Igu Saabsan



Muna Axmed Cumar waa qoraa firfircoon, Cilmi baadhe iyo gabadh ka shaqaysa arrimaha bulshada. Waxbarashadeedii waxa ay ku qaadatay magaalada Hargeysa. Kulliyadda Sayniska ee Jaamacadda Hargaysa ayay ka qalinjabisay 2014-kii. Tababaro dhawr ah oo ku saabsan Suugaanta Soomaalida, Curinta Toolmoon ee Sheekooyinka iyo Horumarinta Nafta ah ayay qaadatay sanadaha kala ah 2013, 2014 iyo 2015. Feeberwari, 2016 waxa ay ka qaybgashay barnaamij hoggaamineed oo madaxweyne Obama aas'aasay isla markaana ugu talo galay dhallinyarada Afrika YALI ‘Young African Initiatives’

Muna curinta sheekooyinka iyo qoraalka waxa ay bilawday markii ay dhammaysay dugsi sare balse waxa sheekooyinkeedu aad u soo shaacbaxeen sannadihii 2011 iyo 2012 oo warbaahinta Soomaalida aad looga akhrisan jiray. Sannadkii 2014 waxa ay Muni ku guulaysatay kaalinta labaad ee tartanka sheeko-curinta toolmoon ee ‘Sheeko iyo Shaahid’. 2013 waxay sidoo kale kaalinta koowaad ugashay tartanka ‘Maantaba Sheeko Keen’. Muna waxa leedahay laba buug (Baadidoon, 2014 iyo Gaaraabidhaan, 2016) iyo in ka badan 90 qoraal oo lagu baahiyay warbaahino gudaha iyo kuwo caalami ahba. 

Comments

Popular posts from this blog

Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Bella Ciao: astaanta iska caabbinta!

Waqti U Samee!