Xaaladdii aan caadiga ahayn ee Dr Jekyll iyo Mr Hyde



Qisadan caanka ah ee 'The Strange Case of Dr Jekyll and Mr Hyde' waxa qoray nin u dhashay Scotland oo magaciisu yahay Robert Louis Stevenson. Stevenson waxa dhashay 1850-kii. Waxa uu socdaal ku maray meelo badan oo Yurub ka tirsan waxa uuna ugu danbayn ku noolaa Samoa. Sannadkii 1894-kii ayuu si kadis ah u dhintay. Dadka reer Samoa waxa ay u yaqaaneen Stevenson 'Tusitala' oo macnaheedu yahay Sheekeeye 'The Storyteller'.
Stevenson sheekooyinkiisii ugu caansanaa waxaa ka mid ah: Treasure Island, The Strange Case of Dr Jekyll and Mr Hyde, Kidnapped, Catriona iyo The Master of Ballantrae.

Iska hor imaanshaha ka dhaxeeya wanaaga iyo xumaanta ayaa saldhig u ah sheekada Dr Jekyll iyo Mr Hyde. Waxa kale oo ay sheekadu ku saabsan tahay awoodda Sayniska iyo hadba sida looga faa'idaysto xagga xun ama xagga wanaagsan. Waatan qisadii oo kooban:





Dr Henry Jekyll waa dhakhtar ka caan ah magaalada Landhan, wuxuu ku caanbaxay waxqabadkiisa fiican iyo raalligalinta macaamiishiisa. Sidaa si la mid ah Mr. Edward Hyde waa nin ku caan baxay xumaan iyo munaafiqnimo. Lama yaqaan cidda uu yahay waxa kaliya oo la hubaa in dil kasta oo ka dhaca magaalada uu isagu ka danbeeyo. Haddaba siday ku dhacday in uu Mr Hyde haysto furayaasha guriga uu deggan yahay Dr. Jekyll? Muxuuse Dr Jekyll ugu dhiibay qareenkiisa Utterson faylal uu uga tagayo dhammaan hantidiisa Mr Hyde?!!
Habeen habeenada ka mid ah nin magaciisu yahay Poole oo ka mid ahaa shaqaalaha Dr Jekyll ayaa u yimid qareenkii Dr Jekyll oo la odhan jiray Utterson wuxuuna ka dalbaday in uu si degdeg ah ugu raaco gurigii Diktoorka. Markii ay soo gaadheen gurigii Dr Jekyll, Poole ayaa si aayar ah u garaacay albaabkii guriga. ‘Poole, ma adigiibaa?’ ayuu cod gudaha guriga ka dhex yidhi ‘Haa waa anigii, dhibaato ma jirto iga fura albaabka’ ayuu Poole yidhi. Waa laga furay albaabkii waxayna soo galeen gurigii. Waxay indhaha ku dhufteen dhammaan shaqaalihii guriga oo meel isku kuusay iyaga oo aad u baqanaya.
‘Maxaa idin dhigay meesha ee aad u shaqaysan waydeen?!’ ayuu yidhi Utterson siina raaciyay ‘Dr Jekyl ma jeclaysan doono qaabkan aad u dhaqmaysaan!’
‘Aad bay u baqanayaan dhammaantood mudane’ ayuu ugu jawaabay Poole. Kadib shamac ayuu ka dalbaday mid ka mid ah shaqaalaha wuxuuna ka codsaday Mr Utterson in uu uraaco qolka cilmibaadhista ee Dr Jekyll. Markii ay gaadheen qolkii ayuu Poole garaacay albaabkii diktoorka isla markaasna raaciyay ‘Diktoore, mudane Utterson ayaa jooga’
‘U sheeg cidna ma rabo in aan arko’ cod leh ayay gudaha ka maqleen. Poole iyo Utterson aayar ayay qolkii ka hor dhaqaaqeen oo ay tageen qolka fadhiga ‘Mudane, kaasi ma codkii Diktoorka ayuu ahaa?!’ ayuu Poole oo naxsani ku yidhi Utterson. ‘May, wuxu u ekaa cod kale’ ayuu ugu jawaabay Utterson. ‘Maaha Diktoorkii qofka meesha ka dhex hadlayaa. ‘Siddeed cisho ka hor ayuu qolka isku soo xidhay kadib maalin ayaanu maqalnay isaga oo qaylinaya isla markaasna ooyaya, intaas wixii ka danbeeyay qof cod kale leh ayuunbaa qolka ka dhex hadlaya’ ayuu yidhi Poole.

