Istanbuul: Magaaladii Labada Qaaradood Ka Dhaxaysay



 
Istanbuul @GettyImages

Magaalada Istanbuul oo waagii hore loo yiqiin (Constantinople) waa magaalada ugu dadka badan, dhaqaalaha badan, ugu hodansan dhinaca sooyaalka guud ahaan magaalooyinka ku yaal dalka Turkiga. Istanbuul oo ah magaalo ku taalla laba qaaradood (Aasiya iyo Yurub) ayaa waxa ku nool tiro ka badan 15+ Milyan oo ruux. Tani waxa ay ka dhigaysaa mid ka mida magaalooyinka ugu dadka badan dunida iyada oo kaalinta afaraad ka galaysa adduunka isla markaana ka dhigaysa magaalada ugu wayn uguna dadka badan Yurub. Istanbuul waxa ay dhexda ugu jirtaa laba badood (Badda Madow iyo Badda Marmara).

Taariikh ahaan magaalada Istanbuul waxa ay leedahay sooyaal fac wayn oo dhereran illaa 660 (dhalashadii Ciise ka hor) xilligaas oo lagu tilmaamo markii si rasmi ah loo deegaameeyay magaalada iyada oo dadyowgii ugu horreeyay ee dega ay ahaayeen Giriig. Intaas kadib waxa la sheegaa in ay magaaladu toos uga mid noqotay boqortooyadii Roomaaniyiinta iyadoo ugu danbayntiina noqotay caasimaddii boqortooyadii Roomanka. Istanbuul oo waagaa ahayd (Constantinople) waxa ay noqotay xuddintii ilbaxnimada iyo diinta Kiristanka ee Giriigga. Goobaha taariikhiga ah ee waagaas magaalada laga dhisay waxaa ka mid ahaa Hagia Sophia oo ahayd kiniisaddii ugu waynayd adduunka muddo kun sanno ah.  1453-kii markii ay Cusmaaniyiintu la wareegeen magaalada ayay ku dhawaaqeen in ay tahay caasimadda xukunkii Cusmaaniyiinta iyaga oo  isla markiiba magaaladii xuddunta diinta Kiristanka ahayd ka dhigay xudduntii diinta Islaamka. Magaaladu intaa wixii ka danbeeyay way kobcaysay illaa ay soo gaadhay halka ay maanta taagantahay.


Dhinaca dalxiiska oo ay Istanbuul caan ku tahay, tiro kor u dhaafaysa 12 milyan oo qof ayaa soo booqda sannadkii. Goobaha ugu badan ee dalxiisayaashu booqdaan waxaa ka mid ah goobaha taariikhiga sida: Masaajidka Suldaan Axmed oo sidoo kale loo yaqaan Masaajidkii buluugga ah, Madxafka Hagia Sophia, Berkadda Basilica, Qasriga Topkapi iyo Sarta Galata. Waxa kale oo ay dalxiisayaashu ku damaashaadaan gacanka Phosphorus iyaga oo doomo iyo maraakiib uga kala gooshaya isla markaana hoos maraya biriijka weyn  ee isku xidha Yurub iyo Aasiya. Dalxiisayaashu ma iloobaan in ay ka dukaamaystaan suuqa weyn ee Bazaar kaas oo ah suuqa ugu weyn uguna faca wayn dunida (waxa ku yaallaa in ka badan saddex kun oo dukaan).
In kasta oo ay goobaha taariikhiga ah ee ay magaalada Istanbuul caanka ku tahay tiro badan yihiin haddana waxa aynu ka soo qaadan kuwooga ugu caansan ama loogu booqashada badan yahay:

1.      Masaajidka Suldaan Axmed (Masaajidka buluugga ah)

Masaajidka Sultan Axmed @IslamiCity

Masaajidka Sultaan Axmed waa masaajid qaddiim ah oo illaa hadda lagu tukado. Sidoo kale waa goob loo soo dalxiis tago sooyaalkiisa awgiis. Waa goobta labaad ee loogu booqashada badan yahay magaalada Istanbul. Dadyowga aan muslinka ahayn (dumarka) ee galaya masaajidka waxa laga codsadaa in ay jidhkooda asturaan, madaxa hagoogtaan isla markaana kabaha ka bixiyaan inta ay ku gudo jiraan masaajidka. Waxa jirta goob aanay dalxiisayaashu dhaafi karin halkaas wixii ka danbeeya ayaana ah goobta dadka masaajidka yimid ku tukadaan salaadahooda.

