Saaxiibkay Maslax-gaab


Maalin maalmaha ka mid ahayd ayaan la kulmay wiil kaligii meel fadhiya isla markaana aad u murugaysan. Wiilku dhallinyaro ayuu ahaa da’diisuna may gaadhin soddon jir. Wiilkaas waxa uu ii sheegay in murugadiisa ay sabab u tahay saaxiibkii oo lagu magacaabo Maslaxgaab.
Qisada dhex martay isaga iyo saaxiibkii ayuu iiga sheekeeyay wuxuuna ku bilaabay sidan:  Muddo dhan toban sanno ayaannu Maslaxgaab saaxiibbo ahayn, afka ayaanu wax ku kala goosan jirnay, asxaabtayda oo dhami way ka masayreen oo igu collaadiyeen. Dhankayga waa saxiibka ugu mudan uguna jecelahay. Waqtigayga inta u badan, isaga ayaan la qaataa lana joogaa.




Saaxiibkay Maslaxgaab waxa uu leeyahay dabeecado gooni u ah.  Waxaa u wehesha dhaqan isna aan lala wadaagin. Waana sababta aan dad oo dhan uga xushay .
Maslaxgaab inta aanu wada joogno ma dareemo cidlo, caajisna ima galo werwer iyo walaacna ammaan baanu kala helnaa dhibaato oo dhanna waa iga maqantahay. Waqtiga aan wada joogno waa kan ugu farxadda badan noloshayda. Waxa aan kaga gabbadaa werwerka iyo walbahaarka nolosha.  Waxa aan ka weheshadaa kana garabsadaa cidlada iyo wehel la’aanta Waxaan kaga dhuuntaa oo uu ii tilmaamaa meeshii aan murugada ka gali lahaa.
Saaxiibkay Maslaxgaab ma hadlo, waxba ma maqlo, ma qoro mana akhriyo haddana ciladahaas oo dhammi ma hakiyaan in aan sheekaysano, waanu sheekaysanaa weliba si fiican baan isu fahamnaa  isuna af garannaa.  Qofkan aan ummadda dhan ka doortay been iima sheego, goor kasta oo aan la ballamo waa aan helaa. Dagaal iilama yimaaddo, In aan la sii joogo buu igu waaniyaa. Aad buu iiga ilaaliyaa in aan naftayda hiifo. Inta aan la joogo dhib oo dhan buu iga dhawraa, ballan igagama baxo, ima dagaalo, wax dhib ahna iima gaysto.

Haddaba, saaxiibkaygan cajiibka ah ee aad la yaabteen dabeecadihiisa aanad jeclaan lahaydeen haddii uu idinkana idin la rafiiq noqon lahaa ma laha kaliya astaamahan togan se qaar tabanna way jiraan waliba aad u cajiib ah oo bini’aadanimadaba ka baxsan:
Maslaxgaab waligay ima soo booqan iimana iman, igama nixin, ilamuu talin, iimuu damqan, imuu canaanan, imuu ammaanin imuu hambalyayn, imuu tacsiyadayn, imuu casuumin, noloshayda wax igama waydiin. Halkaan galo ma oga, xaaladdayda ma oga reerkayagana waa col. Anigan idinla hadlayana isaga ayaa sabab u ah kala aamusnaanta aniga iyo hooyaday noo dhaxaysa, is hirdiga aniga iyo aabbahay noo dhaxeeya, is fahan la’aanta aniga iyo walaalladay na dhextaal iyo is hiifida aniga iyo bulshada na dhex taal!
Inta aan isaga la joogo, inkaar baa igu socota habaar waalidna wuu ii dheer yahay. Habeenkii, markii aan xaggiisa ka imaado xilliyada dambe albaabka dirqi baa la igaga furaa. Irridka ayaa la igu halmaamaa. Saaxiibkaygii aan jeclaa baan haaraan ugu dhaqaaqaa waji xun ayaa la igu qaabilaa waana la iga wada murugooda xilliga xun ee aan socdo. Cidna si niyad ah iilama hadasho, xaafaddu haddii ay haasaawayaan kuma jiro haddaan la fadhiyo oo aan soo hadal qaadana afka ayaa la igaga wada boodaa. “Markaad ninkaa ka hadho ayaad qof noqonaysaa” ayaa la igu yidhaahdaa “isaga ayaa qayrkaa kaa reebay”.
Balse erayadaas iyo dhacdooyinkaa wada xanafta miidhan ah ee uu noloshayda ku sababay haddana waxba igama taraan. Jacaylka aan saaxiibkay u hayana hoos uma ridaan. Qof ahaan, waxayba igu sii kordhiyaan jacayl hor leh.

Waalidkay qalad malaha, maxay iigu cadhoon waayeen sow tacabkoodii ma khasaarin oo halkay iga filayeen ma gaadhi waayin. Walaalladay sow anigu isaga kamaan dooran. Maxaan uga dooran waayay sow ma jecli. Haddii aan ka hadho saaxiibkay Maslaxgaab sow murugo, werwer iyo walbahaar ii bilaabmi maayo. Cidlo iyo caajis sow u go’i maayo.
Haddaba, caawa intii aan idiinka sheekayayay Maslaxgaab ka hor umabaan fiirsan weedhan hooyaday caadada u noqotay ee ah in isagu asaagay iyo dhallinyaradii aan isla jaanqaadnay iga reebay! ee horta miyaan is waydiiyayba in aan qayrkay ka hadhay iyo in kale. Malaha waaba runtood. Dad badan baa qaba in uu saxiibkay yahay ka ugu xun adduunyada, kan ugu daran ee hoos u dhiga hammiga qofka, dila himilada iyo hiigsiga, abuura caajiska iyo hagrashada tamarta qofeed, keena waqti lumiska ugu badan ee qof ku dhaca!
Maslaxgaab habeen kaliya igumuu odhan wax baro, habeen kaliyana igumuu odhan shaqayso habeen kaliya imuu waydiin maxaad ku filantahay markaa sow isagu iiguma wacna in aan qayrkay ka hadho. Mooji!
Hooyaday maalintii aanu saaxiibnay ayay niyaddeeda iga goysay oo in ay igu tacab khasaartay ii caddaysay. Maalintay ogaatay in aanu ehel noqonay isaga ayaa jacalykeedii iyo waxsiinteedii iigu danbaysay. Naxariistii hablahayagu ii hayn jireen, cuntadii ay fadhiga igu soo hor dhigi jireen, suuligii ay ii biyayn jireen markaan soo tooso, kabihii ay ii masixi jireen, sheekadoodii kaftanka badnayd iyo kalgacaylkoodiiba maalintii aanu isaga is baranay ayuu suulay.
Hiilkii, taageeradii, sheekadii iyo dheeshii  innamadayadu wuxu isku baddalay waji xun iyo colaad joogto ah.

Caawa ka hor isma weyddiin saaxiibkay waxa uu aayahayga ku biiriyo. Dhab ahaantii maxaa iga soo gala? Wax aan kharash iyo waqti lumis ahayn?
Haa, kharash iyo waqti lumis! Saaxiibkayga aan caawa dhan kaaga sheekaynayay ma in aan bilaash ku kulano ayaad moodaysaa. Xaasha! Maalin kasta lacag ayaan ka bixiyaa, aniga ayaa doon-doona, waqtigayga oo dhanna u hura!
Waxa aan ka yaabanahay goorta uu  Maslaxgaab ii soo celin doono wixii kharash igaga baxay tobankaa sanno ee aannu rafiiqa ahayn. Kharash waa sahaalee waqtigaygii iyo cimrigaygii isaga ayaa la waydiiyaa.
Oo maxaa loo weyddiin isaga? Maslaxgaab ma isaga ayaa isoo doontay? Sow anigu lugahayga kumaan doonan? Sow anigu lacagtayda kumaan gadan? Sow anigu waqtigayga kumaan lumin?
Maanta cid aan naftayda ahayn canaanan maayo qaladkana saari  maayo. Awal haddaan jeclaa maanta niyadda waan ka jaray, awal haddaan u hilloobi jiray maanta waan ka gaabsaday, awal haddaan weheshan jiray maanta waan ka dheeraaday, awal haddaan u hiilin jiray maanta waan cadawsaday, awal haddii uu noloshayda muhiim ku ahaa maanta waxba agtayda kama aha.

Saaxiibkay Maslaxgaab se dadku u yaqaanaan “Jaad” maanta waan macasalaameeyay, noloshaydana wuu ka baxay. 

Comments

Popular posts from this blog

Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Bella Ciao: astaanta iska caabbinta!

Waqti U Samee!