Yarkii Tuulada!



Waa maalintii ugu horreysay ee uu yimid dugsiga. Waxa uu gashan yahay surwaal madow oo ka gaaban, shaadh cad oo gacmo dheer iyo kabo sandal ah oo duug ah. Saliid uu ku soo dhaashaday ayaa madaxa iyo wajigaba ka dhalaalaysa wajigiisana waxa ka muuqata farxad. Waa uu baalla daymoonayaa oo kolba indhaha la raacayaa dhismayaasha kala duwan ee dugsiga, waxa uuna fiirfiirinayaa fasallada. Ma garanayo fasalkiisu halka uu yahay taas ayaana ugu wacan in uu akhriyo fasal walba magaca ku hor qoran “Fasalkaagu waa 1A” ayuu ka xasuustaa tilmaantii uu maamulaha dugsigu soo siiyay markii uu xafiiska ka soo baxayay.


Waxa uu soo bayhoofaba waxa uu mar kaliya isha la helay  fasal ay ku xardhan tahay “Form 1A”. Degdeg  ayuu ugu soo dhaqaaqay xaggii fasalka. Albaabka fasalka oo xidhnaa ayuu isaga oon garaacin intuu degdeg u furay daf  yidhi! Mar kaliya ayaa la wada fiiriyay.  “Ma fasalka ayaad tahay?” ayuu si cadho leh u waydiiyay macallinkii fasalku isagoo ka xanaaqsan hakadka uu ka galiyay  darsigii iyo nidaam darrida uu ku soo galay. “May… eeen …. haaa … may… tuulada ayaan anigu ka imi”, ayuu isaga oo naxdin darteed dhididsan yidhi.

Qosol ayaa kuraasida laga daatay.  “Waar anigu xaggaad ka timid kumaan waydiine, haddaad fasalka tahay soo dhaaf oo halkaa fadhiiso”, ayuu macallinkii oo imika cadhadiisa la wada dareemayaa ku yidhi.
Maxamed waa 17 jir filkiisa ka madax dheer. Waa dhuuban yahay, madow yahay, isla markaana dheeryahay. Waxa uu ku dhashay oo ku barbaaray tuulada halkaas ayuuna ku soo dhammaystay dugsigiisii hoose/dhexe. Markii uu dhammeeyay fasalka siddeedaad adeerkii oo magaalada deggenaa ayaa soo kaxeeyay si uu dugsi sare uga galo halkan. Wiig markii uu joogay ayaana la keenay dugsigan uu maanta joogo. Maalintii u horraysayna waaba kan ku dawakhay fasalladan isku wada eg  iyo ardayda tirada badan.
Macallimiintu waa qaar ad-adag ardayduna waa qaar dadka ka maadaysta” ayaa maskaxdiisa ku qufulantay daqiiqadihii u horraysayba. Sowtan durba loo bixiyay magacyo iyo naanayso tiro badan maaha: Yarkii tuulada… Aw dheere…. Soqodhi… iyo magacyo kale oo tilmaamaya tuulajoognimada ka muuqata oogadiisa iyo dhaqankiisaba.

Marka nususaacaha loo baxo ee la sharaabayo isagu maqaaxi dugsiga ka durugsan ayuu koob shaaha u doontaa. Inta dhallinyaradu kaftamayso isagu geed hoostii buu usha ku xarriiqaa dhulka. Maalinta bilaa balcadda la yahay marka arday waliba labiskiisii u dambeeyay ku soo dhaco isagu shaadh duug ah ama balcadda ayuuba isku soo illoobaa.  Inta innamada iyo habluhu kaftanka ku haasaawayaan isagu cidla ayuu ilkaha magaalada ku daawadaa.
Waxbarashadiisa wuu ka adag yahay, laylis laga shaqayn waayey macallin iskuguma yimaaddaan oo isagaaba ardayda ugu hor dhiiba. Waxa uu ku wanaagsanaaday xisaabta wuuna maskax fiican yahay oo fahmo badan yahay.
Waryaahe, kaalay halkeed ka timiday?
Naa madoobaa!”
Waar dee hadal, af Soomaaliga  miyaanad aqoon?
Ayaan ayaa ku soo baxday koox hablo ah oo ka mid ah fasalkeeda oo ka maadaysanaya Maxamed . Inta ay  xaggoodi u soo dhaqaaqday bay si cadho leh ugu tidhi: “Naa isla yaaba oo xishooda! Maxaad miskiinkan uga maadsanaysaan miyaydaan Ilaahay ka baqaynin?
Magaciisa uun baanu waydiinee maxaanu u gaysannay?” ayay mid ka mid ahi ugu jawaabtay.
Ayaan inta ay xaggiisii fiirisay oo ay indho naxariis leh ku eegtay bay ku tidhi:
Walaal, iska raalli ahow!
Dhibaato ma leh”, inta uu yidhi ayuu xaggii fasalka u dhaqaaqay oo kursigiisii iska fadhiistay.
Intii aanu macallinku soo galin waxa maskaxdiisa ku jirtay inantii iyo kalmaddii naxariista lahayd ee ay ku tidhi. Intii uu dugsiga dhiganayay wali maanta ka hor lama uu kulmin qof  si wanaagsan ula hadla qof ka maadsada mooyee.

