Aargoosi!
Waa
cadaw wada nool, kama maaranto isna kama tago, adduunka ayay ugu jeceshahay isna iyada ayuu u
necebyahay. Aragtidiisa way ku faraxdaa isna wuu ka naxaa. Maalin iyo habeen
way raadisaa, mar kasta wuu ka gabadaa oo ka dhuuntaa, isaga ayay ku nooshahay,
iyada ayuu ka noolaan waayay.
Haddana
way wada noolyihiin midkoodna ma garanayo goorta ay isku hoy noqdeen iyo sida
uu xidhiidhkooda cadawnimo ku bilaabmay, kaliya waxa ay ogsoon yihiin in ay
cadow isu yihiin haba kala badnaato heerka cadaawadoodu e. Wuxuu ku
garaadsaday iyada oo eryanaysa, iyadna
hooyadeed bay ka baratay sida loo qabto cunahana loogu dhago. Hoygan iyadoo yar
baa la keenay isagu barigaa muu dhalan balse waxa ku noolaa: hooyadii, aabbihii
iyo walaalkii oo ay saddexdoodaba gacanteeda ku dishay.
Wuxu
si fiican u sii xasuustaa dharaartii ay qudha ka jartay hooyadii oo cunto u soo
wada, si wanaagsan buu u arkayay siday u dishay una feenfeenatay illaa ay dhuunta
ku hubsatay. Maalintaas oo dhan wuu murugaysnaa oo qatanaa. Waxa kale oo aan
maskaxdiisa ka bixin maalin uu dagaal ba’ani ka dhex dhacay qoyskiisa iyo iyada
oo lagu dilay aabbihii adeerkii iyo waliba walaalkii. Oo ma maalin u iloobi
karayaa? Wixii dhiig meesha ku daatay, siduu daqiiqad kaliya u waayay
qoyskiisii iyo siday u faraxsanayd markay ka dheregtayba si fiican bay maskaxdiisa ugu sawirran tahay. Hadalladii u
danbeeyay ee aabbihii ku lahaa qalbigiisa ayay ku suntan yihin.
“Aabbo gal guriga!.... Aabbo gal guriga!”,
kalmadahaas oo aan afkiisa ka soo wada dhamaan waa tii qoorta kala maroojisay
iyadoo dusha kaga fadhida.
Maalintaasi
maalin madow ayay u ahayd isaga iyo ilmaadeeradii. Ubad ku nool quudka hadba
loo keeno ayay ahaayeen, in la waalid tiray oo ay maantaba cidlo taagan yihiin
ayay xaqiiqsanaayeen, oohin iyo murug ayay isla dul galuubsanaayeen. Habeenkaas ayay ahayd markii u horraysay ee
ay ogaadeen cadawnimada xoogga badan ee ay u hayso, digtoonidii iyo
feejignaantii ayayna illaa maanta oo sannad ka soo wareegay ku jiraan.
Maanta
se in uu waynaaday oo xoogaystay wuu ogsoonyahay oo waa kaa kaligii-noole
aan cidna u baahnayn noqday, wixii uu ka
itaal roonyahay waa ka isba ku tiiqtiiqsada ee siduu doono ka yeela, marka uu
illaa toban ka itaal yar habeenkii dhuunta mariyo ayuu intuu xoog is bido
yidhaahdaa goormaad iyadana bakhtigeeda ka talaabsan!
Balse
wuu ogyahay in aanay taasi suurto gal ahayn, ma cidbaa uga war roon awooddeeda
iyo intay xoog leegtahay, is gaabinta iyo farsamada ay wax u disho ma cid baa
uga sheekaynaysa sow indhihiisa kumuu arag oo isaga laftarkiisa dhawr cisho may
sigin oo dirqi kaga muu badbaadin.
Isaga
oo ogsoon xeeladaheeda dagaal iyo khibrada soo jireenka ah ee ay u leedahay
dabargoynta wixii la cayn ah isaga, miyuu ku dhacayaaba in uu maalin kaliya hor
istaago.
Caawa
oo dhan foof uu ku maqnaa ayuu isagoo daal bastii ah ka soo hoyday goor habeen
badh ah, afka waxba ma soo saarin oo gaajo darteed ayuu cagaha jiidayaa.
