Posts

Showing posts from March, 2021

Urugo

Image
      Waa casar gaaban, hadda ayaan indhaha kala qaaday. Telefankaygii oo saarnaa miis yar oo sariirtayda garabkeeda yaallay ayaan tiigsaday, mise ma yaallo. Inta aan soo hinqaday ayaan eeg eegay. Miiska dushiisa, agtiisa iyo dhinacyadiisa. Ma yaallo. Maxaa qaatay tallow? Ma intaan hurday baa la iga dul qaatay? Yaa iga dul qaadan ee ila joogaba? Sariirta ayaan soo kor fadhiistay. Waxa aan xasuustay telefanku yaallo qolka fadhiga.  Waan ilawsanaa e show dabka ayaan galiyay intii aanan soo jiifsan. Aniga oo cagaha jiidaya ayaan usoo kuurkuursaday dhinacaa iyo qolka fadhiga. Kursiga kelida ah ee telefishanka ag yaalla ayaan ku fadhiistay kadib tiigsaday telefankii oo miiska telefishanka ag yaallay. Kursigani waxa uu ahaa ka uu ugu jecelyahay qolka fadhiga ka fadhiisigiisa, waayo waxa uu u dhow yahay telefishanka. Sidoo kale waxa uu u dhaw yahay daaqadda qolka. Kursigani waxa uu ahaa kursiga uu ugu jecelyahay qolka fadhiga. Inta uu guriga joogo waqtiga ugu badan halkan buu ku qaadan jiray.

Elon Musk: Mucjisada Qarniga!

Image
Elon Musk oo waqti xaadirka ah ninka ugu hantida badan adduunka ayaa ah muddooyinkan danbe noqday nin aad loo hadal hayo. Sheekadiisa ayaa laga yaabaa in dadyow badan siyaabo kala duwan u maqleen waayo waa nin koofiyado badan. Dad badan oo aan ka mid ahay shirkadiisa baabuurta ee Tesla ayay ku barteen. Dadka qaar shirkadiisa kale ee SpaceX ayay uga garan ogyihiin halka dadyowga qaarna ay berri dhawayd oo uu saamayn wayn ku sameeyay lacagaha loo yaqaan ‘Bitcoin-ka’ ay magaciisa ku baraarugeen. Waxa kale oo magaciisa aad loo maqlay isla sannadkan bilawgiisii markii uu kaalinta koowaad ka tuuray Jeff Bezos oo muddo badan ahaa qofka ugu hantida badan adduunka. Si kastaba ha ahaatee, ninkan dhalasho ahaanta ka soo jeeda Afrika dunidii waa uu kaga qaylisiiyay. Elon sanadkii hore ee 2020-ka bilawgiisii waxa uu ku jiray kaalinta 35-naad ee liiska dadka ugu hantida badan dunida. Sannadkaa gudihiisa hantidiisu waxaa ku kordhay $150 bilyan kadib markii uu yeeshay saami boqolkiiba 20% ah shirkadii

Waqti U Samee!

Image
Buuggan oo la yidhaa waqti u samee ama waqti u hel (Make Time), waa buug faaqidaya sida ugu habboon ee uu qofku waqtigiisa uga faa’idaysan karo. Waxa qoray laba qoraa oo la kala yidhaa Jake Knapp iyo John Zeratsky. Jake iyo Johnba waxa ay muddo badan ka shaqaynayeen kana hawl galayeen shirkadaha Google iyo Youtube. Waxa aad u cajiib badan in nimanka buuggan qoray oo sida ay sheegeen waqti badan galiyay sidii ay u fahmi lahaayeen qaabka ugu habboon ee qofku waqtigiisa u maamuli karo in ay haddana shaqadoodu tahay waxyaabaha ugu badan ee qofka waqtiga ka lumiya (Nimanka Google iyo Youtube ka shaqeeya ee subax kasta u soo shaqo taga sidii aad ugu xabagoobi lahayd Google iyo Youtube ayaa haddana kuu sheegaya sidii aad uga fogaan waxyaabaha ay ka mid yihiin isla waxa ay ka shaqeeyaan!) Sida caadiga ah qofka laba awoodood ayaa u xoog sheegta iskuna hirdiya waqtigiisa ayay yidhaahdeen. Midi waa ta shaqada iyo nololmaalmeedkiisa caadiga ah. Midina waa waqti dilayaasha oo uu ugu horreeyo adeegs