Taariikh ahaan masaajidka waxa la dhismihiisa la bilaabay 1609 waxaanu dhammaaday 1617 xilligaas oo uu talada cusmaaniyiinta hayay suldaan Axmed.  Dhisme ahaan masaajidku waxa uu ka kooban yahay afar kala xidh oo waawayn, lix minaaradood iyo siddeed qolal oo yaryar. Masaajidka gudahiisa waxa lagu qurxiyay nashqado la yaableh una badan midabka buluugga ah (waa sababta uu kula baxay masaajidka buluugga ah), gidaarada masaajidka waxa si farshaxan leh loogu sawiray  aayado qur'aan ah oo badankooda uu gacantiisa ku sawiray farshaxan xilligaa caan ahaa. Laydhadh aad u qurxoon ayaa masaajidka ku wareegsan.

2.      Hagia Sophia  (Kiniisaddii Masaajidka Noqotay)

Hagia Sophia @TheTimes

Madxafka loo yaqaan Hagia Sophia ama AyaSofya waa madxaf leh sooyaal facweyn isla markaana ku yaalla magaalada Istanbul, ee dalka Turkiga. Waa madxafka loogu booqashada badan yahay dalka Turkiga sidoo kale wuxuu ka mid yahay goobaha loogu booqashada badan yahay qaaradda Yurub. Tiro ahaan waxa maalin kasta soo booqda 25,000 oo qof, sannadkiina 3 milyan iyo dheeraad.

Hagia Sophia waxa la dhisay qarnigii lixaad xilligaas oo uu Kaniisad orthodox-ku leeyihiin ahayd. Waxa dhisay boqortooyadii Roomaaniyiinta gaar ahaan boqor Justinian I. Waxa la sheegaa in boqorkaasi ku kharashgareeyay dhammaan hantidiisii dhismaha kiniisadda waxaana dhisay tiro dad ah oo kor u dhaafaysa 10,000. Dhismaheedii kadib, Hagia Sophia waxa ay noqotay kaniisada ugu wayn dunida waxaanay astaan u ahayd boqortooyadii Roomaaniyiinta. Ku dhawaad kun sanno oo ay kaniisad ahayd Hagia Sophia waxa ay ahayd goob sooyaal gaar ah ugu suntan dadyowga taabacsan diinta Kiristanka gaar ahaan Orthodox-ka. Kaniisaddu waxa kale oo ay ahayd goob lagu qaban jiray kulama diineedka iyo xafladaha boqortooyooyinka. 

May 29-keedii 1453-kii markii Cusmaaniyiintu qabsadeen dhulkii Constantinople (Istanbul) ayuu Suldaan Mehmet II amray in Kaniisaddii loo beddelo masaajid. Waxaana laga dhigay masaajid iyada oo aan la burburin lana dumin dhismihii kaniisadda ee Hagia Sophia. Suldaanku waxa uu amray in aan laga masixin gidaarada farshaxankii iyo sawiradii kaniisaddu lahayd balse waxa lagu biiriyay minbar iyo mixraab. Waxa kale oo ay cusmaaniyiintu ku biiriyeen goobta farshaxan kale oo aayado qur’aan ah iyo magacyadii Anbiyada iyo asxaabta isugu jira. Waxa kale oo masaajidkii loo sameeyay minaarado kuwaas oo illaa maanta dhisan. 

Hagia Sophia waxa ahayd masaajid 500 oo sanno. Sannadkii 1935 ayuu madaxweynihii Turkiga Ataturk u beddelay madxaf si dunidu ugu soo daawasho tagto dhismahan cajiibka ah si looga dheehdo sooyaalka faca weyn leh ee Muslimiinta iyo Kiristaanka.

