Wednesday, November 9, 2016

Lama Filaan!


 ‘Hargeysa, 2001’

Qaylo, buuq iyo oohin ayaa si is daba joog ah ugu soo dhacayay dhageheeda markii ay ku soo socotay xaafadda saxiibadeed Caasha, iyadoo codka qaylada iyo buuqu marba marka ka danbaysa uu kordhayay.
Naxdin buu Ilaahay isugu keenay Hodan kadib markii ay soo gaadhay gurigii ay degganayd saaxiibadeed Caasha oo ay isku xaafad ahaayeen balse ay waxoogaa kala durugsanaaayeen. Hodan oo aad u yaaban su’aalo fara badanna is waydiinaysa ayaa soo gaadhay irrida laga galo aqalka. Daarada guriga waxa buux dhaafiyay dad dumar u badan, iniba meel bay taagan tahay, qaar hawlo ayay ku mashquulsan yihiin, waxa kaliya oo ay ka siman yihiin dhammaan wajiyadooda murugo badan ayaa ka muuqata.
Isla markii ay guriga ay soo gashay Hodan waxay isha ku dhufatay koox haween ah oo ku uruursan ruux dumar ah oo aad u barooranaysa una qaylinaysa. Yaab!  Dhinaca ay eegtaba waa qof ooyaya. Qof ay wax waydiiso ayay garan wayday dadka oo dhan si bay u yaaban yihiin haddana u mashquulsan yihiin waxaad mooddaaba in aanay waqti  u hayn qof  inay u jawaabaan.

In muddo ah ayay sidii qof waalan dadka dhex wareegaysay oo yaabanayd, qof ay la hadashana garan la’ayd. Markii ay ku dawakhday dadkii badnaa ee is dhaaf dhaafayay ayay markii danbe is dul taagtay ruuxii dumar ahaa ee lagu uruursanaa ee ay ugu horrayntii markay guriga soo gashay isha ku dhufatay. Haweenka dul taagnaa oo badnaa dartood waxa ay awood u wayday in ay aragto qofkan sida murugada badan u ooyaysa. Wax ay dadkii cidhiidhsataba waxa ay aragtay Caasha hooyadeed Xaliimo oo ay ilmo qoysay maryaheedii. Hodan afka ayay kala qaaday waxay tidhaa ayay garan wayday waxa ay u fiirsatay hadalada ka soo yeedhaya hooyo xaliimo.
Alla jabayeey!...way hooyo Caashaay!... way gabalkay dunyeey!
Anfariir baa Hodan qabsaday, waxay qaadday shoog. Waxa ku adkaatay neeftii, meel ay joogto ayay garan wayday. Iyada oo isla maqan ayay islaan agteeda taagnayd waydiisay.
Hooyo! Caasha maxaa ...Caasha maxaa ku dhacay?!”
Hadalkii baa ku dhagay
MeedayCaashi?... Maxaa helay?!

Kaaf iyo kala dheeri!



Waagu marka uu iftiimo ayay ka baxdaa gurigooda una jarmaaddaa goob shaqo oo ay ka shaqayso. Shaqadeedu waa joogto waliba waxa u dheer siminaarro ay wiiggiiba laba jeer ka qayb gasho. Galinka danbe waxa ay waxbarasho u aaddaa jaamacadda iyadoo ku jirta sannadkii u danbeeyay.

Hammigeeda iyo himiladeeda waxbarasho waxa ay gaadhsiisan tahay meel fog. Waxa ay hiigsanaysaa meel dheer, in badan bay waxbarashadan wadiddeeda ku samirtey, saaxiibaddo badan oo dheega ay isku hayn jireen way ku cidleeyeen socodkan iyo hayaankan dheer. Waxbarashada marka ay dhammayso shaqo tan ka wanaagsan  oo ka mushahar badan ayaa maankeeda ku jira “Galin hore iyo ku danbeba waad shaqayn, oo doollarkaa ku daba carari”, ayaa maskaxdeeda ku qufulan.

Tacab iyo dadaal in ay nolosha sareedadeedu ku timaaddo, horumarka  iyo hore u socodkana in ay gacanteeda ku keensan karto ayay aamminsantahay. Dhayal iyo guri iska fadhi bari hore ayay dhinac iskaga tuurtay inannimo iyo hawlihii guriga hadday noqoto wax karin, wax dhaqid, iyo  wax nadiifin toona xaafaddoodu kuma hallayso. Oo miyay garanaysaa baa ka horraysa?! Waligeed fijaan sii jeeda may soo jeedin koob shaah ahna dabka may saarin, miyay haleelaysaaba?! sowtan ku mashquulsan akhriska iyo muraajacada duruusta iyo hawl maalmeedkeeda la xidhiidha shaqadeeda.