‘Waa qiso la yaab leh’ ayuu yidhi Utterson isaga oo aad u yaaban ‘Malaha waa la dilay Dr Jekyll, oo qofkii dilay baa dhex jooga qolka?! Maxaa gacan ku dhiiglaha dhex dhigaya qolka mudada intaas leeg! Maaha wax dhici kara’
Ugu danbayn Utterson wuxu ku laabtay qolkii Diktoorku ku xidhnaa wuxuuna ku celceliyay in uu rabo in uu la kulmo balse wuu diiday in albaabka uu ka furo. Utterson codka gudaha ka soo baxaya waxa uu u maleeyay codkii Mr Hyde. Ugu danbayn Poole iyo Utterson waxa ay go’aansadeen in ay jabiyaan albaabka qolka uu Diktoorku ku jiro.
Kadib waa ay jabiyeen oo galeen qolkii. Qolku wuu aamusnaa markay soo galeen. Laambad si fiican u iftiimisay ayaa ku xidhnayd. Miis ay waraaqo si fiican loo habeeyay ay saaran yihiin ayaa meel koone ah yaalay koob shaah ahina wuu dul saarnaa miiska. Badhtamaha qolka waxa jiifay qof si xun ugu dhacay meesha. Tartiib ayay ugu soo dhawaadeen ruuxii meesha ku kala daadsanaa iyaga oo aad u cabsanaya.  Markii ay wajigiisii arkeen ayay garteen in maydka meesha yaala aanu ahayn Dr Jekyll ee uu yahay Mr Hyde. Inkasta oo ay wali muruqyada wajigiisu sii dhaqdhaqaaqayeen haddana wuu dhintay. Waxa uu gashanaa dhar aad uga waawayn oo ah kuwii Diktoor Jekyll gacantana waxa uu ku haystay quraarad jabtay.

Poole iyo Utterson waxa ay isha la heleen warqad miiska dul taalay oo Utterson dusha kaga qoran yahay. Degdeg ayuu u furay Utterson warqaddii waxaana ka soo daatay warqado kale oo dhawr ah oo ay ka mid ahayd warqad dhaxal wareejin ahayd oo halkii Dr Jekyll ku saxeexnaan lahaa Mr Hyde ku saxeexnaa.
‘Maan fahmin!’ ayuu yidhi Utterson ‘Hyde halkan buu joogay maalmahanba, kamanuu xanaaqin warqaddan magacaygu ku qoran yahay’
‘Maad akhridid dhambaalka Mudane’ ayuu Poole ku yidhi Utterson. Utterson wuxuu bilaabay in uu akhriyo wixii warqadda ku qornaa. Waxa ay warqaddu u dhignayd sidan:

Mudane Utterson
Farriintani marka ay gacantaada soo gaadho waxa ay ka dhigantahay in aan dhintay. Kuumaan sheegi karayn in ay tani dhici doonto se waxa aan hubay in aad maalin uun ogaan doontid xaqiiqada, maanta oo kale.
Waxa aan ka dhashay qoys aad u ladan. Waxa aanan heli jiray wax kasta oo aan u baahdo. Kadib waxa aan bilaabay in aan sameeyo tijaabooyin. Waxa aan isku dardari jiray dawooyin si ay u dhalan gediyaan jidhkayga, iyo maankaygaba iigana dhigaan qof kale.
Markii ugu horraysay ee aan cabay isku darkii waxa aan dareemay xannuun badan. Waxaana hoos u dhacay dhererkaygii se waxa aan dareemay da’yaraan iyo farxad. Waxa kale oo aan dareemay dareen I faraya xumaan. Muraayadda markii aan hor istaagay ayaan isku arkay muuqaal cusub, waxa ay ahayd markii ugu horraysay ee aan isku arkay muuqaalka Mr Hyde. Kadib dawadii ayaan dib u cabay waxa aanan dib ugu noqday sidii aan ahaa. Kadib waxa aan noqday qof leh laba shaqsiyadood iyo laba muuqaal oo kala duwan. Dr Jekyll oo leh shaqsiyaddaydii caadiga ahayd iyo Mr Hyde oo leh shaqsiyad aad u xun oo xumaanta jecel.
Waan sii waday qaadashada dawooyinkii. Mar kasta oo aan noqdo Mr Hyde-na waxa aan gali jiray danbiyo aan tiro lahayn kuwaas oo aanan illaa hadda rumaysanin in aan anigu galay.

Nasiib darro dawooyinkii waxa ay igu sameeyeen saamayn aanan filanaynin. Marka aan seexdo aniga oo ah Dr Jekyll waxa aan baraarugi jiray aniga oo ah Mr Hyde. Dadkii oo dhanna way ogaadeen in uu Mr Hyde yahay nin dilaa ah. 
Arrimihii way igu xumaadeen waxaana dhacday in aan muddo fara badan ahaado Mr Hyde dawadiina way ii shaqayn wayday oo way iga dhigi wayday Dr Jekyll mar kale   . Intaas ka dib waxa aan ku qasbanaaday in aan qol isku xidho si aan wajigayga dadka uga qariyo. Jidhkaygii aad buu u daciifay waxanan yeeshay xumad fara badan. Xaaladdaydu waa ay ka sii daraysay marba marka ka danbaysa. Hadaladani waa hadaladii ugu danbeeyay ee aan aniga oo Dr Jekyll ah qoro. In yar kadib waxa aan isu baddalayaa Mr Hyde, haddii uu warqaddan arkona waa uu jeexjeexi doonaa, waa in aan dhaqsadaa. Saacad kadib kursigan ayuu ka ooyi doonaa Mr Hyde ama qolka ayuu ku dhex meeraysan doonaa isaga oo aad u cabsanaya. Talow miyuu is dili doonaa? Mise nolol cusub ayuu samaysan doonaa? Mooyi , dan kama lihi. Saacaddan ayaa aniga noloshayda u danbaysa, marka aan qalinka sidaa u dhigo ayayna noloshii Dr Jekyll gabagaboobaysaa’

                                  

                                                                                    Saxiibkaa oo murugaysan

Comments

Popular posts from this blog

Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Bella Ciao: astaanta iska caabbinta!

Waqti U Samee!