Maalintaas oo dhan iyada ayuu ka fikirayay, magaceeda iyo halka ay deggan tahay. Markii xiisasku dhammaadeen dugsigana laga sii rawaxayay ayuu isku dayay in uu raadiyo balse kuma guulaysan aragtideeda. Markii uu irridda ka baxayay ayaa uu arkay inantii oo gaadhi sii raacaysa kadibna  cabbaar ayuu sii eegay.
Ayaan waa fasalka 1aad ee dugsiga sare balse waa kala galaas iyada iyo Maxamed. Waxa ay ka dhalatay qoys ladan oo aabbaheed waa ganacsade wayn oo xoolo badan  magaaladana aad looga yaqaan. Da’deedu waa lix iyo toban waana inan maskax badan, naxariis badan oo aan kibirka aqoon. Waa ay castahay aadna u qurxoon tahay. Waxa aad ka yaabaysaa labiskeeda oo dugsiga cid ku gaadhaa aanay jirin.
Dugsiga aad ayaa looga tixgaliyaa macallin iyo ardayba Ayaan, ciddii la hadashaana waa ay ka sheekeysaa.

Maxamed waxa uu Ayaan u qaaday jacayl aad u ballaadhan oo ka dhashay maalintii ay hablaha uga hiilisay, waayo waxa ay noqotay qofka kaliya ee uu naxariis ka helo muddada uu ku sugan yahay dugsiga. Dhawr jeer ayayna isaga oo lugaynaya dareewalka gaadhigooda u joojisay oo ay sii qaadeen, marar badan ayay uga hiilisay arday ka maadsanaysa. Laakiin iyada waxa ay ka ahayd kaliya naxariis. Tani waxay keentay in mar kasta la isku arko Maxamed iyo Ayaan oo wada socda, la arko iyada oo wax ka caawinaysa. Balse arrintaasina cidna ma ay raalli galin ha ugu horeeyaan ardayda dugsiga dhigata.
Maxamed waxa ka tanbatay quudhsigii lagu hayay iyo magacyadii loo bixinayay. Afxumo daaye xataa gacanta ayaa loola tegay, dhawr jeer ayayna waxyeello soo gaadhsiyeen wiilal uu soo diray wiil Ayaan aad u  jeclaa. Ayaan lafteeda looma yaraysan oo aflagaaddo ayaa meel walba loo mariyay, oo xataa waalidkeed ayaa loo sheegay arrinta oo ka cadhooday.
Maalin dambe ma arki karo inankaa yar ee reer miyiga ah oo korsan gaadhiga!” ayay hooyadeed si cadho leh ugu tidhi maalin ay aragtay isaga oo gaadhiga ka dagaya.
Ayaan niyad jab aad u badan ayaa soo food saartay, waxa ay Maxamed dartii u coloobeen dad fara badan. Maxamed waxa uu go’aan ku gaadhay in uu Ayaan ka haro balse qalbigiisa waa ay ku suntanay waayo Ayaan waxa ay ahayd qofka kaliya ee uu jeclaaday.
Shan sanno ayaa laga joogaa maalintii Ayaan iyo Maxamed isugu dambaysay. Waxa caawa loo dabaal dagayaa arooskii Ayaan. Ayaan waxa guursaday wiil wax ku soo bartay qurbaha kuna takhasusay dhaqtarnimo. Dhoollacaddayn, farxad iyo raynrayn ayaa ka muuqata caruuska, carruusadda iyo dhammaan ehelada iyo asxaabta madasha ka soo qaybgashayba.
Sawir qoyseed balaadhan mar la galayay ayuu wiilkii ku yidhi Ayaan hooyadeed oo garab taagnayd ‘Hooyo ma xasuusataa dharaartii aad Ayaan ku tidhi yaanan arkin inanka yare e reer miyiga oo korsan gaadhiga!’

Islaantii ayaa inta ay naxday dhinacna ka xishootay oo u qaadan wayday in uu yahay wiilkan caawa inanteeda hantay wiilkii ay sannado ka hor caydhisay ayaa inta ay ilmo indhaheeda ku soo istaagtay isku celisay isku duubtay Maxamed oo raalli galisay.
‘Xaggan soo wada eega idinka oo dhoolla caddaynaya’, yarkii sawir laha ahaa ayaa ugu dhawaaqay.

Dhammaantood iyaga oo dhoolla caddaynaya ayaa sawir qurxoon oo xusuus leh laga qaaday.

Comments

Popular posts from this blog

Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Bella Ciao: astaanta iska caabbinta!

Waqti U Samee!