Gurigiisii yaraa ee xumaa ayuu iska huluushay isaga oo aan cidna juuq u odhan,
oo ma cid uu la hadlo ayaaba joogta guriga? Sow kaligii kuma dhex noola meeshan
xun ee madow ee usgaga badan. Hadhaaga ka soo hadha ugaadha uu quuto ayaa
qolkiisa buux dhaafiyay ur aad u qadhmuuna u yeelay!
Tiro
ma leh inta jeer ee uu ku fikiray iskaga guur oo meel nolol dhaanta doondoono.
Waa gurigii uu ku dhashay, ku barbaaray, hooyadii lagu hor xasuuqay, qoyskiisa
badankiisana lagu tirtiray! Iyaduna jaar la tahay. Oo waaba yaabe maxaa
jeclaysiiyay haddaa goobtan halista badan. Bal adba!
Caawa
quus ayuu ka soo istaagay nolosha, gaajada iyo wehel la’aantu waxay galisay
xusuus aad u dheer. Gurigani sida uu ahaan jiray ayuu soo xasuustay, sidii
farxadda badnayd ee loogu wada noolaa intaan hooyadii iyo aabbihii ciida hoos
marin, sida aan habeenna loo qadi jirin iyo siduu caawa u qatan yahay ayuu is
barbar dhigay, sidii la isku weheshan jiray iyo siduu imika cidlada u yahay
ayuu ka murugooday. Halistii in aanay wali dhamaan oo uu mari doono mar ay
noqotaba halkii ay qosyskiisii mareen ayuu garwaaqsaday. Xusuusahan xanuunka
badan qalbigiisa nabar ku yaalay ayay sii dhaawaceen kana dhiijiyeen. Arrin
maalin aan fogayn maskaxdiisa ku soo dhacday ayuu caawa u helay waqti uu ka
fekero, rogrogo isla markaana falanqeeyo.
“Waa
in aad qoyskaagii u aargudaa!”, ayuu intuu giir iska kiciyay kor u yidhi.
Habeenkaas
oo kaliya may ahayn markii uu bilaabay in uu ka fikiro siduu u dili lahaa
iyada, qoyskiisiina ugu aargudi lahaa balse waxay u noqotay joogto oo habeen
kasta marka uu jiifsado isagoo gaajaysan qosolkeedana halkaa ka maqlo ayuu
intuu cadho darteed saro kaco maqsinkoo dhan ku wareega isagoo raadinaya
xeeladdii uu ku khaarijin lahaa.
Sidii
caadada u ahayd caawana wuu ku soo hungoobay wax uu soo quuto, Inta uu dalool
ku beegan hoygeeda isha saaray ayuu fiiriyay, hurdo dheer ayay ku jirtay, waxa
uu mar kaliya isha la helay weel ag yaalay oo ay caano ku jiraan oo markay ka
dharagtay hambo ahaan u reebtay.
Gaajadii
haysay ayuu aad u dareemay markuu arkay caanaha cidlada yaalla, dhareer aanu u
badheedhin ayaa si degdeg ah uga soo daatay, isaga oo aan is ogayn ayuu afar
talaabo qaaday oo isku qaaday dhankeedii iyo halkii caanuhu yaaleen, inyar
marka uu u jiro ayuu hakaday
“Waar
maad waalan tahay?!...Ma naftaada ayaad halaagaysaa?...Hadday baraarugto sow
mar kaliya ku kala jabin mayso?”, ayuu
naftiisii hungurigu qaaday ugu caqli celiyay.
Talo
ayaa ku cadaatay wax uu sameeyo ayuu garan la’ayahay wuxuu taagan yahay meel u
dhaxaysa gurigiisii iyo bartii caanuhu yaaleen iyadna jiiftay.