Goobtan oo ka mid ahayd goobihii aan nasiibka u yeeshay booqashadooda waxa aan kuyuuga gelitaanka taagnaa muddo ku dhaw saacad iyada oo la ii sheegay in marmarka qaar kuyuugu intan ka dheeryahay. Dhismaha markii aan albaabka ka galnay waxa soo jeedka lagu xardhay boodhadh waawayn oo soo koobaya marxaladihii kala duwanaa ee goobtu soo martay. Albaabka bidix markii aan ka galay waxa aan dhex istaagay dhisme aad u wayn oo isku furan isla markaana aanan weynidiisa iyo dhererkiisa wax la mid ah aanan waligay hore u arag. Gudaha dhismaha waxa ka buuxa farshaxano aad iyo aad u tiro badan una kala duduwan. Saqafka sare oo ay adagtahay in aad si fiican u wada aragto dherer dartiis gebi ahaan waxaana ku malaasnaa farshaxan aad u layaableh. Waxa ay ishaydu ku dhacday markiiba looxyo waawayn oo si goobo ah u go’an oo ay ku qoranyihiin (Allah, Muhammed, iyo magacyadii Saxaabadii Rasuulka CS) oo afka carabida ku qoran. Halka u dhaxaysa (Allah iyo Muhammad) waxa ku sawiran farshaxan lagu sawiray waagii goobtu kaniisadda ahayd kaasoo tilmaamaya Maryan oo dhabta ku haysa Nebi Ciise (cs) oo ilmo yar ah isla markaana ku fadhida kursi lagu sharaxay kuulo. 

Dhisme kale oo ka sareeeya ayaan uga gudubnay oo laga korayo jiir ka samaysan dhagaxyo la isku dhejiyay. Qaybta sare ee madxafka oo markii ay kaniisadda ahayd dadka reer boqor gaar u ahayd markii ay masaajidka ahaydna dumarku ku tukan jireen ayaa iyadna ah goob astaamaheeda leh. Waxa qaybtan ku badan daaqado yaryar oo dhammaan gidaarada ku wareegsan waxaana farshaxan ahaan u badan farshaxankii kaniisadda iyada oo dhaawacyo soo gaadhay ay qaar sii masaxmayaan. 

Guud ahaan Hagia Sophia waa goob aanad ka dhammaanayn waynideeda iyo sooyaalkeedaba. Dhismaheeda, tiirarkeeda,farshaxankeeda iyo jawigeeda ayaad ka dheehan kartaa sooyaalkeeda guunka ah ee goobtani leedahay iyo weliba marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay. 

3.      Qasriga Topkapi

Qasriga Topkapi @hurriyetdailynews
Qasriga Topkapi oo hadda ah madxaf wayn oo loo booqasho tago waxa uu qarnigii 15-naad ahaa goobtii maamul iyo deganaanshiyo ee hoggaamiyayaashii Cusmaaniyiinta. Waxa la sheegaa in qasrigan oo ay ku noolaayeen madaxdii Cusmaaniyiintu dhismihiisa la bilaabay lix sanno kadib markii ay qabsadeen Istanbuul. Qasrigan oo waynidiisa iyo qaybihiisa aanad ka dhammaanayn ayaa waxa aad ka dhex arki kartaa fac weynida iyo xadaaraddii waagaas uu qasriga ahaa. Cusmaaniyiintii kadib, dawladda Turkiga, gaar ahaan wasaaradda dhaqanka iyo dalxiisku waxa ay qasrigii u bedeshay madxaf loo soo dalxiis tago iyada ayaana gacanta ku haysa illaa maanta.

