Tuma ayay ahayd Marwo C. J Walker?


Marwo C. J Walker waxa ay ahayd ganacsato maalqabeen ah iyo aasasaha shirkadda (Madam C. J Walker Manufacturing Co). Marwo Walker waxa ay noqotay gabadh madow tii ugu horeysay ee maalqabeen iskeed isku soo saarta guud ahaan dalka Marakaynka. Magaca Walker waxa uu ka soo raacay odaygeeda oo la odhan jiray Charles Joseph Walker kaas oo geeriyooday 1926-kii. 
Sarah Breedlove o loo yaqaanay Marwo C. J Walker waxa ay dhalatay Diisambar 23, sannadkii 1867-kii. Waxa ay ku dhalatay gobolka Lousiana halkaas oo ay ku noolaayeen hooyadeed iyo aabbaheed oo addoomo ahaa. Toddoba sanno markii ay jirtay ayay waalidkeed wayday waxaanay la noolayd walaasheed oo ka wayn halkaas oo ay labadooduba ka shaqayn jireen beeraha cudbiga. Afar iyo toban sanno markii ay jirtay waxa ay guursatay Moses McWilliams si ay uga hoos baxdo guriga walaasheed halkaas oo uu dhib ku hayay sayga walaasheed. Sarah waxa u dhalatay gabadh (Leila) bishii Juun 3 sannadkii 1885-kii laba sanno kadib dhalashadeediina waxa dhintay odaygeedii. Waxaanay bilawday in ay ku shaqayso dhar-dhiqis iyada oo ku shaqayn jirtay hal doolar iyo googo yar maalintii. 

Sannadahaa ay Sarah ku shaqayn jirtay dhar maydhista, waxa ay aad ula ildarnaatay toxob iyo timo daadasho ba’an oo ay sababtay maqaarka timaha ka hooseeya oo xanuunay. Waxyaabaha sababay timo daadashadeeda waxaa ka mid ahaa alaabada ay waaggaa isticmaalaysay oo ahaa kuwa aad u tayo liita. Sarah waxa ay aad u danaysay badbaadada timaha gaar ahaan timaha dumarka madowga ah oo waaggaa aanay jirin alaabo ay ku daryeelaan timahooda. Sarah waxa ay iibgeeye ahaan ugu shaqaysay gabadh ka ganacsata alaabta daryeelka timaha halkaas oo ay khibrad ku filan ka qaadatay. 
1906-dii kadib markii ay guursatay Charles Walker, Sarah waxa ay ku caanbaxday magaca Marwo C. J. Walker waxa aanay bilawday in ay samayso isku kareemo iyo nafaqooyin iyada u gaar ah kuwaas oo lagu daryeelayo timaha. Odaygeeda oo ahaa suuq-geeye ayaa ka caawiyay suuq-gaynta alaabadeedii cusbaa. 

Intaas kadib Sarah waxa ay bilawday in ay alaabadeeda iibgayso iyada oo la wareegaysa isla markaana albaab kasta garaacaysa. Wixii intaa ka danbeeyay inanteedii ayay shaqadii ku wareejisay iyada iyo odaygeediina waxa ay ganacsigii ku balaadhiyeen gobolada koonfureed iyo kuwa bari ee Maraykanka. 
1910-kii Marwo C. J Walker waxa ay xarun weyn ka furatay Indianapolis. Inanteediina waxa ay masuul ka noqotay xarun daryeelka timaha oo ku taalay New York. Intaa wixii ka danbeeyay ganacsiga Marwo Walker wuu sii kordhayay marba marka ka danbaysa. Waxa ay samaysay warshad weyn oo lagu soo saaro alaabada daryeelka timaha iyo goob cilmibaadhiseed. Waxa kale oo ay samaysay xarun ay ku tababarto shaqaalaheeda iibgeeyayaasha ah kuwaas oo gobolada Maraykanka badankooda ka hawl gali jiray. 

Sannadihii u dhaxeeyay 1911 ilaa 1919 waxa uu ganacsiga Marwo C. J. Walker gaadhay halkii ugu sarraysay. Waxa shirkadeeda u shaqaynayay tobanaan kun oo qof oo u badnaa iibgeeyayaal ku kala filiqsan gobolo kala duwan kuwaas oo ay ku tababari jirtay xarunta shirkada. Waxa la sheegaa in sababaha ganacsigeedu u caan baxay ay ka mid ahayd in ay aad u fahansanayd suuq-gaynta iyo xayaysiinta taas ayaa sababtay in shirkadeedu noqoto mid aad looga yaqaan dalka Maraykanka. 
Ganacsiga ka sokow waxyaabaha kale ee ay Marwo Walker caan ku ahayd waxa ka mid ahaa in ay aad ugu dhiirigelin jirtay dumarka u shaqeeya iyo kuwa kaleba in ay yeeshaan xorriyad maaliyadeed. 

Marwo Walker waxa ay geeriyootay bishii May 25-keedii, sannadkii 1919 iyada oo da’deedu tahay 51 jir. Sida lagu daabacay wargaysa The New York Times, waxa ay geeriyootay iyada oo ah gabadha madow ee ugu hodansan dalka Maraykanka. 
Dhimashadeedii kadib inanteedii ayaa ka masuul noqotay shirkadeedii, waxa la sheegaa in ganacsigeedu sii shaqaynayay dhimashadeeda kadib isla markaana ku fiday meelo ka baxsan dalka maraykanka

Waxa laga qoray dhawr buug, sidoo kale waxa laga sameeyay dhawr riwaayadood, filimo gaagaaban iyo kuwo dhaadheerba. Bishan Maarij, waxa hawada lagu sii daayay filin laga metelay buug ay qortay A’lelia Bundles oo ka mid ah qoyska Sarah. Filinka oo ka kooban afar xalqadood waxa loogu magac daray: Self Made: Inspired by the life of Madam C. J Walker waxaanu ku jiraa Netflix.
Tixraac: “Madam Walker Essay” from www.madamcjwalker.com by A’Lelia Bundles).
Turjumidda: Muna Axmed Cumar (Mullaaxo)

Baraha Bulshada: @Mullaaxo 

Comments

Popular posts from this blog

Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Bella Ciao: astaanta iska caabbinta!

Waqti U Samee!