Elon Musk: Mucjisada Qarniga!



Elon Musk oo waqti xaadirka ah ninka ugu hantida badan adduunka ayaa ah muddooyinkan danbe noqday nin aad loo hadal hayo. Sheekadiisa ayaa laga yaabaa in dadyow badan siyaabo kala duwan u maqleen waayo waa nin koofiyado badan. Dad badan oo aan ka mid ahay shirkadiisa baabuurta ee Tesla ayay ku barteen. Dadka qaar shirkadiisa kale ee SpaceX ayay uga garan ogyihiin halka dadyowga qaarna ay berri dhawayd oo uu saamayn wayn ku sameeyay lacagaha loo yaqaan ‘Bitcoin-ka’ ay magaciisa ku baraarugeen. Waxa kale oo magaciisa aad loo maqlay isla sannadkan bilawgiisii markii uu kaalinta koowaad ka tuuray Jeff Bezos oo muddo badan ahaa qofka ugu hantida badan adduunka. Si kastaba ha ahaatee, ninkan dhalasho ahaanta ka soo jeeda Afrika dunidii waa uu kaga qaylisiiyay.
Elon sanadkii hore ee 2020-ka bilawgiisii waxa uu ku jiray kaalinta 35-naad ee liiska dadka ugu hantida badan dunida. Sannadkaa gudihiisa hantidiisu waxaa ku kordhay $150 bilyan kadib markii uu yeeshay saami boqolkiiba 20% ah shirkadiisa Tesla. Bishii Noofambar isla sannadkaa waxa uu dhaafay Mark Zuckerberg oo ka mid ah aas’aasayaasha shirkadda Faysbuug waxaanu noqday ninka saddexaad ee dunida ugu hantida badan. Wiig kadib ayuu haddana dhaafay Bill Gates oo wuxuu cidhiidhsaday kaalinta labaad. Bishii Jeenawari ee 2021, Musk wuxuu noqday ninka ugu hantida badan dunida isaga oo hantidiisu gaadhay 185 bilyan oo doolarka Maraykanka ah.
Haddaba waa kuma Elon Musk?
Elon waa Injineer Iyo ganacsade. Waa aas’aasaha/la aasaasaha shirkadaha: SpaceX, Tesla, Neuralink, The Boring Company, OpenAI iyo kuwa kale. Elon waxa dhalay hooyo reer Kanada ah Iyo Aabbo reer Koonfur Afrika ah, waxa aanu ku koray magaalada Biritooriya ee dalka Koonfur Afrika. Waxa uu wax ku bartay Maraykanka, waxa uu isla markiibana bilaabay ganacsi. Ganacsigii u horreeyay waxa uu la bilaabay walaalkii Kimbal oo isaguna hadda ah ganacsade wayn oo leh huteelo fara badan.
Sheekadiisa meelo badan ayaa lagaga sheekeeyay, buuggan idiin muuqdana wuxuu ka mid ah buugta laga qoray.




Muna Axmed Cumar (Mullaaxo)
3-da Maarso 2021

Comments

Popular posts from this blog

Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Bella Ciao: astaanta iska caabbinta!

Waqti U Samee!