Dagaalkii Kabaha




Labada shirkadood ee ADIDAS iyo PUMA oo ka mid ah shirkadaha adduunka ugu caansan ayaa waxa kala aas'aasay laba nin oo walaalo ah oo lakala odhan jiray Adolf Dassler iyo Rudolf Dassler. Waxa ay ka dhasheen qoys faqiir ah oo ka soo jeeda Jarmalka. Aabbahood waxa uu ka shaqayn jiray warshad kabaha samaysa hooyadoodna dharka ayay maydhi jirtay. Sidoo kale qoyskoodu waxa ay guriga ku samayn jireen dacas si ay uga soo saaraan quuto daruurigooda. 1920-kii Adolf iyo Rudolf waxa ay furteen shirkad yar oo soo saarta kabaha ciyaaraha taas oo ay u bixiyeen (Dassler Brothers Sport Shoe Company).


Adolf Dassler waxa uu ahaa farsamayaqaan ku fiican nashqadaynta kabaha. Walaalkii Rudolf-na waxa uu ahaa suuq geeye aan laga daba hadal. Muddo markii ay shaqaynayeen waxa u suurtogashay in kabihii shirkadooda uu xidho kuna ciyaaro ciyaaryahankii waynaa ee Jesse Owens. Ciyaaryahankii kabahooda ku ciyaaray waxa uu sannadkii 1936-kii ku guulaystay afar biladood oo dahab ah, tani waxay siisay shirkadii walaalaha magac wayn. Guushoodii kadib waxa xumaaday xidhiidhkii walaalaha taasoo ugu danbayn keentay in ay shirkadii ay wada aas'aaseen ku kala baxaan. 

Dagaalkii labaad ee adduunka ka dib labadii nin ee walaalaha ahaa waxa ay kala furteen laba shirkadood. Adolf Dassler waxa uu furtay Adidas (isagoo u soo gaabiyay magaciisa AD iyo ka qoyskiisa DAS). Rudolf ayaa isna shirkad kale oo kabo furtay isagoo u bixiyay RUDA (Isna sidoo kale magaciisa iyo ka qoyskiisa ayuu u soo gaabiyay). Rudolf wuxuu markii danbe u bixiyay shirkadiisii PUMA. 

Labadii shirkadoodba si isku mid ah ayay u hanaqaadeen waxaanay shaqaalaysiiyeen shaqaale aad u tiro badan. Dadyowga degganaa magaalada ay labada shirkadood ku yaaleen Herzogenaurach, waxay ahaayeen uun laba mid: qaar u shaqeeya ADISAS iyo qaar u shaqeeya PUMA. 

Adolf iyo Rudolf-ba waxa ay dhinteen 1970-nadii iyagoo oo aan weli heshiinin oo col ah. Dhimashadoodii kadib shirkadihii way jireen illaa maantana waa laba shirkadood oo adduunka magac ku leh. Indho ganacsi marka lagu qiimeeyo waxa guulaysatay shirkadda ADIDAS iyada oo ay u shaqeeyaan tiro dhan 39,000 oo qof halka PUMA ay uga shaqeeyaan 9,000 oo qof. 




Tixraac: https://www.youtube.com/watch?v=HCzB7ou6Rig


Comments

Popular posts from this blog

Jacaylkii Dhallaanimo: Indhodeeq

Bella Ciao: astaanta iska caabbinta!

Waqti U Samee!