Lama Filaan!


 ‘Hargeysa, 2001’

Qaylo, buuq iyo oohin ayaa si is daba joog ah ugu soo dhacayay dhageheeda markii ay ku soo socotay xaafadda saxiibadeed Caasha, iyadoo codka qaylada iyo buuqu marba marka ka danbaysa uu kordhayay.
Naxdin buu Ilaahay isugu keenay Hodan kadib markii ay soo gaadhay gurigii ay degganayd saaxiibadeed Caasha oo ay isku xaafad ahaayeen balse ay waxoogaa kala durugsanaaayeen. Hodan oo aad u yaaban su’aalo fara badanna is waydiinaysa ayaa soo gaadhay irrida laga galo aqalka. Daarada guriga waxa buux dhaafiyay dad dumar u badan, iniba meel bay taagan tahay, qaar hawlo ayay ku mashquulsan yihiin, waxa kaliya oo ay ka siman yihiin dhammaan wajiyadooda murugo badan ayaa ka muuqata.
Isla markii ay guriga ay soo gashay Hodan waxay isha ku dhufatay koox haween ah oo ku uruursan ruux dumar ah oo aad u barooranaysa una qaylinaysa. Yaab!  Dhinaca ay eegtaba waa qof ooyaya. Qof ay wax waydiiso ayay garan wayday dadka oo dhan si bay u yaaban yihiin haddana u mashquulsan yihiin waxaad mooddaaba in aanay waqti  u hayn qof  inay u jawaabaan.

In muddo ah ayay sidii qof waalan dadka dhex wareegaysay oo yaabanayd, qof ay la hadashana garan la’ayd. Markii ay ku dawakhday dadkii badnaa ee is dhaaf dhaafayay ayay markii danbe is dul taagtay ruuxii dumar ahaa ee lagu uruursanaa ee ay ugu horrayntii markay guriga soo gashay isha ku dhufatay. Haweenka dul taagnaa oo badnaa dartood waxa ay awood u wayday in ay aragto qofkan sida murugada badan u ooyaysa. Wax ay dadkii cidhiidhsataba waxa ay aragtay Caasha hooyadeed Xaliimo oo ay ilmo qoysay maryaheedii. Hodan afka ayay kala qaaday waxay tidhaa ayay garan wayday waxa ay u fiirsatay hadalada ka soo yeedhaya hooyo xaliimo.
Alla jabayeey!...way hooyo Caashaay!... way gabalkay dunyeey!
Anfariir baa Hodan qabsaday, waxay qaadday shoog. Waxa ku adkaatay neeftii, meel ay joogto ayay garan wayday. Iyada oo isla maqan ayay islaan agteeda taagnayd waydiisay.
Hooyo! Caasha maxaa ...Caasha maxaa ku dhacay?!”
Hadalkii baa ku dhagay
MeedayCaashi?... Maxaa helay?!


Ayay ku celcelisay iyadoo aan is ogayn. Islaanta oo si fiican u taqaanay  Caasha iyo Hodan sida ay saaxiibka u ahaayeen ayaa ku dheygagtay wajiga Hodan iyo ilmada indhaheeda ka qubanaysa. Kadibna dib u xasuusatay sida ay u ahaayeen saaxiibbo is jecel, isku naxariista, isku kalsoon, midba midka kale la farxo waqtiga farxada lana murugoodo waqtiyada adag.
Wali Hodan waxay ku qaylinaysaa islaanti, islaantiina wax jawaab ah uma celin. Caasha habaryarteed ayaa ka war heshay islaanta iyo inanta isla jahawareersan kadib intay xaggooda u soo dhaqaaqday oo Hodan gacanta qabatay u kaxaysay qol cidlo ah kadibna si deggan ugu bilowday  hadalkii:

Hooyo Hodaneey wax walba Ilaahay ayaa qoray oo innagu wax aynu ka qabankaraynaa  ma jirto!”, si naxariis leh ayay kalmadahaa caqli celinta ah u dhugatay Hodan.
Qof walba oo dunida guudkeeda joogaa wuu dhimanayaa goor ay noqotaba!” ayay raacisay kadibna hadalkii inta ay yar kala goysay ayay illin fara badani indhaheeda soo buuxisay. Kalmadahan ku dhawaaqistooda aad ayay ugu adag yihiin Caasha habaryarteed gaar ahaan u sheegista Hodan oo ahayd saaxiibadda kaliya ee Caasha.
Caasha  habaryarteed intay calool adeyg muujisay bay tiri “Caashana hooyo wadkeedii baa galay oo way geeriyootay!!
Intaas markii ay Hodan dhageheeda ku soo dhacday baa miyir iyo maan ugu danbaysay!
Alla bisinka inanta maxaahelay biyo u keena!...”
Caasha Maxamed waxay ku dhalatay oo ku barbaartay magaalada Hargaysa, waxay la dhalatay toddoba carruuur ah oo ay u waynayd. Aabbaheed wuxu ku geeriyooday shil baabuur markay da’adeedu ahayd toban sano. Caasha waxay ka dhalatay qoys aad u danyar nolol maalmeedkooduna aad uu cidhiidhi u yahay.
Hooyadeed Xaliimo waxay ka mid ahayd dumarka suuqa ku gada qudaarta taas ayaana u ahayd isha dhaqaale ee kaliya ee qoyska reer Maxamed quutaan iyadoo ku kabi jirtay nolol maalmeedka iyo waliba kharashka dugsiyada ubadku ay dhigtaan.
Caasha waxa ay ku kortay noloshaa qalafsan ee aadka u dhibka iyo masuuliyadda badanba leh. Waxa ay isku wadday waxbarasho iyo inay ka war hayso kana shaqayso guriga muddada ay hooyadeed suuqa ku maqantahay maadaama ay ahayd curadda reerka.
Noloshaa adag ee ay Caashi ku noolayd waxay ku dhalisay inay marwalba ka fekerto mustaqbalkeeda iyo kan qoyskooda. Taasi waxay keentay inay caashi dedaal badan kadib hormood u noqoto fasalkeeda iyada oo mutaysatay inay Caashi noqoto ardayad lagu soo hirto xaga waxbarashada iyo xaga akhlaaqdaba.
Ardayda fasalkeeda iyo macalamiintunba aad bay u jeclaadeen Caasha maadaama ay ahayd ardayad ku sifowday akhlaaq wanaag iyo dedaal.
Sidaas ayay caashi ku dhamaysatay waxbarashadii dugsiga hoose dhexe ka dib markii ay natiijo aad u wacan kaga gudubtay imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalada siddeedaad.
Kadib markii ay dhamaystirtay waxbarashadii dugsiga hoose dhexe, Caasha waxay ka mid noqotay ardaydii lagu soo qoray dugsiga sare ee Faarax Oomaar. Caashi marnaba kamay gaabin dedaalkii badnaa ee looga bartay. Waxay sii libinlaabtay dedaalkeedii sidaas ayeey ahayd illaa ay soo gaadhay marxaladdii ugu danbaysay ee dugsiga sare.
Caashi waxay u fadhiisatay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare wuxuna ugu dhammaaday jawi wanaagsan oo farxad leh.
Fasax kooban ka bacdi waxa la gaadhay xilligii lagu dhawaaqi lahaa natiijadii imtixaanaadkii waxana dhammaan Telefishanada iyo Raadiyayaasha dalka laga shaaciyay in berri subax arday walba diyaar ku ahaado dugsigiisii si uu helo derajadiisi.
Cadceeddu markay godkeeda ka soo baxday falaadhaheedana gaadhsiisay oogada dhulka, Caasha oo goorahanba ku hawlanayd samaynta quraacda ayaa markii ay dhamaysay toosisay Farxiya oo ahayd inanta dhalasho ahaan ku xigta, kuna ballamisay inay quraacda usii qaybiso ciyaalka maadaama ay maanta hore u baxayso.