Talaabo
ayuu hore u qaadaa markaasuu haddana dib u qaada, baqdin darteed ayuu
gariirayaa, gaajo darteedna wuu is hayn kari laayahay, in haddii ay qabato uuna
dib u neefsanayn wuu hubaa, caanaha macaankoodana wuu arkaa. Wuxu kolba
gabbadaba waakan weelkii caanaha isagoo dul taagan is arkay mabuu sugine
markiiba madaxa ayuu la galay markuu
kala badh intii hore ugu sii jirtay weelka gaadhsiiyay ayuu intuu madaxa la soo
kacay isha ku xaday iyadii oo talaabo wax ka yar u jirta weelka caanuhu ku
jiro, mise wali way hurudaa oo khuurinaysaa waliba intuu farxad dhoolla
caddeeyay ayuu madaxii mar labaad muquuniyay
caanihii oo markan u diiday in ay
dhibic weelka ku hadho.
Intuu
xoog u neefsaday oo dibnaha carrabka mariyay ayuu kor u soo kacay isla
markiibana fiiriyay halkii ay ka xigtay isaga oo huba in ay wali sidii u
hurudo. Naxdin waynaa!, waaba meel madhan, oo maba jiifto!
“Oo
bahashii imika uun huruday maxaa la haaday” ayuu kor u yidhi isaga oo fajacsan.
Khatarteeda cidi ugama war roona, oo in ay hadii ay qabato dilayso wuu hubaa caawana
waxaaba u dheer hoygeedii intuu ku soo doontay ayuu waliba caanaheedii ka
laastay. Markiiba hareeraha ayuu eeg eegay hore iyo gadaal ayuu degdeg u
fiiriyay haba ku sheegin waxaan mugdi ahayn ma arag.
Garaaca
wadnihiisa ayaa kor u kacay oo xawli u shaqeeyay, candhuuftii ayaa ka dagi
wayday cunihiisa, mugdi aanu qolka ku ogayn buu waxba ka arki kari waayay.
Markuu ilaa dhowr iyo toban jeer marna gadaal iyo hor eegay marna hareeeraha
eegay oo waxaan meel madow ahayn arki waayay, sanqadha geedaha dibada ay
dabayshu ruxayso mooyee wax kalena maqli waayay ayuu isagoo sanqadha dhowraya
aayar cidhibsaday oo u dhaqaaqay xagii uu gurigiisu ka xigay.
Irrida
laga qalo aqalkiisa markuu marayo ayuu si kadis ah sanqadh u maqlay, degdeg buu
gadaal u fiiriyay waxba arki waa markuu soo jeedsaday mise hadana sanqadhii mid
la mid ah ayuu maqlay, si taxadir leh ayuu madaxii u jeediyay illaa uu si
fiican u arkay wixii daba taagnaa.
Laba
indhood oo aad toosh moodo oo ay galka ka saartay iyo gacan cidiyo dhaadheer oo
ku soo maqan ayuu ku war helay, Isaga oo aan far dhaqaajin ayay sidii guri ku soo dumay gabigisiiba dusha kaga dhacday.
“Uuum,
buquuq!”, cabbaar markii la isla cifanayay ayuu mar kaliya ka hoos siibtay
isagoo dhiig meel walba ka da’ayo, siduu
u ordayay ayuu dalam yidhi aqalkiisii. Intuu neef tuuray ayuu meel aad gudaafad
moodo oo u ah sariir isku dhex tuuray.
Inkasta
oo ay marka horeba habeen badh ahayd, intii ka dhinayd habeenkaa indho iskuma
keenin ee wuxu ka fikirayay iyada iyo mugwaynida colaadda ay u hayso isaga iyo wixii la abtirsadaba.
“Caawa
haddaad ka badbaaday naftaadu halis bay kujirtaa waa inaad ka feejignaataa”
ayuu hoos iskugu sheegay.
Maalintii
xigtay oo dhan wuu hurday gabbalku markuu dhacay ayuu indhaha kala qaaday oo
intuu lugta oo dhaawac ba’ani kaga soo gaadhay weererkii xalay jiiday booqasho
ku tagay guri ay degganaayeen ilmaadeeradii oo u dhawaa.
“Iska
waran inaadeer, caawa ma nabad uun baad u socotaa?!”, ayuu waydiiyay saddex ay ilmaader yihiin
koodii u waynaa oo albaabka ka furay.
“Waar
waa lagu nabad la’yahaye, ma soo dhaafaa kadinka!”, ayuu si lama filaan ah ugu
jawaabay.
