Goblan!
Hudheelkiisu
wuxu ka mid yahay kuwa ugu shacbiyadda iyo suuqa badan magaalada. Afar iyo
labaatanka saacadood wuu furan yahay.
Buuqa iyo sawaxanka haddaad soo gasho waxa aad ku dawakhaysaa tirada
dadka is dhaafdhaafaya, marka aad fadhiisatana
in door ah ayay kugu qaadanaysaa
helidda mudalab kuu keena waxa aad rabtid. Marka aad mid labada gacmoodba
buuxaan dirqi ku heshidna waxa aad sugaysaa ku dhawaad saacad in uu kuu keeno
wixii aad dalbatay.
Mulkiilaha
hudheelkan waa Caligaab oo ka caan ah agagaarkaa. Waa dhallinyaro wali muu
guursan, ma guur buu haleelayaa waqtigiisu maba dheera u adeegida meherada iyo
xisaabinta habeenkii lacagta soo gasha. Waligii hal hal u gee muu dhigan
haddana cid aan isaga ahayni ma xisaab xidho hudheelkiisa oo kumaba aammino.
Shaqaale aan tiro lahayn ayaa u shaqeeya mid walba mushaharkiisa oo aan shillin
ka dhinnayn ayuu bisha bilawgeedaba u qaddimaa balse qaylo iyo canaan joogto ah
ayaa u dheer. Malaha mar kaliyaba ma
aammuso oo sida uu u qaylinayo ayuu gabbalku ugu dhacaa, shaqaallaha
qaar maba heshiiyaan oo maalin galinkeed marka ay la joogaan way ka hulleelaan.
Oo miyay u adkaysan karayaan ninkan gaaban ee dadka dhirbaaxaya ama kubaayadda
maraqa ah ka jaraya kuu arko isagoo meel taagan?
Labadii
sannadood ee u dambeeyay ayuu hudheelkiisu sidan u cammirmay, sannadkii ka
horreeyay maalintii uu furay iyo siduu ku furay Ilaahay uun baa ogaa. Maalinti
uu hudheelkiisa albaabbada u ballaqay shan iyo toban cisho cidi koob shaah ah
kamay cabbin, quus inta uu istaagay ayuu albaabbadaba u laabi gaadhay. In uu
yara samro ayuu talo ku gaadhay maadaama uu xaallado intan ka adagba u
soo taagnaa. Ilaahay u barakee oo siday maalinba maalinta ka danbaysa isku soo
taraysay waataa maanta magaaladoo dhami u casho tagto.
Qol
yar oo albaab hore uun leh ayuu ku bilabay. Cuntadana maqsinka dhabarkiisa ayuu
ku karin jiray, maanta se sekad dhan ayuu isku fidiyay oo qayb rag iyo qayb
dumarba wuu leeyahay.
Halkaa
maqalka dushiisana isagoo kursi aad u dheer dhakada uga baxay baa soo
fadhiya. Daanku in uu qarxo ayuu ku dhaw
yahay oo kiiloo jaad ah ayuu taqsiisan yahay. Labada dhafoor waxaad moodaa in
ay dibadda uga soo boodeen, calooshu way hor goglan tahay, koob shaah ah oo
kulul ayuuna gacanta ku hayaa indhihiisu mar kaliya ma joogsanayaan ee waa ay
meerayaan intii aragtidiisu gaadhi karto oo dhammaan hawlaha huteelka ka dhex
socda ayuu toos ula socdaa. Qaylo ayaa intaa u dheer
“Waaryaa kaalay dadkan u shaqee”
“Adiga maxa ku taagay odaygaasi goorahaaba
wuu fadhiyee orodoo u gee wuxuurabo” ayuu ku kala amrayaa shaqaalihiisa,
dhinacna lacagta ayuu dadwaynaha ka qabanayaa kana tirinayaa.
“Kaagaa faraxalanayaa, adigu lacagtii maad ii
dhiibtay!”
“Goormaannu kuu dhiibnaa sownagan imika uun
cuntadii ka faraxalannay maaha! kan iimaanka la’ muxuu ahaa”
“Waar waanu naqaannaa noocaagaas intuu shan
saacadood faraha maydho marka dambana albaabka ka booda ee iska bixi lacagta
waxba faraxal ha ku meeraysane!”
