Danbi Kama Dhaco Buuraha!





Qisadan ‘No Crime in the Mountains’ waxa qoray qoraa Maraykan ah oo lagu magacaabo Raymond Chandler. Raymond waxa uu caan ku ahaa qorista sheekooyinka ku saabsan dambiyada ‘Detective stories’. Buugtiisa kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah: The Big Sleep, Farewell My Lovely, The Long Goodbye iyo No Crime In th Mountains. Qaar ka mid ah sheekooyinkiisa waxa laga sameeyay filimada ugu caansan Hollywood.
Sheekadan ‘No Crime In the Mountains’ waa mid ka mid ah sheekooyinkiisa, waatan iyada oo kooban:




Duhurkii ka hor ayay ii soo dhacday warqaddu. Warqad aanan sugayn ayay ahayd waxaana dusha kaga qornaa cinwaanka qofka soo diray iyo magaalada uu joogo (F.S Lacey, Puma Point, California). Gudaha galka ay warqaddu ku jirtay waxa la socday jeeg uu ninka warqadda soo diray ku saxeexan yahay. Waxaana ku qornaa lacag  boqol doolar ah. Warqaddii ayaan kala furay, waxa ku qornaa sidan:

‘’Mr John Evans
Mudane
Magacaaga waxaa I siiyay Len Esterwald. Ganacsigaygu waxa uu si degdeg ah ugu baahan yahay qof adiga oo kale ah. Haddii aad ogoshahay fadlan degdeg u kaalay Puma galabnimada ama fiidnimada Khamiista. Huteelka Hindida iska diiwaan gali igana soo wac lambarkan 2306’’

Muddo wiig ah maan haysan shaqo sidaas darteed aad baan ugu farxay codsigan. Baanka ku qornaa warqadda ee lacagta aan ka qaadanayay lix sekedood baa iga xigay. Waan tagay lacagtiina waan soo qaatay, waan qadeeyay baabuurkii ayaan soo kaxaystay waxaanan u dhaqaajiyay halkii warqadda ku qornayd.
Dhulka u dhaxeeya labada meelood ee aan u kala socday aad ayuu u kululaa. Gabal dhicii ayaan soo gaadhay Puma aniga oo aad u gaajaysan. Waxa aan toos u tagay huteelkii Hindida ee warqadda ku qornaa. Huteelku waxa uu ku yaalay dhisme cawlan oo ka soo horjeeda meel lagu ciyaaro. Waan is diiwaangaliyay boorsadaydii qaatay kadibna tagay qolkii aan kiraystay. Wajiga iyo gacmaha ayaan dhaqay kadib hoos ayaan u soo daadagay si aan wax u cuno.

Dibadda ayaan u soo baxay si aan telfoon ugu diro ninkii warqadda ii soo diray. Waxa aan soo galay meel telfoonada laga diro waxa aanan wacay lambarkii ku qornaa warqadda ‘2306’. Gabadh ayaa iga qabatay kadib waxa aan ku idhi

‘Ma joogaa Mudane Fred Lacey?’
‘Waa kuma fadlan?’
‘Magacaygu waa John Evans’
‘Mudane Fred Lacey hadda ma joogo, ma ballan ayaad lahaydeen?’
‘Adigu ma gabadhii Fred Lacey ayaad tahay?’
‘Haa, gabadhiisii ayaan ahay’
‘Shaqo ganacsi ayaa naga dhaxaysa, goorma ayuu soo laabanayaa?’
‘Ma garanayo waqtiga uu soo laaban doono. Illaa caawa laga yaabaa’
‘Gurigiinu halkee buu ku yaalaa?’
‘Waxa uu  ku yaalaa illaa laba mayl galbeedka magaalada. Ma magaalada dhexdeeda ayaad iga soo wacaysaa?’
‘Saacad kadib ayaan kugu soo celin’ inta aan  idhi ayaan dhigay telfoonkii. Gabadha codkeedu waxa uu  u ekaa qof naxsan oo kale se dad badan ayuu codkoodu sidan oo kale yahay markaas dan kama galin.

Gabadh fadhiday koonaha qolka aan telfoonka ka dirsanayay ayaa isoo eegtay kadib inta ay dhoollacadaysay ayay igu tidhi ‘Ma ka heshay buuraha magaaladan?”

‘Haa’ ayaan ugu jawaabay
‘Waa meel aad u deggan’
‘Haa aad iyo aad. Ma garanaysaa ninka la yidhaahdo Fred Lacey?’ ayaan waydiiyay
‘Fred Lacey, haa waan garanayaa. Guri wayn oo leh muuqaal fiican ayay dhawaan ka iibsadeen wabiga dushiisa. Miyaad is garanaysaan idinku? Ayay I waydiisay
‘Maya’ intaan ugu jawaabay ayaan ka baxay qolkii telfoonka. Waxa aan tagay huteelkii kadibna baabuurkaygii ayaan kaxaystay.

Waxa aan istaagay figta wadada kadib waxa aan u dhaadhacay dhinaca webiga. Geed wayn oo ku soo dhacay dhulka ayaa hortayda iiga muuqday. Halkii figtii ayaan iska fadhiistay. Dhulku aad buu u deggenaa una cidlaysnaa. Koonaha wabiga dhawr doonyood oo ku xidhnaa ayaa biyaha dul sabaynayay laakiin hortayda waxaan biyaha wabiga ahayni iimay  muuqan. Waxa aan is waydiiyay ninkan Frad Lacey cida uu yahay iyo shaqadan uu kaagaa baahan yahay nooca ay tahay iyo sababta uu guriga u joogi waayay ama farriin iiga tagi waayay haddii uu ganacsigiisu degdeg iigu baahan yahay?


Saacad badhkeed markii aan fadhiyay ayaan kacay oo boodhka iska tumay kadibna u dhaadhacay xagga wabiga. Waxa aan u dhawaaday geedkii meesha ku soo dhacay. Si kadis ayay lug iiga muuqatay geedka dabadiisa. Kadib waan u soo dhawaaday. Nin da’ dhexe ah ayuu ahaa ninka meesha yaalay, woxoogay bidaar ah ayuu lahaa. Wajigiisu waxa uu u muuqday nin ladan oo aan waligii werwer arag. Indhihiisu cirka ayay eegayeen. Dhinaca bidix ee shaadhkiisa waxa ku taalay bar wayn oo cas ku sameeyay dhiig fara badan oo ka yimid dalool muuqda oo ku beegan badhtanka barta cas. Waxa aan jeebkiisa ka soo saaray shandadiisii jeebka. Waxa ku jiray laba iyo toban doolar iyo dhawr kaadh. Waxa aan doonayay in aan ogaado magaciisa. Kadib waxa aan kala furay liisankii gaadhigiisa si aan u akhriyo magaciisa. Magaca liisanka ku qornaa waxa uu ahaa Fred Lacey!!

Comments

Popular posts from this blog

Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Bella Ciao: astaanta iska caabbinta!

Waqti U Samee!