Posts

Showing posts from July, 2016

Goblan!

Image
Hudheelkiisu wuxu ka mid yahay kuwa ugu shacbiyadda iyo suuqa badan magaalada. Afar iyo labaatanka saacadood wuu furan yahay.  Buuqa iyo sawaxanka haddaad soo gasho waxa aad ku dawakhaysaa tirada dadka is dhaafdhaafaya, marka aad fadhiisatana  in door ah ayay  kugu qaadanaysaa helidda mudalab kuu keena waxa aad rabtid. Marka aad mid labada gacmoodba buuxaan dirqi ku heshidna waxa aad sugaysaa ku dhawaad saacad in uu kuu keeno wixii aad dalbatay. Mulkiilaha hudheelkan waa Caligaab oo ka caan ah agagaarkaa. Waa dhallinyaro wali muu guursan, ma guur buu haleelayaa waqtigiisu maba dheera u adeegida meherada iyo xisaabinta habeenkii lacagta soo gasha. Waligii hal hal u gee muu dhigan haddana cid aan isaga ahayni ma xisaab xidho hudheelkiisa oo kumaba aammino. Shaqaale aan tiro lahayn ayaa u shaqeeya mid walba mushaharkiisa oo aan shillin ka dhinnayn ayuu bisha bilawgeedaba u qaddimaa balse qaylo iyo canaan joogto ah ayaa u dheer.  Malaha mar kaliyaba ma aammuso oo sida uu u qaylina

Frankenstein!

Image
Qisada magaceeda la yidhaahdo Frankenstein waxa lagu soo saaray buug sheeko ah sannadkii 1818-kii. Waxa qortay gabadh la odhan jiray Mary Shelley oo dhalatay sannadkii 1797-kii. Sannadkii 1814-kii Mary waxa guursaday Percy oo ahaa gabayaa. Mary , Percy iyo Lord Byron oo isna ahaa gabyaa waxa ay u socdaaleen meelo badan oo Yurub ah. Haddaba habeen iyaga oo saddexdooduba fadhiya guri ku yaala magaalada Geneva ayuu Byron yidhi ‘Waa in aan saddex sheeko qornaa’. Percy sheeko ayuu bilaaabay se muu dhammaystirin. Byron waxa uu qoray qiso ku saabsan dadqal ‘Vampire’. Mary iyadna waxa ay qortay qisadan aan idiin soo gudbin doono ee Frankenstein oo ku saabsan Waxshi: Bahal ‘Monster’. Sheekadu waxa ay ku bilaabmaysaa sidan: Magacaygu waa Kabtan Waalton, waxa aan ahay kabtan markab. Markabkaygu waxa uu marayay badweynta Arctic markii aanu helnay  nin dul jiifa gobol baraf ah oo dhex sabaynayay badweynta. Magaciisu waxa uu ahaa Victor Frankenstein . Frankenstein waxa uu

Xaaladdii aan caadiga ahayn ee Dr Jekyll iyo Mr Hyde

Image
Qisadan caanka ah ee 'The Strange Case of Dr Jekyll and Mr Hyde' waxa qoray nin u dhashay Scotland oo magaciisu yahay Robert Louis Stevenson. Stevenson waxa dhashay 1850-kii. Waxa uu socdaal ku maray meelo badan oo Yurub ka tirsan waxa uuna ugu danbayn ku noolaa Samoa. Sannadkii 1894-kii ayuu si kadis ah u dhintay. Dadka reer Samoa waxa ay u yaqaaneen Stevenson 'Tusitala' oo macnaheedu yahay Sheekeeye 'The Storyteller'. Stevenson sheekooyinkiisii ugu caansanaa waxaa ka mid ah: Treasure Island, The Strange Case of Dr Jekyll and Mr Hyde, Kidnapped, Catriona iyo The Master of Ballantrae. Iska hor imaanshaha ka dhaxeeya wanaaga iyo xumaanta ayaa saldhig u ah sheekada Dr Jekyll iyo Mr Hyde. Waxa kale oo ay sheekadu ku saabsan tahay awoodda Sayniska iyo hadba sida looga faa'idaysto xagga xun ama xagga wanaagsan. Waatan qisadii oo kooban:

Danbi Kama Dhaco Buuraha!

Image
Qisadan ‘No Crime in the Mountains’ waxa qoray qoraa Maraykan ah oo lagu magacaabo Raymond Chandler. Raymond waxa uu caan ku ahaa qorista sheekooyinka ku saabsan dambiyada ‘Detective stories’. Buugtiisa kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah: The Big Sleep, Farewell My Lovely, The Long Goodbye iyo No Crime In th Mountains. Qaar ka mid ah sheekooyinkiisa waxa laga sameeyay filimada ugu caansan Hollywood. Sheekadan ‘No Crime In the Mountains’ waa mid ka mid ah sheekooyinkiisa, waatan iyada oo kooban: