Kaaf iyo kala dheeri!



Waagu marka uu iftiimo ayay ka baxdaa gurigooda una jarmaaddaa goob shaqo oo ay ka shaqayso. Shaqadeedu waa joogto waliba waxa u dheer siminaarro ay wiiggiiba laba jeer ka qayb gasho. Galinka danbe waxa ay waxbarasho u aaddaa jaamacadda iyadoo ku jirta sannadkii u danbeeyay.

Hammigeeda iyo himiladeeda waxbarasho waxa ay gaadhsiisan tahay meel fog. Waxa ay hiigsanaysaa meel dheer, in badan bay waxbarashadan wadiddeeda ku samirtey, saaxiibaddo badan oo dheega ay isku hayn jireen way ku cidleeyeen socodkan iyo hayaankan dheer. Waxbarashada marka ay dhammayso shaqo tan ka wanaagsan  oo ka mushahar badan ayaa maankeeda ku jira “Galin hore iyo ku danbeba waad shaqayn, oo doollarkaa ku daba carari”, ayaa maskaxdeeda ku qufulan.

Tacab iyo dadaal in ay nolosha sareedadeedu ku timaaddo, horumarka  iyo hore u socodkana in ay gacanteeda ku keensan karto ayay aamminsantahay. Dhayal iyo guri iska fadhi bari hore ayay dhinac iskaga tuurtay inannimo iyo hawlihii guriga hadday noqoto wax karin, wax dhaqid, iyo  wax nadiifin toona xaafaddoodu kuma hallayso. Oo miyay garanaysaa baa ka horraysa?! Waligeed fijaan sii jeeda may soo jeedin koob shaah ahna dabka may saarin, miyay haleelaysaaba?! sowtan ku mashquulsan akhriska iyo muraajacada duruusta iyo hawl maalmeedkeeda la xidhiidha shaqadeeda.


Da’dii habluhu ku guursan jireen way gaadhay, balse ma hadal hayso. Hooyadeed dhawr jeer ayay kula talisay in ay nolol reernimo iska samaysato balse waxba kamay hoos qaadin oo guur, xaas iyo carruur midnaba niyadda kuma hayso qorshaheeda mustaqbaleedna uguma jiraan.
Saddex sanno ayaa laga joogaa waagii ay jaamacadda dhammaysay. Rajadeedii iyo riyooyinkeediina Ilaahay baa u rumeeyay. Galin hore iyo ku danbeba waa ay shaqaysaa oo waxaabay noqotay masuulka ugu sareeya goobta ay ka shaqayso. Nolosha ay ku jirtaana waa tii ay waligeedba u heellanayd kuna riyoon jirtay baabuurta ayay kala badashaa malaha doollarkuna waa buu dabo cararaa!

Maanta ayay haddaba riyadii hooyadeedna rumaynaysaa. Waa maalintii meherkeeda waxa laga yaabaa in aad is waydiiso oo sowtii guurka necbayd maaha?! wali way necebtahay se hooyadeed ayaa ku qasabtay oo wax ay la daba socoto oo ku adkayso guurso maanta ayay ku qancisay in ay xaas noqoto oo hoy iyo guri yagleesho. Hooyadeed iyo aabbaheed baana qorshahaas oo ay muddo wadeen dhammeeyay.

Wiil ay ilmaadeer yihiin oo adeerkeed dhalay baa la go’aamiyey in laysku daro. Wiilku waxa uu ka yimid Kanada, halkaas oo uu jaamacad ku soo dhammeeyay kana shaqayn jiray balse ugu danbayntii go’aansaday in uu waddanka u soo guuro reerna ku yeesho. Inta uu guri ka dhisto magaalada ka dibna gabadh guursado ayuu qorshihiisu ahaa se gabadh noocee ah baa tolow ku jirtay maankiisa “Gabadh dabeecad wanaagsan, diin leh, oo gurigeeda aan ka bixin, ciyaalka si fiican korintooda ugu heellan oo waqti badan siisa, isagana daryeelka ugu roonaata!” Markii se lagu yidhi inaadeertaa baa lagu siinayaa hadalba ka muu soo celin, oo miyuu ka soo celin karayaaba sow ceeb kumay noqoteen canaana looma raaciyeen.

Balse waxay  su’aashu tahay ma tahay gabadhii uu maanka ku hayay?. Ma ogyahay in inta uu xaafadda ka maqnaan doono in la mid ah ay iyadna ka maqnaan doonto shaqo awgeed? Ma ogyahay in ay tahay masuul sare oo aan daqiiqad soo wacidda telefoonkeedu joogsanayn? Ma ogyahay in ayna shaqada guriga ka dhago la’dahay oo aan ay cunto haba yaraata ee u samayn karayn? Ma ogyahay in ayada laftigeeda guurkan gabigiisaba lagu qasbay oo aanay diyaarba u ahayn? Ma ogyahay in ay himiladeedu tahay uun shaqayso oo qayrkaa dhaaf? Mase ogyahay se in aanay waxba ka garanayn xuquuqda dadka is qabaa isku leeyihiin iyo waajibaadka gabadha saaran toona?!

Oo maxaa ogaysiiyay waxan  oo dhan miyuu ka filayaaba sidan oo kale gabadh waddankii ku dhalatay kuna barbaartay halkaasba waxa uu uga soo cararay sow tan oo kale may ahayn. Adigu wax kale kuma garatide waaba kaaf  iyo kala-dheeri!  Laakiin wakhtigaa ku simi oo danba way isku baran.
Bilowgii noloshooda qoysnimo iyo bilihii hore cuseybka awgii midna ka kale ma tusin dabeecaddiisa dhabta ah iyo rabitaankiisa habka qoysku u dhaqmayo.

