Posts

Showing posts from July, 2019

Istanbuul: Magaaladii Labada Qaaradood Ka Dhaxaysay

Image
  Istanbuul @GettyImages Magaalada Istanbuul oo waagii hore loo yiqiin (Constantinople) waa magaalada ugu dadka badan, dhaqaalaha badan, ugu hodansan dhinaca sooyaalka guud ahaan magaalooyinka ku yaal dalka Turkiga. Istanbuul oo ah magaalo ku taalla laba qaaradood (Aasiya iyo Yurub) ayaa waxa ku nool tiro ka badan 15+ Milyan oo ruux. Tani waxa ay ka dhigaysaa mid ka mida magaalooyinka ugu dadka badan dunida iyada oo kaalinta afaraad ka galaysa adduunka isla markaana ka dhigaysa magaalada ugu wayn uguna dadka badan Yurub. Istanbuul waxa ay dhexda ugu jirtaa laba badood (Badda Madow iyo Badda Marmara). Taariikh ahaan magaalada Istanbuul waxa ay leedahay sooyaal fac wayn oo dhereran illaa 660 (dhalashadii Ciise ka hor) xilligaas oo lagu tilmaamo markii si rasmi ah loo deegaameeyay magaalada iyada oo dadyowgii ugu horreeyay ee dega ay ahaayeen Giriig. Intaas kadib waxa la sheegaa in ay magaaladu toos uga mid noqotay boqortooyadii Roomaaniyiinta iyadoo ugu danba