Posts

Huteelkii badbaadiyay kunka qof!

Image
Huteelka caanka ah ee Des Milles Collines ee ku yaalla Kigali, caasimada dalka Rwanda waa hoteelkii magan-galyada siiyay tiro ka badan kun qof oo ka soo firxaday xasuuqii ba’naa ee ka dhacay Ruwaandha 1994. Maamulihii huteelka Paul Rosasabenga oo ahaa Hutu ayaa magangeliyay xaaskiisa oo Tutsi ahayd iyo kumanaan kale oo Tutsi ah. Iyada oo huteelka agagaarkiisa iyo guud ahaanba magaalada lagu gummaadayay dadyowga Tutsiga ah haddana waxa uu maamulahaasi halgan u galay badbaadada nafahaas huteelkiisa hadhsanayay waanu ku guulaystay. 

Xasuuqii Ruwaandha!

Image
Mid ka mida xasuuqyadii ugu darnaa ee adduunka ka dhacaa wuxuu ka dhacay Ruwaandha sannadkii 1994-kii kadib markii maleeshiyaad iyo siyaasiyiin ka soo jeedaa qabiilka Hutuga ahi amreen In la dabargooyo Tutsiga. Xasuuqu wuxuu bilaabmay maalin kadib markii shirqool lagu dilay madaxweynihii Rwanda ee waagaas Juvenale. 7-dii Abriil 1994 kii ayuu xasuuqu bilaabmay waxaanu dhammaaday badhtamihii Julaay. Muddadaas 100 ka cisho lagu qiyaaso waxa la dilay dad ka badan hal milyan oo Tu tsi ah iyada oo badankooda lagu dilay faash iyo baangad. Waxa sidoo kale la fadhataystay isla markaana la gubay guryihii ay degganaayeen. Waxa la kufsaday isla markaana tacadiyo jinsi loo gaystay in ka badan 250 000 oo dumar. Waxa xasuuqaa ku nafwaayay boqolkiiba todobbaadan 70% ruux oo Tutsi ah. Dadka la xasuuqay waxa ay isugu jireen rag, dumar iyo ciyaal.  

Istanbuul: Magaaladii Labada Qaaradood Ka Dhaxaysay

Image
  Istanbuul @GettyImages Magaalada Istanbuul oo waagii hore loo yiqiin (Constantinople) waa magaalada ugu dadka badan, dhaqaalaha badan, ugu hodansan dhinaca sooyaalka guud ahaan magaalooyinka ku yaal dalka Turkiga. Istanbuul oo ah magaalo ku taalla laba qaaradood (Aasiya iyo Yurub) ayaa waxa ku nool tiro ka badan 15+ Milyan oo ruux. Tani waxa ay ka dhigaysaa mid ka mida magaalooyinka ugu dadka badan dunida iyada oo kaalinta afaraad ka galaysa adduunka isla markaana ka dhigaysa magaalada ugu wayn uguna dadka badan Yurub. Istanbuul waxa ay dhexda ugu jirtaa laba badood (Badda Madow iyo Badda Marmara). Taariikh ahaan magaalada Istanbuul waxa ay leedahay sooyaal fac wayn oo dhereran illaa 660 (dhalashadii Ciise ka hor) xilligaas oo lagu tilmaamo markii si rasmi ah loo deegaameeyay magaalada iyada oo dadyowgii ugu horreeyay ee dega ay ahaayeen Giriig. Intaas kadib waxa la sheegaa in ay magaaladu toos uga mid noqotay boqortooyadii Roomaaniyiinta iyadoo ugu d...

Taylaan: Dhulkii dhoolla-caddaynta!

Image
  Afeef: Qoraalkani waxa uu ku salaysan yahay waxyaabihii aan ku arkay ama maqlay muddo kooban oo aan ku sugnaa waddanka Taylaan iyo waraysi kooban oo aan la yeeshay gabadh u dhalatay dalka. Taariikhaha, sawirrada iyo dhacdooyinka waxa aan ka soo xigtay degel aan qoraalka dhammaadkiisa ku sheegi doonno. Odhaahdan ‘Taylaan: dhulkii dhoolla-caddaynta’ (Thailand: the land of smile) maaha mid aan anigu sameeyay ama ku cabirayo dalkan aan dhawaan booqday ee Taylaan balse waa odhaah ku xardhan goobo badan oo ka tirsan dalkan gaar ahaan magaalooyinka waaweyn iyo goobaha loo dalxiis tago. Madaarka ayaa ah halka u horraysa ee aad ku arkayso odhaahdan iyada oo lagu odhanayo: Ku soo dhawoow Taylaan iyo dhulkii dhoolla-caddeynta. Dalka Taylaan oo loo yaqaano ‘Boqortooyada Taylaan’ waxa uu ku yaallaa Koonfur-bari Aasiya, wuxuuna xad la leeyahay waddamada: Malaysia, Myanmar, Loas iyo Combodia.   Waa waddanka kontonaad ee dunida...