Shalmad halkan taalay intay garbaha saaratay ayay abaartay gurigii saxiibaddeed Hodan.
Hodan oo irrida ku hor sugaysay ayay salaan ka bacdi waddada tagta dugsiga cagta saareen. Caasha iyo hodanba aad ayay u naxsanaayeen,  waxay socdaan oo ay waddadu la dheeraataba waxay soo gaadheen irrida wayn ee laga galo dugsigooda.
Arday aad u tiro badan oo wiilal u badan ayaa ku xoonsan goobta ay natiijadu ku dhagsantahay dhammaan hablaha kale ee fasalka oo ay Caasha iyo Hodan ka mid yihiiin waxay jaanis u waayeen in ay natiijo daaye xaashida caddaankeeda baal saaraan.
Waxay geed yar oo halkan hoos taagnaadaanba, waxa yaraaday buuqii waxaana goobtii ku soo hadhay dhawr qof. Mar kaliya ayaa loo wada baratamay halki ay natiijadu ku dhagsanayd. Caasha waxay markiiba nasiib u yeelatay in ay ka mid noqoto ardaydii sida tooska ah u hor istaagay warqadda. Waxayna isla markiiba bilowday inay magaceeda ka dhex raadiso dhawr waraaqood oo si qaab daran meesha ugu dhagsanaa.
Waxay ardaydii eeg eegaanba Hodan ayaa si kedis ah isha ugu dhufatay magaca saaxiibadeed Caasha Maxamed Geeddi, waqtiba iskamay lumin ee waxay markiiba isha la raacday natiijooyinkii maaddooyinka illaa ay gaadhay natiijadii guud ee isku gaynta.
Naxdin iyo af kala qaad baa Hodan qabsaday “Malaha dhab maaha!” Haddana eegmada ayay ku celisay mar labaad warqaddii. Gow! wax iska baddalay ma jiraan. Hodan waxa ay fiirisay Caasha oo barbarkeeda taagan oo wali iyadu ku mashquulsan baadhitaanka natiijadeeda.
Hodan talo ayaa ku cadaatay wax alaale wax ay samayso ayay garan wayday waxay hilmaantay inay eegato natiijadeedii. Iyadoo Hodan wali sidii u taagan farna aan dhaqajin ayey Caashi mar kaliya isha ku dhufatay magaceedii kadibna si xiiso leh u eegtay natiijadeedii.
Gag! “Macquul maaha!... ma dhici karto!... tani maaha natiijadaydii!”, ayay Caashi kor ugu dhawaaqday iyada oo aan Is kala ogayn miyirkeeduna maqan yahay Inta ay indhaha marmartay ayay mar kale dib u eegtay warqaddii. Haba sheegin! Caasha waxa sida xabbad ololaysa oo wadnaha ka gashay oo kale ku noqotay natiijada loo soo dhajiyay oo ahayd tan ugu hoosaysa (F).
Hodan oo wali naxsan ayaa Caasha oo isla hadlaysa naxdin darteedna jidhka oo dhami gariirayo, intay gacanta qabatay ka dhex kaxaysay buuqii. Waxay sii luudaanba waxay soo gaadheen guriga Caasha. Caasha hooyadeed oo isla markaas uun ka timid suuqa oo qado u saaraysay dabka ciyaalka kahor inta aanay dugsiga ka imaan ayaa ku warheshay inanteedii Caasha oo garbaha la ahayo ilmo badana indhaheeda ka qubanayso.
Hooyo Xaliimo intay naxday oo ay ka dul booday dharigii ay karinaysay “Alla bisinka maxaa dhacay hooyo?!”, ayay Hodan oo foorarsan ku tidhi.
Balse labadooda mid toona umay jawaabin kadib markay fadhiisteen biyana loo keenay ayay Hodan hadalkii bilowday oo tidhi:
Hooyo sidaad ka warqabto saaka waxay ahayd maalintii lagu dhawaaqayay natiijooyinkii rasmiga ahaa ee imtixaankeena
Haye
Kadib markaanu tagnay saaka dugsiga ee lasoo dhajiyay natiijadii waxaanu ogaanay wax run ahaantii naga yaabiyay aniga iyo Caashaba….waxa la soo dhajiyay inay Caashi wayday imtixaankii!!!
