Taylaan: Dhulkii dhoolla-caddaynta!
Afeef: Qoraalkani
waxa uu ku salaysan yahay waxyaabihii aan ku arkay ama maqlay muddo kooban oo
aan ku sugnaa waddanka Taylaan iyo waraysi kooban oo aan la yeeshay gabadh u
dhalatay dalka. Taariikhaha, sawirrada iyo dhacdooyinka waxa aan ka soo xigtay
degel aan qoraalka dhammaadkiisa ku sheegi doonno.
Odhaahdan
‘Taylaan: dhulkii dhoolla-caddaynta’
(Thailand: the land of smile) maaha mid aan anigu sameeyay ama ku cabirayo
dalkan aan dhawaan booqday ee Taylaan balse waa odhaah ku xardhan goobo badan
oo ka tirsan dalkan gaar ahaan magaalooyinka waaweyn iyo goobaha loo dalxiis
tago. Madaarka ayaa ah halka u horraysa ee aad ku arkayso odhaahdan iyada oo
lagu odhanayo: Ku soo dhawoow Taylaan iyo dhulkii dhoolla-caddeynta. Dalka
Taylaan oo loo yaqaano ‘Boqortooyada Taylaan’ waxa uu ku yaallaa Koonfur-bari
Aasiya, wuxuuna xad la leeyahay waddamada: Malaysia, Myanmar, Loas iyo
Combodia. Waa waddanka kontonaad ee
dunida ugu weyn iyo ka labaatanaad ee ugu dad badan. Tiro kor u dhaafaysa 69
milyan oo qof ayaa ku nool. Ereyga ‘Thai’ macno ahaan waa ‘Xorriyad’,
‘Thailand’ –na waxay noqonaysaa dhulkii xorriyadda. Taylaan waa waddanka keli
ah ee ku yaalla koonfur-bari Aasiya ee aan la gumaysan. Hore waxa loo odhan
jiray ‘Siam’ waxaana magaca laga beddelay sannadkii 1949-kii. Caasimadda
Taylaan waa Bangkok. Magaca Bangkok waa magac la soo gaabiyay, magaca saxda ah
ee caasimaddanina wuxuu noqonayaa magaca ugu dheer dunida, sidan ayuuna u
qormaa: “Krung Thep Mahanakhon Amon Rattanakosin Mahinthara Ayuthaya Mahadilok
Phop Noppharat Ratchathani Burirom Udomratchaniwet Mahasathan Amon Piman Awatan
Sathit Sakkathattiya Witsanukam Prasit.” Magacan
aadka u dheer badankiisu waa ammaan la amaanayo magaalada waxaana ka mid ah: ‘’Magaaladii weyneyd, magaaladii malaa’igta,
magaaladii hoyga u ahayd Budha IWM’’.
Ka dib markii in ka badan 20 milyan
oo dalxiisayaal ah ay soo booqdeen caasimadda dalka ee Bangkook, sannadkii 2016
waxa ay kaalinta koowaad ka gashay tobanka magaalo ee loogu dalxiiska badan
yahay iyadoo ka hor martay Landhan iyo Baariis isla markaana noqotay caasimaddii
ugu horraysay ee ku taal Aasiya ee ku guulaysata kaalintan.
Xilli
ku beegan kowdii iyo dhawr daqiiqo ayaan ka dagnay garoonka caalamiga ah ee
‘Suvarnabhumi’ oo sidoo kale loo yaqaano garoonka Bangkok. Garoonkan waa ka ugu
weyn uguna mashquulka badan guud ahaan dalka, waana garoonka sagaalaad ee ugu
weyn Aasiya. Sidoo kale, waa garoonka labaatanaad ee ugu mashquulka badan
dunida. In uu yahay garoon aad u mashquul badan judhiiba waxa aad ku dareemaysa
goob kasta waxa ay kugu qaadanaysaa saacad ku dhawaad (Tusaale ahaan, qaybta hubinta
caafimaadka qofka waxaan taagnayn 45 daqiiqo, qaybta socdaalkana ‘Immigration’
39 daqiiqo). Dadka ugu badan ee garoonka loogu adeegayay waxay u badnaayeen
dadyow ka yimid meelo fog sida (Maraykan, Kanada iyo Yurub) dadkaas oo
badankoodu dalxiis u yimid waddanka. Sidoo kale dadyow kale oo reer Aasiya ah
ayaa garoonka buux dhaafiyay.
