Qalbi Xab-xab



Da’deedu ma badna se Ilaahay caqli ayuu ku mannaystay. Qurux dabiici ah oo ay u dhalatay ayay la soo kacday taas oo qofkii arkaaba u qushuucayo kana helayo dabeecadeeda iyo waliba qosolkeeda qalbiga xanta xantaynaya.
Ma mooggana oo caad kama saarna in ay qurxoon tahay oo dadka ku xeeran iyo muraayadda ayaa u sheegay se tani kibir iyo is qaadqaad kumay keenin. Dadka ay la nooshahay oo dhami way u soo xiisoodaan salaantana kula soo degdegaan markay la kulmaan, iyadna ma erido mana huruufto ee waji farxad leh iyo dhoolacaddayn ayay ku qaabishaa.



Wiilasha oo dhami hoosta ayay ka wada jecel yihiin, qaar way u bandhigaan qaarna is adkayn ayay ku dhintaan. Iyadu se wali mid ay u bogtay lamay kulmin.
Waatan oo waxa ay si kedis ah isku barteen wiil. Is barasho guud oo dhowr cisho socotay kadib kalgacal iyo xiise aanay waligeed isku arag ayay u qaadday. Isaga laftiisu muu sahashan oo yartan qalbiga xabxabka ah leh wuu la dhacay. Jacayl baaxaddiisa aan la qiyaasi karin ayaa laysku qaaday. Kalgacal iyo xubi ayaa laysku daadiyay. Yartii waxay qalbiga iyo niyaddaba gashatay hadda ayaad heshay kii ku daadahayn lahaa, kii aad noloshaada u hibayn lahayd lana wadaagi lahayd,  kii aad ubad u xambaari lahayd.
Kalgacalkoodu wuu sii kordhayay maalinba maalinta ka danbaysa illaa ay gaadheen heer aanay daqiiqad kaliya kala maarmin oo iska war hayaan.
Ballanka iyo axdiga in uu midba dhinaciisa dhawro, kalsoonida iyo daacadnimadana la xafido, jacaylka xaqiisana la ilaaliyo, nacabka la iska jiro ayuu ballankoodu ahaa. Haddaba si wax noqdeen mooyee mar kaliya ayuu wiilkii yartii qalbi xabxab kaga baxay wacadkii oo ku sii daayay xadhiggii waadaanta cishqiqa ee ay laalaadinayeen.

Dhaawac culus oo wadnaheedii mar kaliya wada burburiyay ayay ku noqotay. Murugo ayaa ku habsatay markaasay ku calaacashay:

Jacaylkaan hagarbaxiisa
Dhibaata i haysatiyo
Dadyow halis ugu badheedhay
Horseed baan ii horraynee
Anuunbaa haye lahaayoo
Ilayn hambabaray haddeere
Wuxunbaan hibanayaa
Hankii iyo himiladii fogayd
Ma habeen kaliyay dhammaatay?!!!
‘Dhaglas’

Noloshii ayay nacday waxay dareentay qalbi jab ayna waligeed hore u dareemin. Ilmo ayaa joogto u noqotay iyo dhagaysiga suugaanta calaacalka ah sida:

Wiiloow kalgacaylka
Adaa wadnahayga
Xusuusta ku waabay
Waabayda jacaylka
Maxaan waalalowga
Dartaa walbahaarka
Walaac aan la toosay
Adaa wacadkeenii
Xagaaga ka wiiqay!
(_)

Yartii waxay muddo la kacaa kufto cishqiqii lagu daadiyay xusuustiisii Ilaahay ayaa u sahlay oo qalbigeedii iyo maankeedii tagay ee ka daba orday isaga aayar aayar ayuu u soo noqonayaa imika.
Dib danbe in aanay nin gogol qalbigeeda u dhigin ayay ku tashatay. Oo ma mar danbe in wadnaha dhaawaca ah lagaga joogsado oo laga damqo ayay karaysaa?
Muddo ayay kelinimo se farxad badan ku noolayd haddana mar labaad wiil ayay is barteen. Kii hore hadday fudayd ku dhaliishay iyo inuu qiimaheedii garan waayay oo uu wacadkii kaga baxay kan nin adag oo mas’uul ah ayuu ula muuqday. Kaftan iyo sheeko goos goos ah ayaa dhex maray kaas oo markii danbe xiiso iyo kalgacal isku badalay.
Waxa ay isku qaadeen cishqi dadkiina iskaga soo dhawaadeen. Guri farxad leh sidii ay u dhisi lahaayeen ayay ka wada hadleen. Kalsooni buuxda oo ah in uu masuuliyadeeda si fiican uga soo bixi karo ayay ka aamintay. Ninkani in uuna ahayn mid wacad ka bixi kara ayay isku qancisay. Daacad iyo kalsooni buuxda ayay siisay.
Haddaba jabba waa ka danbeeyee siday sheekadii meel fiican u maraysay ayaa qalbi xab xab mar labaad arrin lama filaan ahi ku dhacday. Awal haddii ay daqiiqad walba wada hadli jireen imika sidii maaha oo gaabis badan ayay xaggiisa ka dareentay. Maalin..laba… saddex cisho weeye inta aanu lana soo hadal kana soo war helin. Yaab iyada oo dhabannada gacanta haysa dhinacna ka naxsan oo is leh malaha wax baa ku dhacay ayay garaacaysaa telfoonkiisii gacanta.

Telfoonkii kamuu qaadin. Werwerkii ayaa haystay dhowr cisho taas oo uu markii danbe aayar uu ku cudurdaartay in uu mashquul ahaa oo hawluhu ku fara badnaayeen!
Wali hawshii ayuu ku jiraa oo sidii uu awel u ahaa uma aha qalbi xabxabna dulqaad ayay weheshatay.

Qalbi xab xab waxa ay ku calaalaysaa oo ay leedahay ma aniga ayaa nasiib xun oo ragga geesiyada ahi I baal maraan? ma ragga imika ayaa u badan qaar daacadnimadii ka tagay? gaabisku ma xaggaygaa oo anigaan kalgacaylka sii wadidiisa awood u lahayn? Ma dunidii ayaa is baddashay oo ku arkay ku jantay kaa xiiso dhacay noqotay? Ma…
Su’aalahan oo dhan cid uga jawaabta ayay wayday qalbi xabxab.

Comments

Popular posts from this blog

Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Bella Ciao: astaanta iska caabbinta!

Waqti U Samee!