Posts

Showing posts from October, 2019

Huteelkii badbaadiyay kunka qof!

Image
Huteelka caanka ah ee Des Milles Collines ee ku yaalla Kigali, caasimada dalka Rwanda waa hoteelkii magan-galyada siiyay tiro ka badan kun qof oo ka soo firxaday xasuuqii ba’naa ee ka dhacay Ruwaandha 1994. Maamulihii huteelka Paul Rosasabenga oo ahaa Hutu ayaa magangeliyay xaaskiisa oo Tutsi ahayd iyo kumanaan kale oo Tutsi ah. Iyada oo huteelka agagaarkiisa iyo guud ahaanba magaalada lagu gummaadayay dadyowga Tutsiga ah haddana waxa uu maamulahaasi halgan u galay badbaadada nafahaas huteelkiisa hadhsanayay waanu ku guulaystay. 

Xasuuqii Ruwaandha!

Image
Mid ka mida xasuuqyadii ugu darnaa ee adduunka ka dhacaa wuxuu ka dhacay Ruwaandha sannadkii 1994-kii kadib markii maleeshiyaad iyo siyaasiyiin ka soo jeedaa qabiilka Hutuga ahi amreen In la dabargooyo Tutsiga. Xasuuqu wuxuu bilaabmay maalin kadib markii shirqool lagu dilay madaxweynihii Rwanda ee waagaas Juvenale. 7-dii Abriil 1994 kii ayuu xasuuqu bilaabmay waxaanu dhammaaday badhtamihii Julaay. Muddadaas 100 ka cisho lagu qiyaaso waxa la dilay dad ka badan hal milyan oo Tu tsi ah iyada oo badankooda lagu dilay faash iyo baangad. Waxa sidoo kale la fadhataystay isla markaana la gubay guryihii ay degganaayeen. Waxa la kufsaday isla markaana tacadiyo jinsi loo gaystay in ka badan 250 000 oo dumar. Waxa xasuuqaa ku nafwaayay boqolkiiba todobbaadan 70% ruux oo Tutsi ah. Dadka la xasuuqay waxa ay isugu jireen rag, dumar iyo ciyaal.