Dadka
reer Taylaan dhaqan ahaan gacanta iskama salaamaan laabtana isma galiyaan balse
labada gacmood inta ay isa saaraan ayay wejiga u dhaweeyaan iyaga oo woxoogay
madax hoos u dhigaya. ‘Hadba inta aad madaxa hoos u dhigto waa hadba inta aad
ixtrimaayso qofka aad salaamayso’, sidan waxa ii sheegtay gabadh reer Taylaan
ah mar ay iiga warramaysay dhaqankooda. Dhaqankan gaarka ah ee salaanta ah waa
in aad ku baraarugsanaataa gaar ahaan marka aad waddankan booqanayso markaagii
koowaad.
Sawir muujinaya salaanta ay dhaqanka u leeyihiin dadka Taylaan. Salaantan waxa loo yaqaanaa ‘Wai’ |
Astaanta
Taylaan waa Maroodi sababtuna waa maroodiga oo ay u yaqaanaan noole awood badan
isla markaana meelo badan oo dalka ah ku dhaqan iyo taariikho gaar ah oo uu
maroodigu ku leeyahay dhulkan. Tusaale maroodiga waxa ay u adeegsadeen in ay ku
difaacaan boqorkooda markii ay dagaalka kula jireen Burma. Waxa kale oo Taylaan
ay caan ku tahay deegaan aad u qurxoon oo leh jasiirado kala duduwan oo
qurxoon. Jasiiradahan ayaa ah goobaha ugu badan ee loo soo dalxiis tago dalkan.
Dadka reer Taylaan waxa ay dhaqan ahaan caan ku yihiin wax beerista. Waxa ugu
badan ee ay beeraan isla markaana dhoofiyaan waa bariiska iyo khudradaha kala
duwan. Taylaan waa waddamada ugu horreeya ee bariiska u dhoofiya adduunka.
Diin
ahaan Taylaan waxa aad looga aamminsan yahay diinta Buudhiisamka. Waxa ku yaal
waddanka goobaha lagu cibaadaysto (Temple) kuwooda ugu waawayn dadka diimaha
haysta goobaha ay ku dhaqan yihiin. Magaalo hal saac u jirta caasimadda oo
magaceeda la yidhaa ‘Panthum Thani’ waxa ku yaalla macbadka Buudhiisamka ee ugu
weyn dalka. Waxa goobtan u soo cibaado taga dad ka badan malaayiin sannad kasta
waxaana hal mar ku cibaadaysan kara in ka badan hal milyan oo qof. Waxa kale oo
ku yaal caasimadda macbad kale oo aad u weyn isla markaana cibaadada ka socota
ka sokow ay dad badani u dalxiis tagaan. Diinta labaad ee ku soo xigtaa waa
Islaam halka tiro aad u yar oo Kiristan ahi ku nooshahay. Afka koowaad ee
waddanku waa ‘Thai’. Dad tiro yar ayaa ku hadla afka indhayarta.
Xagga
maamulka waddankan waxaa ka talisa boqortooyo. Boqorka hadda oo magaciisa la
yidhaa Maha Vajiralongkorn, waxa uu xilka la wareegay sannaddii 2016, kadib
markii aabbihii geeriyooday. Aabbihii ayaa xukunka waddanka hayay laga soo
bilaabo 1946-kii. Boqor Bhumibol ayaa xilka kula wareegay da’yaraan kadib
markii walaalkii oo boqor ahaa la toogtay. Boqorkaas oo ahaa boqor waddanka la
soo maray marxalado aad u kala duwan ayaa dadweynuhuu aad u jeclaayeen isaga oo
muddooyinkii u danbeeyayna xaalladiisa caafimaad liidatay. Wuxuu dhintay isaga oo jira 88 sanno. Sida la
igu wargeliyay markii aan ku sugnaa boqortooyada Taylaan gudaheeda arrimaha
boqortooyada aad looma soo hadal qaado, loogama sheekeeyo, baraha bulshadana
lagagama faalloodo sidaas darteed aniga laftaydu waan ka gaabsanayaa intaas
ayaanan ku dhaafayaa arrimaha boqortooyada!
Cunto
ahaan waxay ay aad u cunaan bariiska iyo kalluunka oo loo sameeyay siyaabo kala
duwan. Waxyaabaha aan ka yaabay ayay ka mid ahayd in dadka reer Taylaan ay
bariiska ku quraacdaan, ku qadeeyaan isla markaana ay ku casheeyaan! Cuntada
dalkan oo loo yaqaan ‘Thai food’ waa cunno waddanka gudihiisa iyo dibbadiisa
aad looga cuno iyada oo caan ku ah basbaas iyo dhandhanaan. cuntada ugu caansan
waxa la yidhaa ‘Pad-thai’ waxaana laga sameeyaa bariis sida baastada loo
sameeyay. Badanka waxa lagu sameeyaa cuntadan digaag, kalluun, khudrad ama
cunto badeed kale sida ‘Shrimp’.
