Xasuuqii Ruwaandha!


Mid ka mida xasuuqyadii ugu darnaa ee adduunka ka dhacaa wuxuu ka dhacay Ruwaandha sannadkii 1994-kii kadib markii maleeshiyaad iyo siyaasiyiin ka soo jeedaa qabiilka Hutuga ahi amreen In la dabargooyo Tutsiga. Xasuuqu wuxuu bilaabmay maalin kadib markii shirqool lagu dilay madaxweynihii Rwanda ee waagaas Juvenale. 7-dii Abriil 1994 kii ayuu xasuuqu bilaabmay waxaanu dhammaaday badhtamihii Julaay. Muddadaas 100 ka cisho lagu qiyaaso waxa la dilay dad ka badan hal milyan oo Tutsi ah iyada oo badankooda lagu dilay faash iyo baangad. Waxa sidoo kale la fadhataystay isla markaana la gubay guryihii ay degganaayeen. Waxa la kufsaday isla markaana tacadiyo jinsi loo gaystay in ka badan 250 000 oo dumar. Waxa xasuuqaa ku nafwaayay boqolkiiba todobbaadan 70% ruux oo Tutsi ah. Dadka la xasuuqay waxa ay isugu jireen rag, dumar iyo ciyaal. 


Waxyaabaha murugada iyo qalbijabka leh ee xasuuqan u gaarka ahaa ayaa waxa ay ahaayeen in ay xitaa is dilayeen dad ehel ah, jaar ah, saaxiibo ah iwm. Waxa dhacaysay in reer maleeshiyada faashashka wadata ka ordayaa reer kale oo ehelka ah ku soo dhuumanayeen isla markaana ay iyagii dilayeen. Foolxumooyinkaas xannuunka badan ee waaggaas Ruwaandha ka dhacay waxa kaga darnaa In caalamka oo dhami iska dhega tiray waagaas. 
Goobtan caanka ah ee loo dalxiis tago ee lagu magacaabo Kigali Genocide Memorial waxa ku aasan tirada ugu badan ee dadyowgii ku dhintay xasuuqa. Waa qubuuro iyo goob lagu uruuriyay taariikhda, magacyada, sawirada, iyo wax kasta ku saabsanaa xasuuqii ka dhacay Ruwaandha sannadkii 1994. Waa goob qiimo gaar ah ugu fadhida dadka reer Ruwaandha. Waa goob tilmaamaysa sooyaal xanuun badan oo ay ka gudbeen iyaga oo maanta ku wada naaloonaya nabad ay dhisteen iyo cafis. Dadka reer Ruwaandha lama yidhaa ma Hutu baad tahay mise Tutsi! Waa mamnuuc in aad suaashaa waydiisaa haddiiba aad se waydiiso waxay kuugu jawaabayaan waxa aan ahay Ruwaandhiis.

Sawir muujinaya xasuuqii ka dhacay Ruwaandha


Sawir muujinaya xasuuqii ka dhacay Ruwaandha 

Qaar ka mid ah dharkii dadkii ku geeriyooday xasuuqii Ruwaandha

Lafaha qaar ka mid ah dadkii ku geeriyooday Xasuuqa

Qaar ka mid ah hubkii loo adeegsaday xasuuqa


FG: Sawiradan iyo macluumaad kale oo badan waxa lagu kaydiyay rugta kaydka xasuuqa ee Kigali. 


Muna Axmed Cumar 
Kigali, Ruwaandha 
October, 2019

Comments

Popular posts from this blog

Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Bella Ciao: astaanta iska caabbinta!

Waqti U Samee!