Naxdin iyo amankaag! Caashaba waxa ka dartay hooyadeeed oo markii ay intaas dhagaheeda kuu so dhaceen qaylo miciinsatay illaa ay jaarkii oo dhammi isku soo baxeen.
Maalintaas Caasha waxay u ahayd maalin aad u xanuun badan oo lama filaan ah. Waxay ka go’day cuntadii oo waxba jidiinkeeda way ka dagi waayeen.
Gabalku markuu dam yidhi cadceedduna hogeeda gashay qof walba oo xaafadda ka mid ahina u huleellay furaashkisii iskuna diyaariyay hurdo, Caasha inta ay dul fadhiisatay furaashkeedii ayay fikir hor leh bilowday iyada oo ka fikiraysa waayaha aduunyada iyo halka uu ku danbayn doono mustaqbalkeedu maadaama uu dhaawac wayni soo gaadhay habsami u socodkii nolosheeda.
Caashi waxay habeenkii oo dhan ka fikiraysay nolosha ay ku soo kortay illaa haddana ay ku nooshahay waxay dib u xasuusatay siday ugu wanaagsanayd waxbarashada, sida ay ugu fikiri jirtay inay noqoto qof ka midha dhaliya himmiladiisa, iyo xusuuso kale oo midba midka kale ka xanuun badan yahay ayaa si is daba joog aha maskaxdeeda ugu soo dhacayay una diiday jiif iyo joog.
Waxa ku sii batay murugadii illintii indhaheeda ka qubanaysay waxay qoysay dharkeeda oo idil.
Markuu sheekhu addimay subax hooyadeed oo u kacday salaadda ayaa aragtay qofka furaashka dul yuuruura misana ooyaysa intay si naxariis leh u egtay ayay meel agteeda ah labo ragcadood ku tukatay kadibna u ducaysay.
Qof iyo geed markii la kala gartay qorraxdiina  soo baxday qof walba oo qoyska ahi waxa uu ka baxay albaabka. Nolol maalmeedkooda ayaa sidaa ah, dhammaan ciyaalku dugsiga ayay aadaan hooyadeedna suuqa. Caasha hooyadeed oo ka werwersan xaaladda inanteedu ku sugan tahay  ayaa ugu danbeysay oo kadinka ka baxday.
Caasha iyadu xaalkeedu ma wanaagsana halkay shalay duhurkii ku kala dhacday ayay wali jiiftaa inta ay soo sare kacday ayey u soo dhaqaaqday xagii daaradda iyada oo aan garanayn meel ay ku socoto. Sidii ay u soo socotay ayay soo gashay buul yar oo xaafaddoodu madbakh ahaan u isticmaali jireen kadib markii ay soo gashay waxay isla markiiba isha ku dhufatay faynuus meel horteeda ku beegan yaalay inta ay ku booday faynuuskii ayay wixii gaas ku hadhsanaa isku foorararisay kabriidna isu raacisay BUL!
Iyadoo oo ololaysa ayay buulkii qaylo kaga so baxday. Islaan usoo wareegtay reerka ayaa aragtay inanta ololaysa inta ay naxday ayey u oroday xagii foostada biyuhu taalay, jeeg intay buuxisay ayay Caasha oo qaylinaysa dusha kaga keentay. Kadibna Caasha waxa ay ku hor dhacday guriga hortiisa waa ay tamar beeshay qaarka sarena xoog ayay uga gubatay gaasta oo u badnayd awgeed.

Mudo shan daqiiqo ah caasha wax dhaqdhaqaaq ah waa laga waayay dabka oo xaga sare u badnaa iyo biyihii oo diirka si xun uga saaray ayaa sababay inay Caashi awoodi waydo inay sii noolaato. Sidaas ayay Caasha Maxamed ku geeriyootay waxayna ahayd geeri aad u naxdin badan oo murugo ku reebtay qalbiyo badan.

Comments

Popular posts from this blog

Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Bella Ciao: astaanta iska caabbinta!

Waqti U Samee!