aan tagay gurigayagii. Intii aan dhexda ku sii jiray waxa aan arkay wixii aan sameeyay ee foosha xumaa oo waddada sii ordaya. Markaas ayaan markiiba ogaaday in Waxshigii aan sameeyay dilay walaalkay! Kadib markii aan gurigii gaadhay waxa aan aad uga naxay markaan ogaaday in la xidhay adeegtadii dhawaan xaafadda timid ee Justine iyadoo lagu eedeeynayo dilka walaalkay. Anigu waan ogaa in aanay wax lug ah ku lahayn dilkan se waxba ma odhan karayn.
Intaas ka dib aniga oo maalin iska fadhiya meel cidlo ah kaligay ayuu ii yimidday Waxshigii aan gacmahayga ku sameeyay isaga oo is dhuldhigaya igana codsanaya in aan dhagaysto oo warka ka guro, wuxuuna igu yidhi sidan: maalintii aan kaa tagay markii aan ka baxay gurigaaga waxa aan galay guri kale oo aan si sir ah ugu noolaa iyada oo aan cidi I dareemin muddo badan. Guriga waxa degganaa  oday wayn oo indho la’ iyo ciyaal uu dhalay. Waxa aan bartay hadalka waxa kale oo aan ogaaday in aanan lahayn qoys, asxaab iyo waxba toona. Tani waxa ay igu riday niyad jab iyo murugo. Maalin maalmaha ka mid ah ayaan go’aansaday in aan la hadlo odaygii aan guriga la deggenaa wuuna I dhagaystay oo ii naxariistay waayo muu arkayn wajigayga foosha xun leh balse markay ciyaalkiisiii yimaaddeen guriga ee ay I arkeen aniga oo la fadhiya aabbahood way igu  qayliyeen oo ul igu eryadeen. Waanan ka baxsaday.

Maalin kale waxa aan badbaadiyay gabadh ku hafatay webi, laakiin markii uu saaxiibkeed I arkay waxa uu iila soo baxay baaskoolad oo igu eryaday. Taas ayay noqotay abaalkii aan bini’aadamka u galay. Waxaanan u qaadday bini’aadamka necbaashiyo xeel dheer waxaanan ku ballan qaaday in aan ka aargoosto. Qofkii ugu horreeyay ee aan dilo waxa uu ahaa walaalkaa balse hadda ma rabo in aan dhibo dadka intaa in ka badan. Kaliya waxa aan rabaa qof aan la noolaado, fadlan aan ku noolaano meel ka fog dhammaan dadka

Waxshigii  waan ka aqbalay in aanu wada noolaano inkasta oo ay igu adkayd. Maalin aan imid gurigayagii oo aan soo booqday. Maalintaas aabbahay waxa uu ii sheegay in uu rabo in aan guursado gabadh la odhan jiray Elisabeth. Arrinta guurka waan ka qabalay aabbo waayo waan jeclaa Elisabeth runtii.  Ka hor inta aanu dhicin guurkayagu waxaan ku latayo xafiiskaygii ku yaalay London si aan u dhameeyo hawl ii qabyo ahayd.  Saaxiibkay Henry London ayuu ii soo raacay. Waxa aan dhammeeyay  samaynta waxshigii labaad oo gabadh ahaa. Ka hor intii aanan kaga shaqaysiin ayuu qolka iigu soo galay Waxshigii hore ee aan sameeyay isaga oo xanaaqsan kadibna waxa uu iigu hanjabay in uu isagu mas’uul iga yahay oo aanan meelna tagi karin. Waayo markaan hawshan dhammeeyo waa inaan u tagaa Elisabeth si aan u guursado. Waan xanaaqay kadibna waxan jajabiyay kii labaad ee aan gacanta ku hayay. Isna wuu tagay markuu sii baxayay ayuu igu yidhi: waa inoo habeenka habeenka arooskaaga.
Maalintii xigtay booliska ayaa isoo xidhay, waxa la igu eedeeyay in aan dilay wiil dhalinyaro ahaa kadibna waxa ay I tuseen maydkii. Naxdin ayaan afka kala qaaday markaan maydkii arkay. Waxa uu ahaa saaxiibkay Henery. Waxa la I dhigay jeel. Waxa ii yimid Waxshigii oo ii caddeeyay dilkiisii saddexaad ee uu gaysto in uu yahay. Ugu danbayn waa la I sii daayay kadib markii waxba la igu waayay.

Intii aan la gaadhin arooskaygii Waxshigii meel walba waan ka raadiyay si aan u dilo balse waan ka quustay. Waxa la gaadhay habeenkii arooskayga. Arooskii ka dib  aniga oo dibadda taagan oo raadinaya isaga ayaan qaylo ka maqlay gudaha. Waxaan u soo orday xaggii qolka hurdada waxa aanan ku warhelay maydkii gabadhayda Elisabeth oo dhulka yaala. Daaqada oo furan ayaan fiiriyay isaga oo sii ordaya Waxshigii. Kadib inta uu isoo eegay ayu u igu qoslay kuna libdhay mugdigii.
intaas wixii ka danbeeyay dilista iyo khaarajinta waxshigaasi ayaa ahaa ujeedada kaliya ee aan lahaa iyo hammigayga koowaad. Waan daba galay oo raacdeeyay. Meel walba oo uu adduunyada tago waan ka daba tagaa mar kastana wuu iga baxsadaa oo waan qaban kari waayay. Wuxuu u soo baxsaday dhinaca badweynta waanan soo daba galay. Habeenkaad I heshay aniga oo barafka dul jiifa isaga ayaan ku daba jiray. Kabtan, waan dhimanayaa fadlan rumayso qisadayda oo ii ballan qaad in aad gacantaada ku disho Waxshigaa xun’


Intaas markii uu yidhi ayay naftii ka baxday Frenkenstein. Waxa uu ku dhintay qolkaygii ku dhex yaalay markabkayga. Dibadda markii aan u baxay ayaan sanqadh maqlay. Degdeg ayaan ugu soo noqday qolkii Frankestein  maydkiisu yaallay. Waan argagaxay markaan arkay Waxshi aad u fool xun oo dul jooga maydki Frankenstein isla markaasna ooyaya. Waxshigii oo murugaysan ayaa ii sheegay in uu aad uga xun yahay geerida ku timid Frankenstein wuxuuna ii sheegay in aanu sii noolaan doonin oo uu isagu is dili doono. Kadib waxa uu ka booday daaqadii markabka waxa aanu ku dhex dhacay biyihii waxaana qaatay mawjaddii oo liqday.

Comments

  1. sheeko aad u xiiso badan , Thanks for spending great deal of time and effort in order to translate this story

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Bella Ciao: astaanta iska caabbinta!

Waqti U Samee!