Qub
qac! dirqi ayaaba lagu kala qabanayaa wiil dhalinyar ah iyo Cali gaab oo
goorahanba murankooda dadku u wada jeeday.
Waa
dabeecad xun yahay maalin walba dhawr qof way is dagaalaan qaar kubbaayadda uu
wax ku cabayo ayuu dhakada ka saaraa oo hadhowna dib u bixiyaa dhayitaankooda,
haddana meheradiisu isma dhinto oo waa la buuxaa uun. Cajiib!
Habeenkii
marka uu xisaabiyo ee uu lacagta sidaa u raseeyo ayuu mabsuudaa oo intuu
lacagta barkinta hoos dhigto isagoo dhoollacadaynaya seexdaa.
“Gaadhi yar oo aad alaabta ku soo qaaddo ma
iska iibsataa tolow?!,oo maalin walba ma shidaal baad u haysaa,Maya iska daa”
“Ma guursataa?”
“Oo ma lacag aad ku guursato ayaad haysataa
horta?”, “Haa intaad uruursatay hadaad tiriso kolay wuxuunbay noqon”, “ Oo yaad guursan markaa?Waa tuma ta ku yeelaysaa horta? Oo maxay ii yeeli
wayday ma dakharo ayaa iga jeexan? Billeed heshiinba waydaan kuwa dumar ah way
dhib badan yihiin iyaguna inkaarmoyine. In loo dulqaato ayay rabaan anigu se
daanka in aan qaado ayaan ka baqayaa hadday bujuu tidhaahdo”
Waligii
gabadh lamuu haasaawin dabeecad xumo iyo haleel la’aan mid ay tahay mooyi
sababta uu dumarka ula hadli waayaa. Balse caawa ka hor kumabay soo dhicin
guurso waxaana ku keenay maanta ka horba muu arag in cirro madaxiisa
shaandhaysay, naxdin waynaa. “Oo sowdigan
gaboobay” ayuu is waydiiyay “Horta imisaad jirtay?” Isagoo
afartanka ku siqaya ayaa ugu danbaysay dhawr gu’ ka hor hadda se intuu jiro ma
hubo.
Caawa
hurdo way u iman wayday, intuu jiifi kari waayay ayuu sara fadhiistay oo fikir
hor leh bilaabay. Sheekadan guurka ayaa ugu horraysa waxa ku wayn caawa
qalbigiisa ee uu hurdo diidka la noqday.
“Haddii aad waa hore guursan lahayd xilligaa
dhawr ubad aha ayaad lahaan lahayd oo haddaad caawa dhimato wuxuunbaa kaa
hadhilahaa”
“Bal maad barigii tii yarayd ee dhaylada
ahayd ee hudheelkakuu xaadhi jirtay guursatid, wax la daayoba may ahayn”, tii oo kale in aanu helayn ayuu isku
qanciyay!
Waxa
kale oo uu caawa soo xasuustay noloshiisii hore iyo sida uu halkan iyo heerkan
ku soo gaadhay. Oo ma dhayal buu ganacsigan horumaray ku keenay bay kula tahay?
May. Wuu usoo qaday u saxariiray una bayhoofay. Caligaab bilaash kulama bixin
magaca waa nin gaaban isla markaana calool wayn iskuna cufan. Waagu uu
magaalada soo galay kuray yar oo dhuuban ayuu ahaa. Barigaa da’diisu kamay
badnayn lix sanno. Wuxu ka soo cararay reerkoodii oo degganaa tuulada. Dilmo
joogto ah iyo waxsiin la’aan ay u gaysatay gabadh uu aabbihii soo guursaday,
kadib markii ay hooyadii geeriyotay ayuu u adkaysan kari waayay kana soo
caymaday maalin aabbihii magaalada ku soo maqnaa.
Gaadhi
inta uu dabada soo qabsaday ayuu goor habeen ah ku tuuray meel faras magaalaha
ku beegan. Magaalooy indho badan! Gaw ma cid buu ka garanayaa magaalada, markuu
qaddar ku dawakhay baabuurta iyo dadka tirada badan ee is dhaafdhaafaya ayuu
gidaar yar is laabay markuu tabcaan cagaha qaadi kari waayay.
