Huteelkii badbaadiyay kunka qof!



Huteelka caanka ah ee Des Milles Collines ee ku yaalla Kigali, caasimada dalka Rwanda waa hoteelkii magan-galyada siiyay tiro ka badan kun qof oo ka soo firxaday xasuuqii ba’naa ee ka dhacay Ruwaandha 1994. Maamulihii huteelka Paul Rosasabenga oo ahaa Hutu ayaa magangeliyay xaaskiisa oo Tutsi ahayd iyo kumanaan kale oo Tutsi ah. Iyada oo huteelka agagaarkiisa iyo guud ahaanba magaalada lagu gummaadayay dadyowga Tutsiga ah haddana waxa uu maamulahaasi halgan u galay badbaadada nafahaas huteelkiisa hadhsanayay waanu ku guulaystay. 


Sida la sheego Paul waxa uu adeegsan jiray siyaasad, diblomaasiyad iyo wada hadal ka dhan ah maleeshiyaadkii Hutuga ahaa. Maadaama saraakiishii xasuuqa ka danbaysay ee dadka kiciyay ku cawayn jireen huteelka, Paul waxa uu la lahaa xidhiidh fiican waxaanu wada hayay xidhiidhadooda. Taas ayaa u suurto gelisay markii danbe In uu mid mid ula hadlo markasta oo xaaladdu adkaato. Marka kolba ay maleeshiyaadka wax gumaadayaa ka soo ag dhawaadaan huteelka waxa uu la hadlayay mid iyaga ka mid ah. Mar biyihii huteelku go’ay oo illaa kuwii berkaddu dhammaadeen waxa uu la hadlay mid haystay ciidanka si uu ugu keeno biyo. Mar uu rabay in uu dad ka soo tallaabiyo tuuladii xaaskiisa wuxuu la hadlay nin haystay UN-ta. Mar kale oo uu sarkaal ku amray inuu dareeriyo dadka muddo soddon daqiiqo ahna wuu mareeyay Paul. 
Maalinba maalinta ka danbaysaa waxa ay u ahayd baqdin iyo iyaga oo ku sii durkayay halista isla markaana qarka u saarnaa dhimasho. Si kasta oo ay xaaladdu u adkayd, huteelkan waxaa ku mid ahaa meelaha tirada yar ee aanu dhiig ku daadanin. 
Qisada huteelkan waxa laga metelay filmka la magac baxay ‘Hotel Rwanda’ oo soo baxay 2004. 


Dib u habayn kooban mooyee huteelka dhismihiisa waxba lagama beddelin illaa maantana wuu shaqeeyaa.

                                       Wajahada hore ee hoteelka Des Mille Collines 



Muna Axmed Cumar 
October, 2019
Kigali, Rwanda 

Comments

Popular posts from this blog

Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Bella Ciao: astaanta iska caabbinta!

Waqti U Samee!