Mar
kaliya ayay soo eegeen kii albaabka ka furay maaha ee labadii kale oo ku
fooraray hadhaa xayawaan bakhtiyay. Intuu sidii oday sagaashan sanno jiray taah
ku fadhiistay bay iyaguna soo ag dageen
“Nimanyow caawa wax kale uma socon balse waxa xilligaa
i soo saaray ee aan idinku imiday arrin danteena ah oo in aynu ka wada tashano
ay habboon tahay”, ayuu qudbad u soo muuqata in ay dheertahay ku bilaabay.
Laba
ka mida ilmaadeeradii oo ah labada waawayn isagana da’ahaan isugu dhow yihiin
in waxa Cali caawa wadaa aanu sahlanayn bay ogaayeen oo intay dhagaha sifaysteen si warku ugu duxo soo dhawaadeen
halkii uu fadhiyay, halka kii u yaraa llmaaderadiina hamaansi afka gacanta
saaray.
“Waa
kow”, ayuu ugu war celiyay kii u waynaa.
“Horta
nimanyow waad ogtihiin gurigan aynu ku noolnahay waxa inaga haysta, cunto
xumada ammaan darrada ayaa inagaga daran, oo in ay jiif iyo joogba inoo diiday
waad ka warqabtaan, qoysaskeeniina halkay marisay waad ogihiin, xalayna aniga
ayaa dirqi ku sigtay!” ayuu si cadho leh u yidhi.
“Inaga
oo afar nin ah, miyaynu dili kari waynay oo waalidkeen miyaynu u aargoyn kari
waynay!” ayuu ku soo gabagabeeyay.
Arintan
oo mid wax ku ool ah saddexdodiiba ula muuqatay hadana mid ka jawaab celiya waa
la waayay oo saddexdoodiiba intay madaxa ruxeen ayay foorarsadeen. Cabbaar
markii la kala aamusnaa ayuu intuu sara joogsaday ku yidhi:
“Waa
si fiican, waan idinka filayay tan oo kale in aydaan waxba ila qabanayn waxbana
ku filnayn anba waan ogaa! wadkiina halkaa ku suga! balse anigu caawa ama
iyadaa dhiman ama aniga!”
Ayuu
hadalkii ku soo gunaanaday oo halka albaabka u dhaqaaqay.
“JOOG!
Caliyoow…bal u kaadi!”, ayuu ku amray
mid ka mid ah ilmaaderadii inta uu ka soo daba kacay.
“Waa
runtaa, inaader uma dulqaadan karno intaa in kabadan!”
Heshiis
ah weerar ka dhan ah iyada ayaa habeenkaa bartaa lagu kala saxeexday. Haddaba
xoog hadday noqoto kama xoog wayna, oo saddexdooda iyo in ka badanba mar kaliya
ayay canka dhigi karaysaa balse in xeelad lagu dilo loo baahan yahay bay isla
afgarteen.
Xeelad noocma ah?!,
Xeelad…xeelad… xeelad…Midba dhan buu u fikirayay,
“Fikrad
baan hayaa!”, bay mar kaliya afartoodiba la soo boodeen.
“Aynu
gubno”, ayuu kii u horreeyay soo
jeediyay.
“Waa
fikrad fiican lakin sidee ayaynu u gubnaa?!”
“Habeen
iyada oo huruda ayaynu gubaynaa!”, ayuu yidhi kii u yaraa isagoo kalsooni
muujinaya oo fikradiisa in la qaato raba.
“Hadii
la gubo sow guriga oo dhan guban maayo oo hoy beeli mayno inaguna!”, ayuu kii dhexe ugu jawaabay.
“May,
may jar baynu ka tuuraynaa”, ayuu Cali oo goorahanba aan doodda ku jirini yidhi
“Halkan
guriga agtiisa waxa jira jar aad u dheer, oo qofka ka dhaca aan dib loo arag,
markaa kaas ayaynu ka tuuraynaa?!
In
ay fikradan Cali suurtogal tahay bay isla arkeen balse waxay is waydiiyeen sida
looga tuuri lahaa! Oo ma bahasha xoogga
intaa leeg bay jar ka tuuri karayaan?