Lama Filaan!

Image
 ‘Hargeysa, 2001’ Qaylo, buuq iyo oohin ayaa si is daba joog ah ugu soo dhacayay dhageheeda markii ay ku soo socotay xaafadda saxiibadeed Caasha, iyadoo codka qaylada iyo buuqu marba marka ka danbaysa uu kordhayay. Naxdin buu Ilaahay isugu keenay Hodan kadib markii ay soo gaadhay gurigii ay degganayd saaxiibadeed Caasha oo ay isku xaafad ahaayeen balse ay waxoogaa kala durugsanaaayeen. Hodan oo aad u yaaban su’aalo fara badanna is waydiinaysa ayaa soo gaadhay irrida laga galo aqalka. Daarada guriga waxa buux dhaafiyay dad dumar u badan, iniba meel bay taagan tahay, qaar hawlo ayay ku mashquulsan yihiin, waxa kaliya oo ay ka siman yihiin dhammaan wajiyadooda murugo badan ayaa ka muuqata. Isla markii ay guriga ay soo gashay Hodan waxay isha ku dhufatay koox haween ah oo ku uruursan ruux dumar ah oo aad u barooranaysa una qaylinaysa. Yaab!  Dhinaca ay eegtaba waa qof ooyaya. Qof ay wax waydiiso ayay garan wayday dadka oo dhan si bay u yaaban yihiin haddana u mashquul...

Kaaf iyo kala dheeri!

Image
Waagu marka uu iftiimo ayay ka baxdaa gurigooda una jarmaaddaa goob shaqo oo ay ka shaqayso. Shaqadeedu waa joogto waliba waxa u dheer siminaarro ay wiiggiiba laba jeer ka qayb gasho. Galinka danbe waxa ay waxbarasho u aaddaa jaamacadda iyadoo ku jirta sannadkii u danbeeyay. Hammigeeda iyo himiladeeda waxbarasho waxa ay gaadhsiisan tahay meel fog. Waxa ay hiigsanaysaa meel dheer, in badan bay waxbarashadan wadiddeeda ku samirtey, saaxiibaddo badan oo dheega ay isku hayn jireen way ku cidleeyeen socodkan iyo hayaankan dheer. Waxbarashada marka ay dhammayso shaqo tan ka wanaagsan  oo ka mushahar badan ayaa maankeeda ku jira “ Galin hore iyo ku danbeba waad shaqayn, oo doollarkaa ku daba carari ”, ayaa maskaxdeeda ku qufulan. Tacab iyo dadaal in ay nolosha sareedadeedu ku timaaddo, horumarka  iyo hore u socodkana in ay gacanteeda ku keensan karto ayay aamminsantahay. Dhayal iyo guri iska fadhi bari hore ayay dhinac iskaga tuurtay inannimo iyo hawlihii gur...

Guurkii Caalin

Image
Cibaado waxa aanu jaar ahayn muddo fara badan, maalintii aanu soo degnay xaafadda iyadu way degganayd. Iyada iyo qoyskeedu waxa ay ku nool yihiin aqal soomaali wayn oo albaabkiisu u jeedo cadceed ka soo baxa. Aqal soomaaliga ka soo horjeedkiisa waxa ka dhisan buul yar oo dayac aad u badani ka muuqdo oo ay Cibaado iyo qoyskeedu wax ku karsadaan. Cibaado afartan sanno ayay jirtaa, afar ubad ah ayuuna Ilaahay siiyay. Odaygeeda Caalin waa oday dhuuban dheer da’ina ay ka muuqato, waxa uu waligiiba ka shaqayn jiray dhismaha guryaasha. Waagii uu xoogganaa wastaadnimada oo uu xariif ku ahaa ayuu ku shaqaysan jiray imika se mar mar ayuu kuulinnimo dirqi ku helaa.