Geedkii Ballanta


Waa duhur. Xilligan ayay ballantoodu ahayd. Hadda ayay soo istaagtay geedka hoostiisa. Waa jabaqla’. Geedka hoostiisa waxa aad mooddaa meel laga guuray. Oo ma awalbaa la degganaa? Mooyi, balse si bay u meeshu meel laga hayaamay ugu eegtahay. Laba dhagax oo aad mooddo in ay meesha ku cidloobeen muddo badan ayaa is garab yaalla. Dhagaxa mid baa weyn oo u eeg dhagax ay had iyo jeer dadka geedka u soo hadh doontaa ku fadhiistaan. Waa dhagax lagu fadhiisan karo. Dhagaxa kale wuu yaryahay. Oogadiisa dushuna uma eka mid lagu fadhiisan karo waayo iskuma sinna. Waxa aad mooddaa isagana in ujeedadiisu tahay in uu u wehel yeelo kolba ciddii dhagaxa wayn ee agtiisa yaalla soo fadhiisata. Waxa uu u eegyahay dhagax wax badan og. Waxa suuro gal ah in dhagaxani uu la kulmay dadyow badan oo jidka markayay ama geedka ku soo leexday. Waxa xaqiiqo ah in uu sheeko badan dhagaystay waayo badanna u soo joogay. Alla muxuu dhacdooyin badan goob joog u ahaa!

Cadceeddu aad bay u kulushahay marka laga reebo geedka hoostiisa. Hadhka geedka laydh qabow ayaa ka dhacaysa. Waa ta keentay in dadka jidka marayaa ay ku soo leexdaan oo ku nastaan. Siraad se umay iman in ay qoraxda kaga soo dhuumato. Ballan bay ku timid. Waxa ay kula ballansantahay Cali. Ma aha markii koowaad ee ay ku ballameen geedka hoostiisa. Waa markii afaraad marka laga reebo kulankoodii koobaad oo ka dhacay isla goob aan ka fogayn geedkan. Geedku waxa uu ku yaallaa meel soddon tallaabo u jirta halka ay deggan tahay Siraad. Reerka galbeedka kaga beegan geedka reeraha ka danbeeya weeye reerahoodu. Masaafo badan uma jiro geedku, marar badanna way ag martaa marka ay u socoto tuuladda balse maalinta ay Cali la kulmayso cabsi baa ku dheehan imaanshaha geedkan. Marka laga reebo farxadda iyo raynraynta ay dareento maalintan oo kale haddana waxa uu werwer ka hayaa in walaalaheed ama hooyadeed meelahaa ka arkaan iyada oo la joogta Cali. 

Reerahooda iyo reeraha Cali ka soo jeedo waxa ka dhaxeeya colaad in badan jirtay taas oo keentay in aanay labada reerood kala guursan. Tan Cali iyo Siraadba way ogsoonyihiin, haddana kamay joojin in ay kalgacal baaxad weyn isku qaadaan. 
Labadii dhagax kii weynaa isla markaana u jeeday waqooyi ayaa ay soo fadhiisatay. Hareeraha ayay eeg eegtay. Waxa ay jaleecday dhanka bari, haddana galbeed, haddana waqooyi. Jiho kasta ayay iska fiirisay. Kolba dhinac ayay eegaysaa. Waxa ay hubisay bal in cid garanaysa ama walaalaheed meelahaa ka dhaw yihiin. Oo haddii ayba ku soo baxaan maxay samayn lahayd? Ma garanayso. Keli ah waxa ay hubtaa in aanay rabin in ay arkaan iyada oo geedkan ku hoos sugaysa Cali ama iyada oo Cali la joogo. Taasi in ay dhib ku keenayso ayay hubtaa? miyaan maalin hore looga digin in aanay dib ula kulmin Cali. ‘Waad iga dhimatay haddii aan ninkaa kugu arko’ ayay ahayd hadaladii u danbeeyay ee hooyadeed ku tidhi habeenkii ay ardaaga la soo fadhiisiyay si loogu sheego in aanay suurto gal ahayn guurka Cali iyo iyada. 

In kasta oo aanay saacad haysan haddana qiyaas ahaan waa labadii oo wax dhiman Woxoogay markii ay fadhiday ayay caajistay. Hareeraha ayay eegtay bal in uu soo dhow yahay. Had iyo jeer dhinaca bari ayuu ka soo bixi jiray. Waa halka reerahoodu deggan yihiin. Maalin keli ah ballanta geedka kamuu bixin markaa marnaba kama filayso in uu dib dhaco. Balse maanta wuu dib dhacay. Ugu yaraan waqtigiisii ayuu ka dib dhacay. Qori yar oo dhulka yaalay ayay kor u soo qaaday. Dhulka ayay ku xarxariiqday. Waxa ay dareentay hadh. Kor bay eegtay. Qof baa dul taagan. Waa gacaliyaheedii Cali. Farxad darteed ayay kor u boodday. ‘Maxaa ku helay ee aad la soo habsaantay maanta?’ ayay degdeg u waydiisay. ‘Horta ii waran gacalo’ ayuu ku yidhi isaga oo dhoolla caddaynaya. 