Habeenkii
odhan siday u muransanaayeen ayuu waagi dilaacay siduu qorshuhu ahaa ayuuna mid
waliba ku dhaqaaqay.
Waa
subax hore, qorraxdu mar hore ayay soo baxday oo dhulka iftiimisay, iyadu waxay
wali hurudaa furaashkeedii oo yaalla meel ku beegan guriga badhtankiisa. Ma oga
oo kama warhayso in maanta loo tashaday. Cali ayaa soo hor maray isaga oo aan
gabbanayn, way dareentay sanqadha oo intay il kaliya kala furtay oo ay waxba
arki wayday ayay hurdadii ku noqotay.
Mar
labaad buu soo hormaray isagoo qoorta maroorinaya isha intay ku biniinisay ayay
haw ku soo tidhi, orod ayuu miciinsaday way daba oroday iyagoo is daba ordaya
ayaa kadinka islaantii guriga lahayd oo suuqa ka timid sallad ay sidatay la
isla jiidhay!
“Qabo
oo dil dulliga xun, maryihii buu naga dhammeeyoo naftiibuu noo keenee”, ayay tidhi islaantii oo u sacabatumaysa sida
ay u eryanaysay isla markaas khudradii
ay ka daadiyeen iska uruursanaysa.
Oo
isaga dabargoyntiisu sow farxaddeeda maaha, maalin walba waxa ay hilibka iyo
caanaha ugu keentaa waa in aanay xabbadi guriga ku hadhin, balse ma oga maanta
in siday maalin walba ugu tashadaan isaga iyadana loogu tashaday maanta. Wax la
is daba ordaba jarkii ayaa la gaadhay oo uu ka booday, way ka daba boodday oo
ku dhacday bohoshii ay u diyaariyeen balse isagu xadhig ay ilmaadeeradii u
dhigeen buu qabsaday oo ay ka soo jideen markiiba.
Sidii
ayaa lagu nabadgalyeeyay oo ay farxad sacabka tunteen. Taariikh aan hore loo
maqal in ay dhigeen bay is bideen. “Jiirar bisad dilay!”, waligeedba bisadda ayaa jiirka ka adkayd
balse caawa iyaga ayaa hog ku hubsaday!
habeenkii oo dhan damaashaad ayay ku jireen gurigii ayay dhex mushaaxeen meel
walba way galeen, si xorriyad leh ayay wax walba u cuneen.
Islaantii
guriga lahayd habeenkii way ka seexan wayday oo indho isku keeni wayday
sanqadhooda awgeed intay soo kacday ayay u yeedhyeedhay bisaddii haba ku
sheegin se cid la hadasha way wayday.
“Naa
caawa halkay ka dhacday tii baasayd ee bisad ahayd!”.
Markay
quus ka istaagtay doondoonisteedi ayay xaqiiqsatay in ayna caawa joogin guriga.
Markayse ogaatay in aan bisaddi u joogin meel ay ka dhacdayba, iyagii oo aad
mooddo inay soo badanayaanna habeen walba ay ka seexan wayday ayay bisad kale
oo ay saaxiibbo ahaayen tii dhimatay guriga keensatay.
Gabalku
markuu dhacay ayay intay isku soo wada baxeen bilaabeen wax raadiskii iyo
ugaadhsigii, oo miyay warba ka hayaan in caawa cadaw u yuururo guriga
dhexdiisa. Mid hadday dileen malaha in
ay dhammaan wixii bisad dunida kor joogay dabargooyeen ayay is moodeen!.
Habeenkii
oo dhan wax qub- qacdu guriga oo dhan ka dayaantoba subaxii xigay ayay
islaantii oo urtooda sanka iska haysa xashiishka ku dartay maydkoodii oo shan
kor u dhaafay!
FG: Sheekadan
Aargoosi waxa ay ku guulaysatay kaalinta koowaad ee tartan la magac baxay ‘Maantaba Sheeko Keen’ oo ay soo
qabanqaabiyeen ‘Akaaddemiyadda Akhriska iyo Qoraalka ee Himilo’ horraantii
bishii Feebarwari, 2014. Hargeysa, Somaliland.
Comments
Post a Comment