Cadceedda
falaadhaheedi markay indhaha kaga dhaceen ayuu ka booday hurdadii oo inta uu
indhaha mar maray socod dhaqaajiyay siduu u wareegayay maalintii oo dhan ayuu
gabalku u dhacay isaga oo aan quud afka saarin.
Dhawr
cisho markii ay is waajaheen isaga iyo magaalkii maalintii dambe meel uu ka
keenay mooyee daasad baalash ah ayuu
dadka la daba ordi jiray kaas oo kii
doonaana siiyo gunnada yare ee kabo misixidda kii doonaana u hanjabaa ama dilmo
ugu daraa. Daasaddii ka ilbax oo imika hudheel ayuu weelka u xalaa, saddexdiisa
waqtina ka cunaa habeenkiina u seexdaa woxoogayna ka helaa. Waabu ka raystay
dabayshii iyo siigadii iyo nimankii ku dibbiro dhacsan jiray oo hadda wuuba
naaxay oo garanba maysid hadduu kaa soo hor baxo.
Noloshan
iyo shaqadan aad buu ugu reeyay ninkii hudheelka lahaa laftarkiisu wuu dareemay
kartida dheeraadka ah ee yarka kadibna miisaska inuu masaxo shaqada
muddalabnimadana barto ayuu ku amray duhur isagoo cad la soo hambeeyay oo wada
baruur ah afka kula jira. Sidii buu yeelay oo miisaskiiba kumuu eekaane
markiiba wuxu noqday muddalabka ugu gacanta fudud ee hudheelka jooga.
“Caliyoow nafar bariisa!”
“Caliyoow aniga wasladdaydii iyo nafar isku
jir ah iila soo dhakhso”, dhammaan macaamiishi huteelku Cali mooyee way
diideen in cid kale dalabka ka qaaddo. Mulkiilihii wayba farxad galisay
arrintani oo halkii ay saddex ka shaqayn jireen Cali ayaaba ku filnaaday,
mushaharkii baa loo kordhiyay.
Hudheelkii
Caligaab ayayba isku badashay goobtii. Ninkii hudheelka lahaa waabu ka xanaaqay
kan yare e magaaladii la jeclaysiiyay in uu hudheelka kala wareego. Kadib
hanjabaad iyo shaqadaada ku eekow oo dadka hala sheekaysan uunbuu uga bilaabay
taas oo markii danbena si badheedh ah banaanka uga saaray shaqada dharaar cad.
Cali
maanta xeelad iyo xirfad hudheel lagaga shaqaysto oo ka dhimani ma jirto.
Dhaqaalana inkasta oo aanu haysan wax buuran haddana waxoogay uu ku uruuriyay
daasad waa hayaa. Qolkii uu kiraystay ee uu ku bilaabay waa ka maanta heerkaa
maraya, tan iyo maalintii wuxu ku jiray uun shaqo iyo orod iyo xoolo urursi
taas weeye malaha sababta ilowsiisay guur iyo aduunyo oo dhanba.
Caawa
waxa kale oo uu soo xasuustay aabbihii
“Tolow miyuu noolyahay, maalin kaliyana maad
booqan. Islaantii baasayd ee barigii
ku garaaci jirtay may nooshahay iyadna?!”, Imika haddii aan arko malaha
cunaha ayan ku dhagi lahaa.
Habeenkii
oo dhan siduu u fikirayay ayaaba waagu u baryay, jiifkii intuu ka kacay ayuu
albaabada u furay meheraddii oo shaqo cusub bilaabay.
Cali
habeen oo dhan waa u hurdo la’aan, maalin oo dhanna waa u shaqo oo waakan durba
cirraystay. Wajigiina soo ururay timihiisa xabbad madow ka dhex heli maysid! oo
goormuu sidan u gaboobay? Qofkii yaqaanay hadduu ka soo hor baxo garan maayo
kii aan aqoon u lahayna oday sagaashan jir ah uun buu moodayaa. Waa goblan,
reer iyo ubad ma leh, qoyskiisiina waaguu ka yimid baa ugu danbaysay!
Comments
Post a Comment