Inta ay si xishood kujiro u dhoolla caddaysay ayay ku tidhi ‘Waa nabad’. Dhagaxii kale ee agteeda yaallay ayuu fadhiistay. ‘Maanta meel fog baan xoolihii u waraab geeyay kow dheh’ ayuu ku bilaabay. ‘Sidaas baan kaaga soo habsaamay. Ma in badan baad meesha fadhiday?’ ayuu raaciyay. ‘May. Haa. Woxoogay baan fadhiyay’ ayay si naxdin yari ku jirto ugu warcelisay. 
‘Reerkii ka waran?’ ayuu waydiiyay. ‘Waa la fiicnaa’ ayay ugu warcelisay. Woxoogay ayay halkii ku yar haasaaween. Labadooduba way ogsoonyihiin waxa ka dhalan kara haddii la isku arko labadooda. Sidaas darteed waa in ay degdeg u kulankooda u soo afjaraan iyaga oo hadda uun isku yimid. ‘Haye waan sii soconi ee waa inoo ballanta xigta’ ayuu yidhi inta uu kacay. ‘Waayahay e ha iga soo habsaamin’ ayay ugu warcelisay. Cabbaar bay sii eegtay inta uu sii socday illaa uu libdhay. 

Wiig kadib maalintaas dagaalo ayaa dib uga cusboonaaday deegaanka. Laba jeer oo weerer iyo weerar celin ah bay is galeen Siraad reerahoodii iyo Cali reerahoodu. Dhaawac iyo dhimasho labada dhinacba ah waa la soo sheegay. Maalintan warka aan fiicnayn la soo sheegayo, maalinta xigta ayay ku beegan tahay ballantoodii geedku. Subaxnimadii xigtay waxa ay toostay iyada oo werwersan. Wax ay sugtaba waxa la gaadhay duhur. Iyada oo dhinacyada iska eegaysa ayay ka soo baxday gurigii isla markaana timid geedkii. Cabbaar ayay hoos taagnayd oo ay eeg-eegaysay dhinacyada bal in ay bidhaantiisa sheed ka aragto. Dhagaxii geedka hoos yaalay ayay ku fadhiisatay. Ku dhawaad saacad ayay sugtay. Cali ma uu iman ballantii maalintaas. Siraad iyada oo niyadjabsan ayuu gabalku ugu dhacay geedkii. 

Maalmihii xigay oo dhan marna werwerka Cali kama faaruqin qalbigeeda. Mar kasta waxa ay ka fikiraysay sida ay war uga heli lahayd xaaladda uu ku sugan yahay. Waxa ka go’an in ay Cali war ka hesho balse waxa ay ogtahay in aanay suuragal ahayn tagitaanka degaankiisa sababtoo ah jidadka u dhaxeeyaa waxa ka socda dagaalo. Si kasta oo ay halis u ahayd in ay safartaa haddana waa ay dhaqaajisay. 
Waa goor habeenimo ah. Xaafadda badankeedu waa ay seexatay. Kabaheedii oo buulka dhanka bidix ka dhisan ee ay seexato hor yaalay ayay gacmaha ku soo qaadatay. Garbasaarna gacanta kale ayay ku soo qaadatay kadib aayar iska qaaday ooddii ku oodnayd kadinka reerka. Labaatan tallaabo markii ay qaaday ayay ku soo baxday meel dab ka baxayo. Markii ay aragtayba waa ay garatay cidka dabka shidatay ee kulaalaysa. Waa ilmaadeeradeed. Nasiibdarro marka ay iyaga aragtayba iyaguna way arkeen iyada. Sidaas ayuu qorsaheedii ku fashilmay habeenkaa.

Ballamihii xigay oo dhan Siraad way tagtay geedkii. Inta jeer ee ay booqatayba way ku hungowday geedkii iyada oo ka rejo qabtay in uu mar uun iman doono Cali. Haba se sheegin. Waxa kale oo ay isku dayday in ay warsato dadka ka yimaadda deegaanadiisii, balse cid war buuxda uga keenta way wayday. 


La soco cadadka danbe. 


Muna Axmed Cumar (Mullaaxo)
30-ka Abriil, 2021

Comments

Popular posts from this blog

Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Bella Ciao: astaanta iska caabbinta!

Waqti U Samee!