Posts

Showing posts from April, 2020

Bella Ciao: astaanta iska caabbinta!

Image
Heesta Bella Ciao waa hees caan ka ah dunida isla markaana leh sooyaal fac wayn. Waxa heestan dadyowga adduunku adeegsadaan badanka xiiliyada iska caabbinta, dibad baxyada, xaq u dirirka iyo xorriyad raadinta.   Heestan oo ereyadeedu taliyaani yihiin waxay markii ugu horraysay soo baxday dhammaadka qarnigii 19-naad xilligaas oo ay qaadi jireenka shaqaalihii beeraha bariiska Koonfurta Taliyaaniga oo ka cabbanayay xaaladaha shaqo ee adag ee soo waajaha. Xilligii Kacaankii Taliya aniga, heestii Bella Ciao oo la casriyeeyay waxa ay astaan u noqotay kacaan diidka.   Bella Ciao waxa loo turjumay afaf badan oo  Carabida iyo Isbaanishku ka mid yahay. Heesta Bella Ciao waxay noqotay astaanta dibadbaxyada, iska caabinta iyo xaq u dirirka waxaana la arkaa dadyow badan oo ka soo kala jeeda waddamo badan oo isla jiibinaya xilliyada ay dibadbaxyada samaynayaan. Heesta Bella Ciao waxa kale oo ay dad badani ku barteen musalsalka Isbaanishka ah ee caanka ‘Lacasa Da Papel’ ama 'Mone

Dhaqtarkii Dilaaga Noqday (Gosnell)

Image
Dr Karmel Gosnnel waxa uu ahaa dhaqtar caan ah Isla markaana aad looga ixtiraamo magaalada uu degganyahay ee Philadelphia, gobolka Pennsylvania ee waddanka Maraykanka. Taariikhihiisii hore iyo waxbarashadiisii ka sokow, soddonkii sanno ee u danbeeyay waxa uu masuul caafimaad ka ahaa isla markaana ka hawlgali jiray goob caafimaad oo uu isagu furtay oo ku taalay dariiqa Lancester, Isla magaalada Philadelphia. Cusbitaalka Dr Gosnell waxa uu caan ku ahaa in uu sameeyo adeegga ilma iska soo ridka (Abortion).   Muddo soddon sanno ah oo adeeggan fulinayay marnaba lama filayn in qaabka uu adeeggaas u fuliyaa yahay mid gebi ahaanba baal marsan sharciga waddanka iyo xirfadda caafimaad ee loo maro adeeggan. FBI iyo DEA (Drug Enforcement Administration) oo is kaashanaya ayaa sannadkii 2010 booqasho baadhitaan ah ku tagay cusbitaalka Dr Gosnell taas oo noqonaysa baadhitaankii ugu horreeyay ee lagu sameeyay cusbitaalka Dr Gosnell. Ciidamadan oo caddaynta baadhistooda watay waxa ay u s

Tuma ayay ahayd Marwo C. J Walker?

Image
Marwo C. J Walker waxa ay ahayd ganacsato maalqabeen ah iyo aasasaha shirkadda (Madam C. J Walker Manufacturing Co). Marwo Walker waxa ay noqotay gabadh madow tii ugu horeysay ee maalqabeen iskeed isku soo saarta guud ahaan dalka Marakaynka. Magaca Walker waxa uu ka soo raacay odaygeeda oo la odhan jiray Charles Joseph Walker kaas oo geeriyooday 1926-kii.   Sarah Breedlove o loo yaqaanay Marwo C. J Walker waxa ay dhalatay Diisambar 23, sannadkii 1867-kii. Waxa ay ku dhalatay gobolka Lousiana halkaas oo ay ku noolaayeen hooyadeed iyo aabbaheed oo addoomo ahaa. Toddoba sanno markii ay jirtay ayay waalidkeed wayday waxaanay la noolayd walaasheed oo ka wayn halkaas oo ay labadooduba ka shaqayn jireen beeraha cudbiga. Afar iyo toban sanno markii ay jirtay waxa ay guursatay Moses McWilliams si ay uga hoos baxdo guriga walaasheed halkaas oo uu dhib ku hayay sayga walaasheed. Sarah waxa u dhalatay gabadh (Leila) bishii Juun 3 sannadkii 1885-kii laba sanno kadib dhalashadeediina waxa dhi