4.      Berkadda Basilica

Berkadda Basilicca @Yerebatan
Berkadda caanka ah ee loo yaqaan Basilica (Yerebatan), oo hadda ah madxaf ka mida kuwa ugu booqashada badan magaalada Istanbul ayaa ah mid qaabdhismeedkeedu aad kuu cajab gelinayo. Berkaddu waxa ay ku taallaa meel aan ka fogayn Hagia Sophia, agagaarka masjidka Sultan Ahmed.  Berkaddan oo dherer ahaan dhan 140 mitir, ballac ahaanna 70 mitir ayaa waxa la dhisay qarnigii lixaad (532) iyada oo ujeedkeedu ahaa in ay biyaha u kaydiso boqortooyadii Roomaaniyiinta gaar ahaan boqor Justinianus I (527-565). Berkaddu waxa ay u samaysantahay qaab laydi ah waxaanay ku fadhidaa dhul dhan 9800 mitir oo laba jibaarran, waxaanay qaadi kartaa 100,0000 oo tan oo biyo ah. 

Magaca ‘Basilica’ wuxuu ka yimid magac goob diineed oo hore meesha uga dhisnaan jirtay. Berkadda marka la galayo waxa la adeegsadaa 52 kaabadood kuwaas oo kuu saamaxaya in aad hoos ugu dhaadhacdo berkadda maadaama ay dhulka hoostiisa ku taallo. Berkadda saqafkeeda waxa haya 336 tiir oo midkiiba 9 mitir dherer ahaan yahay. Tiirba tiirka kale wuxuu u jiraa 4.8 mitir. Gudaha Berkaddu waa meel aad u deggan una qurxoon. Laba ka mid ah tiirarka berkadda waxa ay ku taagan yihiin madaxii ‘Medusa’* Iyada oo ujeedada u weyn ee Berkaddu ahayd kayd biyo oo boqortooyadii Roomaaniyiintu adeegsan jirtay, haddana adeegsiga berkaddu wuu yaraaday markii danbana joogsaday qabsashadii Cusmaaniyiinta kadib. Laba sababood ayaa loo aaneeyaa in berkadda gebi ahaanba la adeegsan-waayo Roomaaniyiintii kadib: iyada oo ay Cusmaaniyiintu samaysteen ilo kale oo biyood iyo iyadoo la rumaysnaa in ay diinta Islaamka ka soo horjeedo adeegsigeedu. 

Intaas kadib waa la ilaabay berkaddan Illaa iyo markii uu dib u helay cilmibaadhe Dutch ahaa oo socdaal ku ahaa Istanbul si uu wax uga qoro hadhaadigii Roomaaniyiinta sannaddii (1544-1550). Intaas kadib berkaddii waxa ay noqotay caan iyo goob loo soo dalxiis tago. 


5.      Sarta Galata

Sarta Galata @turkeyholidaydiary
Sarta Galata oo hore loogu yiqiin 'Sartii Ciise' waa sar aad u da'wayn isla markaana leh sooyaal fog. Sartan oo la dhisay 1348-kii ayaa ahayd sarta ugu dheer Istanbuul waagaas. Dherer ahaan sartu (marka laga reebo dhismaha sare ee wareegsan oo kaligii ah 16.5 mitir) waa 219.5 fiit ama 66.90 mitir. Sarta oo ujeedooyin kala gedisan loo adeegsan jiray waayadii hore maanta waa meelaha ugu habboon ee laga dheehan karo quruxda Istanbuul. Waxa ku yaalla maqaaxiyo iyo goobo lagu caweeyo kuwaas oo kuu saamaxaya in aad dusha ka soo daawato Istanbuul iyo baddaha ku xeeranba.

 
*Medusa waa gabadh ku jirta sheeko baralay aad u qaddiim ah. Sababta loogu sameeyay Berkadda ayaa ah in la aaminsanaa in belaayo ay ka ilaalinayso goobta. 


Gudaha masaajidka Suldaan Axmed @Muna

 
Gudaha Hagia Sophia @Muna

Madaxa Medusa ee ku yaal gudaha Berkadda Basilica @Yerebatan

Xigashooyin:



Muna Axmed Cumar (Mullaaxo)
July, 2019
Istanbuul, Turkey

Baraha Bulshada: @Mullaaxo





Comments

Popular posts from this blog

Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Bella Ciao: astaanta iska caabbinta!

Waqti U Samee!