Posts

Showing posts from August, 2016

Yarkii Tuulada!

Image
Waa maalintii ugu horreysay ee uu yimid dugsiga. Waxa uu gashan yahay surwaal madow oo ka gaaban, shaadh cad oo gacmo dheer iyo kabo sandal ah oo duug ah. Saliid uu ku soo dhaashaday ayaa madaxa iyo wajigaba ka dhalaalaysa wajigiisana waxa ka muuqata farxad. Waa uu baalla daymoonayaa oo kolba indhaha la raacayaa dhismayaasha kala duwan ee dugsiga, waxa uuna fiirfiirinayaa fasallada. Ma garanayo fasalkiisu halka uu yahay taas ayaana ugu wacan in uu akhriyo fasal walba magaca ku hor qoran “ Fasalkaagu waa 1A ” ayuu ka xasuustaa tilmaantii uu maamulaha dugsigu soo siiyay markii uu xafiiska ka soo baxayay.

Qalbi Xab-xab

Image
Da’deedu ma badna se Ilaahay caqli ayuu ku mannaystay. Qurux dabiici ah oo ay u dhalatay ayay la soo kacday taas oo qofkii arkaaba u qushuucayo kana helayo dabeecadeeda iyo waliba qosolkeeda qalbiga xanta xantaynaya. Ma mooggana oo caad kama saarna in ay qurxoon tahay oo dadka ku xeeran iyo muraayadda ayaa u sheegay se tani kibir iyo is qaadqaad kumay keenin. Dadka ay la nooshahay oo dhami way u soo xiisoodaan salaantana kula soo degdegaan markay la kulmaan, iyadna ma erido mana huruufto ee waji farxad leh iyo dhoolacaddayn ayay ku qaabishaa.

Saaxiibkay Maslax-gaab

Image
Maalin maalmaha ka mid ahayd ayaan la kulmay wiil kaligii meel fadhiya isla markaana aad u murugaysan. Wiilku dhallinyaro ayuu ahaa da’diisuna may gaadhin soddon jir. Wiilkaas waxa uu ii sheegay in murugadiisa ay sabab u tahay saaxiibkii oo lagu magacaabo Maslaxgaab. Qisada dhex martay isaga iyo saaxiibkii ayuu iiga sheekeeyay wuxuuna ku bilaabay sidan:  Muddo dhan toban sanno ayaannu Maslaxgaab saaxiibbo ahayn, afka ayaanu wax ku kala goosan jirnay, asxaabtayda oo dhami way ka masayreen oo igu collaadiyeen. Dhankayga waa saxiibka ugu mudan uguna jecelahay. Waqtigayga inta u badan, isaga ayaan la qaataa lana joogaa.

Aargoosi!

Image
Waa cadaw wada nool, kama maaranto isna kama tago, adduunka  ayay ugu jeceshahay isna iyada ayuu u necebyahay. Aragtidiisa way ku faraxdaa isna wuu ka naxaa. Maalin iyo habeen way raadisaa, mar kasta wuu ka gabadaa oo ka dhuuntaa, isaga ayay ku nooshahay, iyada ayuu ka noolaan waayay. Haddana way wada noolyihiin midkoodna ma garanayo goorta ay isku hoy noqdeen iyo sida uu xidhiidhkooda cadawnimo ku bilaabmay, kaliya waxa ay ogsoon yihiin in ay cadow isu yihiin haba kala badnaato heerka cadaawadoodu e. Wuxuu ku garaadsaday  iyada oo eryanaysa, iyadna hooyadeed bay ka baratay sida loo qabto cunahana loogu dhago. Hoygan iyadoo yar baa la keenay isagu barigaa muu dhalan balse waxa ku noolaa: hooyadii, aabbihii iyo walaalkii oo ay saddexdoodaba gacanteeda ku dishay.