Bella Ciao: astaanta iska caabbinta!




Heesta Bella Ciao waa hees caan ka ah dunida isla markaana leh sooyaal fac wayn. Waxa heestan dadyowga adduunku adeegsadaan badanka xiiliyada iska caabbinta, dibad baxyada, xaq u dirirka iyo xorriyad raadinta. 
Heestan oo ereyadeedu taliyaani yihiin waxay markii ugu horraysay soo baxday dhammaadka qarnigii 19-naad xilligaas oo ay qaadi jireenka shaqaalihii beeraha bariiska Koonfurta Taliyaaniga oo ka cabbanayay xaaladaha shaqo ee adag ee soo waajaha. Xilligii Kacaankii Taliyaaniga, heestii Bella Ciao oo la casriyeeyay waxa ay astaan u noqotay kacaan diidka. 
Bella Ciao waxa loo turjumay afaf badan oo  Carabida iyo Isbaanishku ka mid yahay. Heesta Bella Ciao waxay noqotay astaanta dibadbaxyada, iska caabinta iyo xaq u dirirka waxaana la arkaa dadyow badan oo ka soo kala jeeda waddamo badan oo isla jiibinaya xilliyada ay dibadbaxyada samaynayaan.
Heesta Bella Ciao waxa kale oo ay dad badani ku barteen musalsalka Isbaanishka ah ee caanka ‘Lacasa Da Papel’ ama 'Money Heist'.

Heestii Bella Ciao waxa Somaali inoogu turjumay Dr Jama Musse Jama luuqda iyo kamanka waxa saaray Macalin Cabdinaasir Macalin Caydiid. 

Barqaan kacayoo, baraarugayoo
O bella ciao, bella ciao, bella ciao ciao ciao
Barqaan kacayoo, baraarugayoo
Baradii arkay, bahal in uu ku jiro!

Xaqudirir ba'an, ila bood adigu
O bella ciao, bella ciao, bella ciao ciao ciao
Xaqudirir ba’an, adba ani-la bood

Haddii aan u baxo, sida bile dagaal
O bella ciao, bella ciao, bella ciao ciao ciao
Xaq hadddaan ku baxo
Aaskayga bixi, iilka ii binee

I bud dhiga dushaa, buurtaa saroo
O bella ciao, bella ciao, bella ciao ciao ciao
I bud dhiga dushaa, buurtaa saroo
Aan hadhsado bartaa, ubax bili qurxoon

Bartaa ruuxa mara, halka la i bud dhigay
O bella ciao, bella ciao, bella ciao ciao ciao,
Bartaa ruuxa mara, halka la i bud dhigay
Wuxuu bediba i odhan “alla bilicsanaa"

Bertii xaqana, ubixii bilow
O bella ciao, bella ciao, bella ciao ciao ciao
Bertii xaqana, ubixii bilow
Gobannimo u baxay




Muna Axmed Cumar (Mullaaxo)


Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Waqti U Samee!