Saturday, October 29, 2016

Guurkii Caalin





Cibaado waxa aanu jaar ahayn muddo fara badan, maalintii aanu soo degnay xaafadda iyadu way degganayd. Iyada iyo qoyskeedu waxa ay ku nool yihiin aqal soomaali wayn oo albaabkiisu u jeedo cadceed ka soo baxa. Aqal soomaaliga ka soo horjeedkiisa waxa ka dhisan buul yar oo dayac aad u badani ka muuqdo oo ay Cibaado iyo qoyskeedu wax ku karsadaan.

Cibaado afartan sanno ayay jirtaa, afar ubad ah ayuuna Ilaahay siiyay. Odaygeeda Caalin waa oday dhuuban dheer da’ina ay ka muuqato, waxa uu waligiiba ka shaqayn jiray dhismaha guryaasha. Waagii uu xoogganaa wastaadnimada oo uu xariif ku ahaa ayuu ku shaqaysan jiray imika se mar mar ayuu kuulinnimo dirqi ku helaa.

Sunday, August 14, 2016

Yarkii Tuulada!



Waa maalintii ugu horreysay ee uu yimid dugsiga. Waxa uu gashan yahay surwaal madow oo ka gaaban, shaadh cad oo gacmo dheer iyo kabo sandal ah oo duug ah. Saliid uu ku soo dhaashaday ayaa madaxa iyo wajigaba ka dhalaalaysa wajigiisana waxa ka muuqata farxad. Waa uu baalla daymoonayaa oo kolba indhaha la raacayaa dhismayaasha kala duwan ee dugsiga, waxa uuna fiirfiirinayaa fasallada. Ma garanayo fasalkiisu halka uu yahay taas ayaana ugu wacan in uu akhriyo fasal walba magaca ku hor qoran “Fasalkaagu waa 1A” ayuu ka xasuustaa tilmaantii uu maamulaha dugsigu soo siiyay markii uu xafiiska ka soo baxayay.

Qalbi Xab-xab



Da’deedu ma badna se Ilaahay caqli ayuu ku mannaystay. Qurux dabiici ah oo ay u dhalatay ayay la soo kacday taas oo qofkii arkaaba u qushuucayo kana helayo dabeecadeeda iyo waliba qosolkeeda qalbiga xanta xantaynaya.
Ma mooggana oo caad kama saarna in ay qurxoon tahay oo dadka ku xeeran iyo muraayadda ayaa u sheegay se tani kibir iyo is qaadqaad kumay keenin. Dadka ay la nooshahay oo dhami way u soo xiisoodaan salaantana kula soo degdegaan markay la kulmaan, iyadna ma erido mana huruufto ee waji farxad leh iyo dhoolacaddayn ayay ku qaabishaa.

Saaxiibkay Maslax-gaab


Maalin maalmaha ka mid ahayd ayaan la kulmay wiil kaligii meel fadhiya isla markaana aad u murugaysan. Wiilku dhallinyaro ayuu ahaa da’diisuna may gaadhin soddon jir. Wiilkaas waxa uu ii sheegay in murugadiisa ay sabab u tahay saaxiibkii oo lagu magacaabo Maslaxgaab.
Qisada dhex martay isaga iyo saaxiibkii ayuu iiga sheekeeyay wuxuuna ku bilaabay sidan:  Muddo dhan toban sanno ayaannu Maslaxgaab saaxiibbo ahayn, afka ayaanu wax ku kala goosan jirnay, asxaabtayda oo dhami way ka masayreen oo igu collaadiyeen. Dhankayga waa saxiibka ugu mudan uguna jecelahay. Waqtigayga inta u badan, isaga ayaan la qaataa lana joogaa.

Aargoosi!


Waa cadaw wada nool, kama maaranto isna kama tago, adduunka  ayay ugu jeceshahay isna iyada ayuu u necebyahay. Aragtidiisa way ku faraxdaa isna wuu ka naxaa. Maalin iyo habeen way raadisaa, mar kasta wuu ka gabadaa oo ka dhuuntaa, isaga ayay ku nooshahay, iyada ayuu ka noolaan waayay.

Haddana way wada noolyihiin midkoodna ma garanayo goorta ay isku hoy noqdeen iyo sida uu xidhiidhkooda cadawnimo ku bilaabmay, kaliya waxa ay ogsoon yihiin in ay cadow isu yihiin haba kala badnaato heerka cadaawadoodu e. Wuxuu ku garaadsaday  iyada oo eryanaysa, iyadna hooyadeed bay ka baratay sida loo qabto cunahana loogu dhago. Hoygan iyadoo yar baa la keenay isagu barigaa muu dhalan balse waxa ku noolaa: hooyadii, aabbihii iyo walaalkii oo ay saddexdoodaba gacanteeda ku dishay.