Muuqaalka Cuntada ‘Pad-thai’ |
Isma
lahayn weligaa waxa aad la kulmi doontaa tobaneeyo khudradood oo aanad weligaa
arag. Taylaan waxa ay caan ku tahay khudrado kala duwan, qaar iyaga gaar u ah
iyo qaar ay la wadaagaan waddamo kale oo Aasiya ah. Khudradahan oo aad ii soo
jiitay kala duwanaanshahooda iyo dhadhankooduba waxa aan tusaale u soo qaadan
doona dhawr khudradood oo waddankani caan ku yahay.
Pitaya (Dragon Fruit) |
Khudraddan oo laga yaabo in dad badani gartaan
aniga waxa ay ahayd markii iigu horraysay ee aan arko. Khudraddan oo sida la
sheego caan ka ah qaybo badan oo maraykanka ah ayaa sidoo kale waddamo badan oo
Aasiya ahna aad looga cunaa. Pitaya oo sidoo kale loo yaqaano khudraddii
Dragon-ka waa khudrad leh dhawr midab (casaan iyo cadaan). Dhadhan ahaan waxay
u dhowdhowdahay xabxabka.
Mangosteen
waa khudrad caan ka ah goobo badan oo Aasiya ah. Waa khudrad dhanaan iyo macaan
iskugu jirta isla markaan leh nafaqo iyo faa’idooyin caafimaad. Dhadhan ahaan
iyo muuqaalka midhaha khudraddan waxay iila eekaayeen aniga canbaha loo yaqaan
‘Cambe caad-ka’
Durian |
Khudraddan
waxa ay ahayd tii iigu la yaabka badnayd ee aan ku arko Taylaan. Durian sida
khudradaha. kale ee kor ku xusan waxa laga helaa waddamo badan oo Aasiya ah.
Inkasta oo ay khudraddani tahay khudradda ugu urta dheer/xun adduunka haddana
waxa lagu magacaaba boqorka khudrada ‘King of Fruits’. Ur xumada ay khudradani
leedahay waxa ay sababtay in laga mamnuuco guud ahaanba gaadiidka dadweynaha.
Dadku waxa ay yidhaahdaan: waa khudrad ur xun balse dhadhan macaan, balse
urteeda darteed waan ku dhici waayay in aan dhadhamiyo.
Intaanan
cuntada ka bixin yaanan idinka illaawin in ay waddankan caadi ka tahay cunnida
masaska, raha, ayaxa, dirxiga badda iyo dibi-qallooca.
Barnaamijka
aan u tagay Taylaan waxa uu ahaa barnaamij uu qabanqaabiyay urur laga leeyahay
dalkaas oo la yidhaa ‘World Peace Initiative’ loona soo gaabiyo ‘WPI’. Ururkan
ayaa sida magaciisa ka muuqata ka shaqeeya amuuraha la xidhiidha nabbadda gaar
ahaan waxa ay xoogga saaraan nabadda qofeed ama xasiloonida shaqsiga ah. Waxa
ay halhays u leeyihiin ‘qof qalbiggiisu nabdoon yahay baa nabad abuuri
kara’. Mashruuc ka mid ah mashruucyada
ururka oo la yidhaa ‘Peace Revolution’ ayaa uu qayb ka ahaa barnaamijkayagu. Barnaamijka
waxa uga soo qaybgalay 31 dhallinyaro oo ka kala yimid 26 waddan oo Afrika ah.
Barnaamijkan oo la soo qabanayay muddo saddex sanno ah waxa aan noqday qofkii
ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka soo qaybgala. Barnaamijku waxa uu ka dhacay
tuulo ku taal koonfurta Taylaan oo la yidhaa Loe. Guud ahaan waxa uu ka koobnaa
shirar, doodo, muxaadarooyin iyo ‘meditation sessions’.
Muuqaal
soo koobaya dhacdooyinkii barnaamijka halkan ka daawo: https://vimeo.com/253593948
Degelada
ururku ku leeyahay barta internetka: https://wpifoundation.org/
iyo https://peacerevolution.net/
Muna
Axmed Cumar (Mullaaxo)
Tixraacyo:
1.
https://www.tourismthailand.org/About-Thailand
2.
https://www.slideshare.net/patpataranutaporn/thailand-the-exotic-inspiration
3.
Wareysi gaar ah,
Fenz: gabadh u dhalatay Taylaan.
Comments
Post a Comment