Ixtiraam iyo dulqaad buuraha ka culus baa mid ba ka kale u hayey oo haye iyo hawraarsan uun baa laysugu hal celinayey. Isagu shaqada inay iska sii wadato inta aan carruuri soo kordhin intii ay aqalka ku dhex cidloon lahayd buu u oggolaadey. Iyana maalinta ay fasaxa tahay madbakha wey gashaa oo inanta u shaqeynaysa ayuun bay u wehel yeeshaa indhahana ka daawataa farsamada cunto karinta ilayn iyadu karin kari maysee, isna waabu ku farxaa markay galin horeba soo hordhigto iyadoo diyaarsan!

Sannad ayaa ka soo wareegtey habeenkii loo mushxaradey ee nin iyo xaaskii ay isku noqdeen. Imikana guriga kali kuma aha ee inankooda curad baa ku weheliya oo ku soo biirey laba biloodna jira. Haatan midiba ka kale wuxuu tusey dabeecaddiisa dhabta ah oo kala duwaanaanshihii awalba la huurinayey ayaa ifka u soo baxay. Sidii isagu rajaynayey marka ay hooyo noqoto shaqada way iska joojin ayaa u rumoobi weyday oo bishan ba shaqadeedii wey ku kallahdaa, ilmahana guriga iyo gabadha u shaqeysa ayey kaga tagtaa.

Aqoon la’aantii shaqada guriga ka haysayna wuxuu ogaadey mar inantii u shaqeynaysay todobaad kaga maqnayd xaafaddoodii oo ay si cad ugu sheegtay in hawsha madbakha in isagu ku dhaamo ay dhici karto! Cajiib! Todobaadkii inantu reerka ka maqnayd miyaan raashinka gabigiisana hudheel u dhawaaa lala macmiil noqon. Wuu u sheegay in sida ay wax u wado iyo sidii uu ka rajaynayey shaqo isku lahayn, laakiin cidba dhag jalaq uma ay siin waliba waxa ay u sheegtay in guurkaba Adeerkii iyo Aayadii (Hooyadeed iyo Aabaheed) ku qasbeen ee aanu go’aan iyada ka yimi ahayn.
Arrintan soo korodhay wuxuu tiraba dhawr jeer u sheegay aabbihii iyo hooyadii, laakiin aabbihii oo xeerinaya walaalkiisa ay xididka noqdeen baa dulqaad faray, se hooyadii arrintani ma ay cajab galin wayna ka murugootay hab dhaqanka inanta ay aayada u ahaan jirtey ee ay imikana soddohda u tahay. Intaas uun maahee waxay ciil iyo cadho u qabtaa dumaashigeed iyo gabadhiisa oo ay qabto in ay u qariyeen hab dhaqankan foosha xun ee inantooda.  Inkasta oo aanay shaacin waxay haddana jeclaan lahayd in lakala dhaqaaqo ba.

Dudmo joogto noqotey iyo ergo dad badani galleen oo lixdan bilood ee ugu dambeeyey soo taxnayd ayey ugu dambayntii go’aansadeen in ay kala tagaan oo aqalkan sii waaridiisa ay isla fahmi waayeen albaabada u laabaan. Waa go’aan oo talo iyo wax weydiin midna laguma marti qaadin reerihii ay ka soo kala jeedeen ee ogaysiin uun baa loola tagay.

Maanta ayaa maxkamadda degmada horteeda oo ay goob joog ahaayeen ehelo iyo asxaabi waxa ay ka hor qirteen in ay isfureen oo bannaanka la kala maro. Wiilkii iyadaa oggolaatey in ay korsanayso, isaguna inkasta oo uu aad ugu doodey in uu isagu koriyo wiilka oo iyada aanu ku ogeyn dhaqan hooyonimo oo ilmaha si fiican u daryeeli kara haddana cidi kama dhurin hadalkoo mudnaanta hooyanimo awgeed waxa garsoorihii dacwada qaadayey shaaciyey in ilmaha hooyadii haysanayso isagana wuxuu ku amrey in aanuu kala habsaamin bil kasta lacagta daryeelka ilmihiisa, waana laga saxeexay iyadoo waliba la cayimay xaddiga lacag ah ee bil kasta laga rabo.

Kaaf iyo kala dheeridii guriga lagu dhisey kala tag uun muu keenine waxa colloobay qoysaskii ilmaadeerta ahaa ee labada walaalaha ahi odeyadda u ahaayeen oo booqasho daayoo dhibaatadda layskama gargaaro. Wiilkii isaga hooyadii iyo aabbihii kala tageen waxa dhabarka u ridatey ayeeydii hooyo oo daryeel ka balaadhan kuu heli jirey intaan gurigoodu dumin buu helaa.


Hooyadii waxay wali halgan ugu jirtaa ka dhabaynta hammigeedii in ay meel sarre ka gaadho shaqada ahaa, aabbihiina qurbihii iyo noloshii uu guurdoonka uga soo hayaamay buu ciilkii dib ugu noqdayoo barafkii buu isaga dhex raftaa.

Comments

Popular posts from this blog

Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Bella Ciao: astaanta iska caabbinta!

Waqti U Samee!